Sunday 1 November 2009

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

Qallin

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

Waxa aan dhamaan salaamayaa akhristayaasha Sharafta leh ee u abtirsada afka soomaaliga…. Salaan ka dib waxa Mahad leh ALLAH…. Ammaan iyo nabad gelyo ALLAH korkiisa ha yeelo Nabigeenii Muxammed Ibnu Cabdlillah.

Intaa ka dib sida aynu la wada ogsoonahay soomaalida dhaqankeeda waxa ceeb ku ahaan jirtay in la xidho hablaha oo xabsiyada la dhigo, xiitaa haddiiba ay dhacdo arrin aad u weyn oo aan la aqbali Karin, waayo sida aynu wada ogsoonahay habluhu waa cawro, adkaysina uma laha nolosha xabsiyada ee aadka u daran meel kasta oo ay joogaanba.

Hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa aad iiga nixisay oo aan la yaabay sheeko ka dhacday Dubai taas oo ah in ay jirtay inan reer Somaliland ah oo magaceedu yahay Deeqa Maxamed Xuseen(Cashuur)

Deeqa sida la ii xaqiijiyay waa inan muddo sideed sanadood ah u shaqaynaysay Dahabshiil kuna caan baxday Ammaano, Shaqo wanaag, Hawlkarnimo iyo Dabeecad wanaag… dadka ay u adeegi jirtayna waxay dhamaantood ka mara kaceen in ay Deeqi tahay gabadh aan gayin xabsiga maanta ay taalo waana wax laga yaxyaxo.

Akhriste si aad sheekada u fahanto Waxa dhacday gabadha in last week ay nimaan african ah kaga dhaceen lacag dhan $150,000 One hundered and Fifth thousands Us Dollars. xafiiska Dahab shiil Dubai mar ay ku jirtay shaqadda.

Sida ay uga dhaceena waxay weeye in ay sixir u qabteen oo ay indho sarcaadiyeen, ka dibna ay lacagtaas qaateen, lacagtaasina ay sidaa ku luntay…….

Inagoo hadaba dhamaanteen ka warqabna in ay dhacdooyinkan oo kale ay dhacaan inta aan ka warhayana aniguna aan u soo joogay xawaalado badan oo sixir dartiis lacago badan looga dhacay.waxa wax lala yaabo ah in inanta dhibta intaas leegi ay soo gaadhay la xidho oo hadana la jidh dilo si ay u qirato danbi aanay lahayn…

Waa ceeb waa gaf iyo wax aan hore loogu arag shacbiga soomaaliyeed dhexdooda, in inan la xidho oo hadana la jidh dilo..

Shirkadda Dahabshiil way ka saraysay kana sumcad wanaagsanayd in sheekadan oo kale ay dhacdo…. Runtiina waxaay meel ka dhac ku tahay shirkadda qiimaha iyo qaayaha weyn leh ee u dhexda ah dhamaan umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba iyo guud ahaanba umadda caalamka……

Waxa iyana aan aad uga sii damqaday markii aan maqlay in odayaashii iyo waxgaradkii soomaaliyeed ee joogay DUBAI ay xawaaladda DAHABSHIIL ka codsadeen in ay soo dayso Gabadha yar ee ah hooyada naas nuujinaysa ilmo yar oo aan wali naas nuujintii ka bixin…

Waxa jirtay in shirkadda DAHABSHIIL lafteeda meelo badan lagu dhacay marar badan sida OHIO USA, DOHA QATAR oo aanay jirin cid loo xidhay…

Waxaan leeyahay shirkadda Dahabshiil waa ceeb waana wax aan la garawsan Karin gabadha hooyada ah ee jidhdil iyo qaraac aan arxan lahayn lagu hayo xabsiyada carabta ee aan Naxariista lahayn gaar ahaan DUBAI..

Waxa iyana mid aad looga xumaado ah Diiditaanka ay shirkaddu diiday in ay aqbasho codsiga waxgaradka iyo odayaasha Dubai oo aanay shirkaddu wax dhag ah Jalaq u siin!.. Qadarku wuu dhacaa, wax kastana way ku soo marayaan inta aad nooshahay laakiin Bani’aadamnimada ayaa iyana ah shay aad u muhiim ah.

Taariikhduna way sheegi iyadaana wax suuraysa, Shirkadda Sumcada weyn leh iyo Gabadha ammaanada iyo shaqo wanaaga loo qiray ee hadana muddo intaa leeg Jeel dhex jiigta………

Xassan Cismaan

South Africa

No comments:

Post a Comment