Friday 6 November 2009

43 ASKARI OO MARAYKAN AH OO DHIMASHO IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY SALDHIGA CAALAMKA UGU WEYN

43 ASKARI OO MARAYKAN AH OO DHIMASHO IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY SALDHIGA CAALAMKA UGU WEYN

Mas’uuliyiin Milatari oo Mareykan ah ayaa Sheegay in Dhaqtar Cilmi Nasiga ku taqasusay oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka uu dilay 12 Askari uuna Dhaawacay 31 kale kadib markii uu rasaas ku shaandheeyey isaga oo adeegsanaya labo Baastooladood Saldhig Milatari oo Weyne oo lagu Magacaabo “Fort Hood” oo kuyaal Gobolka Taxes ee Dalka Mareykanka Galinkii Dambe ee Khamiistii Shalay, Ninkii falka gestayna uu Dhaawac yahay .

Mas’uuliyiintaas ayaa intaa ku daray in Ninka hubeysnaa ee Falka ka dambeeyey uu yahay Major Maalik Xasan oo 39 jir ah kana soo jeeda Asal Muslim ah kaas oo Daweynayey Ciidamada Mareykanka Dibadiisa ku soo waxyeeloobay.

Saraakiisha Amaanka Saldhigaas ayaa Sheegay inay wali baaritaano kuwadaan Dhacdadan wararka hordhaca ah ee la helayana ay sheegayaan in Cida Rasaasta ku fartay Askarta kale yahay hal qof isla markaaana uu nool yahay Ninkii Falka geystay.

Saraakiisha oo war hore uga soo baxay ku sheegay in la toogtay Ninka Dilka geystay ayaa markale Sheegay in dhowr Xabadood lagu dhuftay Ninkaasi uuna wali Dhaawac yahay.

Mid kamid ah Saraakiisha Sadhigaas mar laweydiiyey in Dhacdadana Xiriir la leedahay waxa loogu yeero Fal argagaxisnimo ayuu ku jawaabay: “arintaa ma baciidsaneyno laakin hada waxaan idiin Sheegayaa Cadeymaha aanu heyno arinkaa ma Sheegayaan”.

Qaar kamid ah Askartii goobta ku sugneyd ayaa Sheegaya in weerarku ka dhacay meel Ciidanka lagu qalabeeyo oo ay ka socotay Baaritaanka Caafimaad ee Daqiiqadhii ugu Dambeeyey Ciidamo loo qaadi lahaa Goobaha uu Dagaalada ka wado Mareykanku weerarkuna waxa uu dhacay 1:30 Duhurnimadii Shalay.

Saldhigan ayaa ah sida la Sheegay Sildhiga ugu weyn Caalamka isla markaana ah udub dhexaadka Ciidamada Mareykanka ee loo diro Ciraaq iyo Afqanistan, waana Goobta ay ka soo baxaan Ciidamada Gaarka ah ee uu Mareykanku sida weyn ugu Xisaabtamo Gaar ahaan Guutada afaraad ee Maarinska Mareykanka iyo koox ay ugu Magacdareen Gesiyaasha koowaad.

878 KM oo laba jibaaran ayuu ku fadhiyaa Saldhigan waxaana ku jira in kabadan 65,000 oo Askai iyo tiro kale oo Qoysas iyo Saraakiil ka Shaqeeya ah.

Nin ay ilmo adeero yihiin Ninka Falkan geystay oo lagu magacaabo Naadir Xasan ayaa Sheegay in ina adeekii uu ahaa Muslim ku dhashay Mareykanka oo Ciidamada ku biiray markii uu ka baxay Dugsia Sare isla markaana uu aad u necbaa in loo diro Goobaha Dagaaladu ka socdaan laakin uu Xaqiiqsaday in loo diri doono Dagaalada uu Mareykanku ka wado Dhulalka Muslimiinta.

Shir jaraa’id oo uu Wasaarada Daakhiliga ku qabtay Madaxweynaha Mareykanka Obama ayuu ku Sheegay inuu aad uga Xun yahay in Geesiyaal kaga dhintaan Saldhig Ciidan oo kuyaal gudaha Mareykanka iyagoon wali gaarin Goobaha dagaalada ka socdaan.

Waxa kale oo uu Sheegay inay Baritaan wada jir ah ka samey doonaan Dhacdadan Dhamaan Hey’adaha Amaanka Mareykanka.

Saldhigan ayaa ah Goobta ugu badan ee ay isku daldalaan Ciidamada Mareykanka ee jahawareerka ka sooqaadey Ciiraaq iyo Afqanistan iyo kuwa diidan aaditaanka goobahaas.

Saldhigan ayey ka soo duuleen Ciidamadii mareykan ee 1992 Soomaaliya ku soo duulay ee ka geystay Dhibaatooyinka Xoogan sidoo kalana waxaa ka kicitimay kuwii Bosnia kuduulay isla Sanadkaas iyo waliba kuwii 1991 Dagaalkii ay ugu magac dareen Dabeyshii lama Dagaanka ku qaaday Ciraaq, iyo waliba Ciidamadii ka dagaalamay Vietnam.
r1
MALIK XASAN NINKA FULIYAY DILKA
muuqaalka-guud-ee-aldhiga-weerarku-ka-dhacay1gen-bob-kohn-taliyaha-saldhiga-miltari-oo-saxaafada-la-hadalayaciidamo-horfdhiya-afaafka-hore-ee-saldhiga-oo-ka-war-dhowraya-asxaabtoodii-rasaastu-haleeshay1askari-kamid-ah-kuwa-dhaawcmay-oo-isbitaalka-yaal00-0500-021_2009311_3386

No comments:

Post a Comment