Tuesday 10 November 2009

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 14 AAD XAQSOORKA IYO CADAALADA

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 14 AAD XAQSOORKA IYO CADAALADA

ADUUNKAAsalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxan salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u diraya Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 14aad)

Xaqsoorka iyo Caddaaladda

Xaqsoorka ama caddaaladdu waa tiirka nolosha,waana halka ay ka bilaabanto nabadda iyo horumarku,waa dhimbiil qaadashada sinnaanta iyo eex la’aanta,waana dareenka dhabta ah ee ka marag kacaya shakhsiyadda iyo qofnimada wanaagsan.

Caadil waa magac ka mid ah magacyada Illaahay oo sheegaya in sifooyinka Alle ay ka mid tahay caddaaladdu,Alle subxaana watacaalaa waa caadil aan cidna dulmiyin:

وما ربك بظلام للعبيد {فصلت}

Aayadda:Rabbigaa ma aha mid dulmiya Addoomada(dadka)

Alle cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya:

فما كان الله ليظلمهم ولكن كانوا أنفسهم يظلمون(الرّوم)

Aayadda:Alle ma aha mid dulmiyaya laakiin iyaga ayaa naftooda dulmiyaya.

Xadiisul quddus ayaa Illaahay ku sheegayaa in dulmiga uu naftiisa ka xarrimay,oo dadkana sidoo kale ka xarrimay oo ay ka dheeraadaan dulmiga oo aanay cidna dulmiyin:

الحديث القدسي: “يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي، وجعلته بينكم محرمًا فلا تظالموا”. (رواه مسلم)

Xadiiska:Addoomadaydow naftayda waan ka xarrimay dulmiga,oo dhexdiinnana waxan ka dhigay dumiga mid xarriman,ee ha is dulmina.

Alle subxaana watacaalaa waa caadil u xaq soora Addoomihiisa,oo qof kasta siiya abaalkiisa oo buuxa iyadoo dhibic wax le’eg laga dhimin:

ومن يعمل من الصّالحات من ذكر أو أُنثي وهو مؤمن فأُولئك يدخلون الجنّة ولا يظلمون نقيراً(النساء)

Aayadda:qofkii sameeya camal saalix ah oo wanaagsan isagoo muslin ah,Lab iyo Dheddig kuu doono ha ahaadee,kuwaasi waxay gelayaan Jannada iyadoo aan waxyar laga dulmiyaynin.

Qofku samaan iyo xumo wuxuu sameeyo abaalkeeda ayuu helayaa,maadaama oo loo sheegay xaqa iyo waddada saxa ah iyo ta khaladka ah,loona sheegay inuu ta xaqa ah raaco oo khayrka doorto:

وجزاء سيّئة سيّئة مثلها فمن عفا وأصلح فأجره على الله إنّ الله لا يحب الظالمين(الشورى)

Aayadda:Jasaa’iga iyo abaalka xumuhu waa xume la mid ah,qofka cafis iyo heshiis sameeya Alle xaggiisa ayuu ajar ku leeyahay,Alle ma jecla kuwa wax dulma.

Alle isagaa korreeyee qofna waxaanu samayn kuma ciqaabo,ee qof kasta waxa uu sameeyo ayuunbuu helayaa abaalkeeda:

وَأَن لَّيْسَ لِلإنسَانِ إِلاَّ مَا سَعَى وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَى ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاء الأَوْفَى (النجم)

Aayadda:Insaanku wuxu sameeyo oo camalkeeda la yimaado mooyee waxkale lama waydiinayo,oo wuxu shaqaystay wuu arkayaa oo waa laga abaalinayaa,abaalmarin buuxda.

ولكلّ درجات مّمّا عملوا وليوفّيهم أعمالهم وهم لا يظلمون(ألأحقاف)

Aayadda: qof kasta derejadiisu waa wuxuu shaqaystay,oo waa loo oofinayaa shaqadiisa iyadoo aan la dulmin.

فمن يعمل مثقال ذرّة خيراً يره ومن يعمل مثقال ذرّة شرّاً يره(الزلزلة)

Aayadda:kii sameeyaa wax aad u yar oo khayr ah wuu arkayaa oo helayaa,kii isna sameeya wax yar oo shar ahi wuu arkayaa oo wuu helayaa.

Caddaaladda ama xaqsoorku waa siinta qof kasta xaqiisa,iyadoo aanad waxba ka nusqaamin,xaqiisu ama ha ahaadeen maal ama xidhiidhka dhaqameed ee uu waajibka u leeyahay,in ixtiraamkiisa iyo qadderinta uu mudan yahay qof kasta la siiyo,waa khalad in qof ama dad qof ka badanba inaad xaqooda duudsido oo dulmi ku samayso, sida inaad meel kaga dhacdo,ama wax aanu u qalmin ku tidhaahdo ama ku samayso, sidoo kale waxa caddaalad darro ah eexda iyo qaraaba kiilka oo ah cudurrada dhaqameed ee faraha ba’an innagu haya,qofka waxad ugu hiilin kartaa khayrka iyo xaqa,laakiin xaq darro uguma hiilin kartid waa dulmi iyo xaqsor la’aan,oo waxay ku geyaysiinaysaa wax Alle xarrimay inaad samayso,oo denbi ka kasbato,qof kasta oo muslin ah,waa inuu ogaadaa in qofkii xaqa iyo cabsida Alle ku sugan qudha ay wadaagaan walaaltinimo dhab ah,ee aanu ahay kay is Aabbe xigaan,haddaanu taas ku dhaqminna waa xaqsoor la’aan iyo caddaalad darro,uu ku saleeyey doorashadiisa.

ياأيها الذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهدآء لله ولو على أنفسكم أو الوالدين والأقربين إن يكن غنياً أو فغيراً فالله أولى بهما فلا تتّبعوا الهوى أن تعدلواً(النساء)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow ahaada kuwo ku qumma oo sameeya xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato nafihiinna,ama waalidiinta,ama dadka qaraabada ah,qofku ama taajir wax haysta ha ahaado,ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor Alle ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiina inaad caddaalad samaysaan.

Waxa Alle u soo diray Rususha oo Kitaabka u soo dejiyey in caddaalad iyo xaqsoor la sameeyo:

لقد أرسلنا رسلنا بالبينات وأنزلنا معهم الكتاب والميزان ليقوم الناس بالقسط (الحديد)

Aayadda:xaqiiqa’e waxannu dirnay Rususha iyadoo bayinaad iyo Aayado cadcad ay wataan,oo waxannu u soo dejinnay Kitaab iyo Miisaan si ay dadka ugu caddaalad sameeyaan.

Waxa Alle Ummadda faray inay xaqsoor iyo caddaalad sameeyaan,wax kasta oo ay fulinayaan,oo aanay ku dhaqanka iyo samaynta xaqsoorka aanay raad ku yeelan wax kale,sida colaad aad cid u hayso ama nebcaansho iyo wixii la mid ah,laakiin amarka Eebbe aad raacdo oo faraya caddaaladda iyo xaqsoorka.

(يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولو على أنفسكم و لا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوى واتقوا الله إن الله خبير بما تعملون) (سورة المائدة)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow noqda kuwo u xaqsoora dar Illaahay,oo caddaaladda ooga oo ka marag kaca,haba ahaato nafihiinna’e,yaanayna idinku qaadin oo idinku kellifin cadaawad aad cid u qabtaan in aydinaan caddaalad falin,sameeya caddaalad isagaa u dhow cabsida Eebbe’e,oo ka baqa Alle,Isagu waxad samaynaysaan wuxu u yahay khabiire.

Waxyaalaha dadku inta badan aanay xaqsoorka ka samayn,waxa ka mid ah miisaanka, oo dad fara badani dhimaan,taas oo khilaafaysa amarka Eebbe ee ah in xaqsoor iyo caddaalad la sameeyo oo dulmiga laga dheeraado:

ويلٌ للمطفّفين الّذين إذا اكتالوا على النّاس يستوفون وإذا كالوهم أو وّزنوهم يخسرون ألا يظنّ أولئك أنّهم مبعوثون ليوم العظيم يوم يقوم النّاس لربّ العالمين(المطفّفين)

Aayadda: waxa halaag u sugnaaday kuwa mudafifiinta ah ee hadday wax miisamayan iyagu badsada miisaanka,hadday cid u miisaamayaanna yareeya oo naaqusa,miyaanay u malaynaynin kuwaasi in la soo saari doono,maalinta weyn,ee dadku Alle hor taagan yihiin.

Alle subxaana watacaalaa wuxu amrayaa Ummaddoo dhan inay xaqsor iyo caddaalad ku dhaqmaan,qowl iyo camalba,dad baa hadallo gef ah yidhaahda,ama gabay iyo hees ama sheeko iyo kaftan,ama warbixinba,qaabkay doonto ha ahaatee,waxa lagama maarmaan ah in qofku aanu dulmi samayn oo hadalkiisu xaqsoor xambaarsanaado:

…واذا قلتم فاعدلوا ولو كان ذا قربي وبعهد الله اوفوا ذالكم وصاكم به لعلكم تذكرون (الانعام)

Aayadda:haddii aad hadal tidhaahdaan cadli sameeya( oo weedhunnu ha ahaato mid xaqsoor leh) haba ahaado qofka aad la hadlaysaan qaraabadiinna oofiya cahdiga iyo ballanta Alle,sidaa ayaa la idiin dardaarmaye,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

Todobada qof ee Alle u hadhaynayo hadhkiisa maalinta aan hadh kale jirin,hadhkiisa mooyee,waxa ka mid ah Iimaanka(boqorka ama hoggaamiyaha)caadilka ah:

قال صلى الله عليه وسلم : “سبعة يظلهم الله في ظله، يوم لا ظل إلا ظله: إمام العادل…

Xadiiska:Rasuulku wuxu yidhi Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee:Todoba Alle ayaa u hadhaynaya hadhkiisa,maalin aan hadh kale jirin,hadhkiisa mooyee:Iimaanka caadilka ah…

وقال صلى الله عليه وسلم : “إن أحب الناس إلى الله يوم القيامة وأقربهم منه مجلسًا إمام عادل، وإن أبغض الناس إلى الله يوم القيامة وأشدهم عذابًا إمام جائر”. (الترمذي)

Xadiiska:dadka waxa Alle ugu jecel yahay yowmal qiyaamaha oo ugu dhow Iimaanka caadilka ah,waxana Alle ugu cadho badan yahay yowmul qiyaamaa oo cadaabkiisu ugu kulul yahay Iimaamka(Hoggaamiyaha) dulmiga badan.

Waxa Illaahay dadka farayaa mar kasta inay caddaalad iyo ixsaan sameeyaan,waxana Alle amrayaa dadka inay ka dheeraadaan xumaha iyo waxa aan wanaagsanayn:

إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون(النحل)

Aayadda:Alle wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan oo dadka ehelka ah la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo diidayaa in xumaha iyo munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin yaboohayaa oo idiin yeedhayaa waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

Waxa Alle ina farayaa in haddii aynu wax xukunno ama u garnaqno aynu xaqsoor iyo caddaalad samayno:

إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن تحكموا بالعدل (النساء)

Aayadda:Alle wuxu idin amrayaa in aad Amaanooyinka ehelkooda u celisaan,oo haddii aad dadka kala xukuntaan ama u kala garnaqdaan,waa inaad caddaalad ku xukuntaan.

Diinta Islaamku waxay ina baraysaa sida iyo nidaamka loola dhaqmayo,hadday laba kooxood ama qabiil oo muslin ahi islaayaan:

وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحداهما على الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى تفيء إلى أمر الله فإن فاءت فأصلحوا بينهما بالعدل وأقسطوا إن الله يحب المقسطين (الحجرات)

Aayadda:haddii laba kooxood oo Muminiinta ka mid ahi,is laayaan,heshisiiya oo haddii kooxi diiddo heshiiska,la dagaalama ilaa ay amarka Illaahay u soo noqonayso,hadday soo noqoto si caddaalad u heshiisiiya,oo xaqsoor sameeya,Alle waa jecel yahay kuwa sameeya xaqsoorka.

Ummadda Soomaaliyeed oo ah Ummad wada Muslin ah waxa dhaqankooda aad ka helaysaa caddaaladda iyo xaqsoorka siday u qiimeeyaan oo u ilaaliyaan,Maahmaah ayaa tidhaahda:Illaahow eex ha nagaga tegin aqoon darrona ha nagu cadaabin,taas oo kuu caddaynaysa sida dadkani eexda ugu arkayeen wax aan haba yaraatee la aqbali karin oo Alle ka dalbayaan in uu ku qaado denbiga abaalkiisa hadday eex sameeyaan, laakiin haddii ay si aqoon la’aan ah oo aan u kas ahayn ay wax u sameyaan in Alle u dhaafo,oo aanu ku cadaabin.

Bulshada qof kasta oo ka mid ahi wuxu ku aaddan yahay door ay waajib ku tahay in uu uga soo dhalaalo si caddaalad ah,oo xilkasnimo iyo masuulnimo leh:

قال رسول الله صلى اللّه عليه وسلم” كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته فالإمام راع و مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها و مسئولة عن رعيتها والخادم راع في مال سيده و مسئول عن رعيته فكلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته”

Xadiiska:Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi kulligiin waxa tihiin masuul waxanad ka masuul tihiin waxa la idin raaciyey ee mas’uulka la idiinka dhigay,Iimaamku waa masuul waxanu masuul ka yahay Ummadda la raaciyey,Haweenaydu waa mas’uul waxanay ka masuul tahay,guriga ninkeeda oo la weydiinayaa,Khaadimkuna waa masuul oo maalka iyo xoolaha sayidkiisa(kuu u shaqeeyo)ayuu masuul ka yahay oo la weydiinayaa, kulligiin waxad tihiin masuul waana laydin weydiinayaa waxaad masuulka ka tihiin.

Caaddil weeye Eebboo

Cid kastaba xaqsoorkiyo

Camalkiisa siiyee

Caddaalad in la sameeyana

Casiis baa amraayoo

Caado inay ahaatoo

Codka hadalkad odhanay

Camalkaad samaynay

Ceebaha ka dhawrtoo

Colaad kaad u haysona

Cadka iyo xaqsoorkii

Cidhif hawga leexine

Caddaaladdu sinnaan iyo

Cabsi Eebbe weeyaan

Cibaadada Illaahay

Cabsidiyo adeecidda

Cidda laga helaayaa

Ceelkii Jannada iyo

Cisi bay ku noolaan

Caasi kii la yimi ee

Canaadkiisu badan yee

Cadiigsiga jeclaystee

Cadha Eebbe galabsada

Cadaabkaa abaal u ah

Cadka iyo lafaha iyo

Cunto intay ka dhigatay

Cammuuddaa ka yeelay

Cusayb kalaa la saariye

Celcelintaa ayaa hurran

Caddaan weeye amarkuye

Casiisow na nabadgeli

Caadilow na samabixi

Carafkii Jannada iyo

Cuddoonkii fardawsaad

Casumaadda nagu sii

Cimri aan gaboobayn

Cunto aan dhamaanayn

Cabbitaanka noocyada

Cayncaynka dalabbada

Caddaaladdaada nagu sii

Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo ku caddaalad iyo xaqsoor ku dhaqma oo dulmiga ka dheeraada.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment