Sunday 8 November 2009

MARSADA BERBERA OO UU KU SOO XIDHAY MARKABKII UGU WAYNAA ABID INTII LA SAMEEYEY EE KU SOO XIDHA DEKADAASI

MARSADA BERBERA OO UU KU SOO XIDHAY MARKABKII UGU WAYNAA ABID INTII LA SAMEEYEY EE KU SOO XIDHA DEKADAASI

Waxaa maanta dekada magaalda Berbera ku soo markab aad u wayn kaas oo la sheegay in uu yahay markabkii ugu horeeyey ee ku soo xidha ilaa iyo inti la sameeyey dekada 1968 kaas oo uu dhererkiisu ahaa 235 mitir halka qotoda uu biyaha kula jirayna uu ahaa ku dhawaan 10 mitir.

Mar kabkan oo u rarnaa ganacsatada reer Somaliland ayey xidhashadiisa marsada Berbera ay aad u soo dhaweeyeen maamulka dekadu taas oo ay ku tilmaameen in uu yahay guul u soo hoyatay marsadan xidhashadiisuna ay dhiiri galin u noqonayso maraakiibta la midka ah oo ay tusayso in ay ku soo xidhan karaan marsada Berbara.

Gobtaas oo ay goobjooj ka ahaayeen madaxda kala duwan ee marsada Berbera ayaa waxa ka mid ahaa ahaa madaxdii goobta joogtay mareeyaha dekada Cali Xoor xoor , mareeye kuxigeenkiisa Bille Xirsi iyo madax kale oo ka tirsan maamulka dekada.

MAKAB WAYN 1

Hadal yar oo kooban oo uu ka jeediyey goobtaas mareeye ku xigeenka marsada Berbera mr Bille Xirsi ayaa waxa uu ku sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ka maamul ahaan soona dhawaynayaa soo xidhashada markabakan uuna u soo jiidayo sumcan iyo sharaf , sidoo kale waxa uu sheegay in ay u tafaxaydan yihiin sidii ay u horumarin lahaayeen marsadan ay xukumaan taas oo uu sheegay in ay ku bixyaan waqti badan oo ugu yaraan 20 sacadood ah malintii waxaana dheer ayuu yidhi in aanu had iyo goor u raadino qalabkii loo adeegsan lahaa dekeda, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka sii dhawaan ay u hawl galidoonan sidii ay u sii dheerayn lahaayeen jooga ay iminka qodan tahay oo uu ku qiyaasay dhawr iyo toban .

MARKAB WAYN 2

Sidoo kale mid ka mid ahaa darawaliinta maraakiibta soo xidha ayaa sheegay in uu markab kani yahay kii abid ku soo xidhan dekada taas oo uu sheegay mudadii la dhisay dekada oo ahayd 1968 ilaa hada uu yahay kii ugu horeeyey ka dherer ahaan iyo ka joog ahaanba waxaanuu sheegay in uu yahay markani maraakiibta ugu waayan aduunka kuwaas oo u kala goosha dunida dacaladeeda.

Warqabadka togaherer

Berbera

No comments:

Post a Comment