Sunday 8 November 2009

DOOD MUCAARIDKU WAY IXTIRAAMAAN MW KU XIGEENKA MADAXWAYNAANA 7 SANO AYAY CAAYAYEEN WAA MAXAY SABABTU?

DOOD MUCAARIDKU WAY IXTIRAAMAAN MW KU XIGEENKA MADAXWAYNAANA 7 SANO AYAY CAAYAYEEN WAA MAXAY SABABTU?

UGU HORAYN IGA GUDOOMA SALAANTA ISLAAMKA ASALAAMU CALAYKUM DHAMAANTIIN.

HORAA LOO YIDHI:AF-XUMO NABADNA WAYKAA KAXAYSAA COLAADNA WAXBA KAAGAMA TARTO. WAA RUN.

Marka xigta waxaan galayaa doodii oo aan jeclay insha allah inay soo gali doonaan Shacbiga Somaliland ee had iyo goor jecel Badbaadinta Nabada iyo Jiritaanka Dalkooda isla markaana aaminsan in Axsaabtu aanay ahayn reero iyo aflagaado xumo laysu diro toona balse ay yihiin NIDAAM LAGULA KALA WAREEGO HOGAANKA DALKA XUKUNKA MARKAA JIRA. Doodan aan soo bandhigayo maanta Nov 9, 2009 waxay ku bilaabmaysaa sida tan:

April 19, 2003 ayay ahayd xiligii Gudidii Hore ee Doorashooyinka Jamhuriyada Somaliland ay ku dhawaaqday natiijadii Doorashadii Madaxtooyada ee xiligaas taasoo ay ku raacday Maxkamada sare ee dalku halkaas ayuu ku soo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo M/KX Axmed Yusuf Yaasiin.

Waxa xusid mudan in MWeyne Daahir Rayaale iyo Axmed Yusuf Yaasiin ay yihiin laba muwaadin oo dalka hogaankiisa haya isku sina uu u saameeyo, maadaama arintu sidaas tahay la gaban maayo inay yihiin laba nin oo wada leh ama wadaaga waxyaabo aad u badan marka aynu ka eegno dhinaca tayada siyaasadooda ama hogaaminta qaranka. Waa niman wada leh AMAAN IYO AFLAGAADO (inkastoonay fiicnayn AFXUMADA MADAXDU) taasna ay ugu wacantahay xilka culus ee ay wadaagaan waxa uu usoo jiido. In a nutshell,they are in the same boat.

Hadaba DOODAN DHUUXEEDA AYNU DHADHAMINO EE ILA EEGA SHACBI WAYNOOW: Laga soo bilaabo Taariikhda aan kor ku xusay ilaa maanta 4/19/2003-11/09/2009, waxa aan mucaaridka iyo taageerayaashooda ku amaanayaa sida layaabka leh ee ay u xafideen una ilaaliyeen Sharafta,Magaca iyo Karaamada Madaxweyne ku xigeenkeena MUDANE AXMED YUUSUF YAASIIN iyagoo kula dhaqma xushmad iyo qadarin aad u heer saraysa markhaatina ay ka tagay xitaa markay cadhoodaan afku kama xado. Waxa hadaba shacbigii iyo anigaba naga yaabiyay oo aan waydiinayaa mucaaridka iyo taageerayaashooda su’aashan:

WALIGIIN ERAY GAF-FA MAYDAAN ODHAN M/W KU XIGEENKEENA AXMED YUUSUF YAASIIN WAANA KU MAHADSANTIHIIN, MAXAY SE KU DHACDAY IN MADAXWEYNAHA 7 SANO AMA MAALINKASTA SAXAAFADA KA CAYDAAN IYADOO AYDAAN XITAA DHAAFIN XURMADIISII AMA MARWADIISII???

Ma oodi Ab ka dhawbaa! ?

Ma shacaybkaa wax u dhimaysaan oo leedihiin codkooda ayay inoo hurayaan hadaynu Rayaale cayno! ?

Ma Gobol Waynaha Awdal Somaliland maahaa!?

Ma Beel nacayb iyo xaq uma laha Kursiga madaxtooyadaa!?

Bal shacbigaa codka ka rabtaan qanciya aan idiin kala baxee!

Madaxweynaa waa la caayikaraa siyaasadiisa laakiin shaqsi cayga iyo halkaa gaadheen wax umadu qaadan karto maaha. Ninkasta oo wayn oo Bidaar leh oo ku day-yoobay Siyaasada LAPTOP ayaa u iibiseen si aanu waxba ula hadhin! Af-xumo colaadna way kaa kaxaysaa nabadna waxba kaagama tarto.

Fiiro Gaara: Qofku hadii uu dhaafo darajada NACAS waxa afsoomaaliga aad loogu sifeeyaa kalmada HACOO, waxaan ka AFEEF dhiganayaa ninka HACOOGA ahi inaanu u qaadan inaan leeyay MW/KU xigeenka hala caayo. Shacbigu ha u fiirsado waxay ku jawaabaan dabadeedna Rayigooda Dadwaynuhu ha ka dhiibto.

Wasalaamu Calaykum

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment