Monday 2 November 2009

QARAX LALA BEEGSADAY SALDHIG KU YAALA BOOSASO IYO WASIIRKA AMNIGA PL OO KA HADLAY ARINTII DAALO.

QARAX LALA BEEGSADAY SALDHIG KU YAALA BOOSASO IYO WASIIRKA AMNIGA PL OO KA HADLAY ARINTII DAALO.

Waxaa fiidnimadi caawa weerar bam gacmeed ah lagu qaaday Saldhig ku yaala Magaalada Bosaaso kaas oo geystay khasaaro dhaawac ah.

Saldhiga lagu magacaabo Minjir oo ku yaala xaafada Biyo Kulule ee Bariga Magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu tuuray bam kaas oo sababay khasaaro dhaawac

Wararaka laga helaayo Saldhiga u Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa loo sheegayaan in Taliyihi Saldhigaas oo lagu magacaabo Duunge iyo Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Waxaana ay wararku sheegaayan in xilliga Saldhiga la weeraraayay u Taliyaha ku sugnaa, waxaana iminka dhaawaca Taliyaha la geeyey Cisbitaalka Bosaaso halkaas oo lagu dabiibaayo isaga iyo Askariga kale ee isaguna ku dhaawacmay.

Lama yaqaano cida ka dambeysay qaraxaan caawa lala beegsaday Saldhiga Minjir,waxaana jirta in Ciidan ka tirsan Saldhigaas ay durbadiiba bilaabeen howlgalo ay ku sugaayan amniga aaga saldhiga, iyadoo sidoo kale ay kala ceyriyeen dadki isugu soo baxay Saldhiga oo rabay in ay ogaadan sidi ay wax u dhaceen.

Qaraxaan ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca Magaalada Bosaaso mudo 24-saac gudahood ah, iyadoo habeenkii xalay qarax lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidan ka tirsan amniga Bosaaso kuwaas oo xilliyadi habeenkii baara gaadiidka goosheeya laamiga dheer ee Bosaaso.

Waxaana muuqata in falalka amni darada ah xilliyada habeenkii ay ku soo badanaayan magaalada Bosaaso oo mudooyinkii ugu dambeeyey aan looga baran, iyadoo sidoo kale maanta garoonka diyaaradaha laga afduubtay diyaarad ay iska lahayd Shirkada Daalo Airline kaas oo ay afduubeen Kooxo hubeysan oo marki dambe ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Puntland.

Dhanka kale waxaa xabsiga caawa laga soo daayey Suxufi Cabdiqani Xassan Dhagjar oo asagu kamid ahaa xubnihii la shaqeenayey suxufiyiinta Ajaanibta ah ee la isku dayey in la afduubo, ayadoo la sheegay in wax danbi ah ay ciidamada ku waayen. Suxufi Dhagjar oo ah wakiilka Wakaalada Reuters ee Puntland ayay ciidamada amniga hayeen muddo saacado ah xiligii uu socday baaritaanka.

Wararka ayaa qaarkooda sheegaya in ciidamada ay xireen xubno kale oo la sheegay inay gacansiinayeen labada nin isla markaana hubka u gudbiyey, ayadoo la sheegay in baaritaan lagu wado shaqaalah shirkada Daallo qaar kamid ah.

Shirkada Daallo Airlines ayaa maanta dib u bilowday hawlaheed duulimaadka.

Wasiirka Amniga Puntland Gen.Cabdullahi Siciid Samatar oo Shir jaraa’iid ku qabtay Bosaso ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid aad u culus, asagoo sheegay in Duuliyayaasha diyaarada iyo Rakaabkaba ay kaalin weyn ka qaateen sidii nimankaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Diyaarada ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaceen xabado, balse aysan khasaaro weyn aysan soo gaarin isla markaana ay dib u gashay duulimaadkeedii caadiga ahaa.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay gelin doonaan feejignaan dheeraad ah, asagoo sidoo kale sheegay in wax laga bedali doono amniga iyo baaritaanka Airporka Bosaso.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin dheeraad ah ka bixiyo habkii hubka loo gashay diyaarada dusheeda, asagoo sheegay in baaritaanka ay wadan oo falalka noocaan ah ay dunnida ka dhacaan, asagoo sheegay inaysan dhici jirin diyaarad rakaab oo noocan ah sidaa loo afduubo.

“baritaanka waa socdaa, mana jirto cid loo naxariisanayo wixii dhacayna waa la ogaanayaa”ayuu yiri wasiirka Amniga Puntland Gen.Cabdullahi Siciid Samatar.

Soo diyaarintii

Baashe Maxamed

Bosaso

No comments:

Post a Comment