Friday 6 November 2009

HAMBALYO IYO AMAAN AYAANU U HANAYNAY MAAMULKA JAAMACADA HARGEISA

HAMBALYO IYO AMAAN AYAANU U HANAYNAY MAAMULKA JAAMACADA HARGEISA

QAYBTA LAGU DARAY JAAMACADA HARGEISA
(CONFLICT RESOLUTION SECTION) WAA
DAWADA IS FAHMI WAAGA IYO JAAFAAJIRIQA
INA BARIINSADAY.

Asalaamu calaykum dhamaan shacbi iyo Warbaahinta xilkaska ahba

Waxa aad u qiimo leh in isha aynu ku hayno hadba talaabada horumar ee soo korodha ha noqoto mid uu keeni shaqsi,xisbi,urur ama xukuumadba. Bini aadmigu shayga wax ku oolka ah ama manfaca leh markay bilaabaan way yartay inay ka saadaaliyaan mustaqbalka fog ayaaha shaygaas. Hadaba waxaanu soo dhawaynaynaa talaabada ay qaadeen Maamulka Jaamacada Hargeisa kaasi oo ah qaybta ay ku kordhiyeen Jaamacada ee “Conflict Resolution section) afkeena hooyo waxaan odhankaraa Qaybta Daawaynta is fahmi-waaga iyo Jikaarka. Waa talaabo wax wayn soo kordhindoonta hadii laga faa’idaysto durusta lagu dhigayo waxaan si gaara ugu amaanayaa cidii keentay fikirkaas. Iyana waxa xusuus mudan in la taabto horumarka dhinaca wax barashada taasi oo dalkeenii Jaamacadii ay kusoo badanayaan aadna aan ugu farxay Jaamacada Gabiilay oo ah mid ku soo biirtay Jaamacadii aynu hore u lahayn.
Taranta Xarumaha wax barashada khaasatan Jaamacadaha dalkeenu waa kuwo kobcindoona maskaxda dhalinyarteena iyo dadka waawaynba. Midna aynu ogaano cilmiga lagama Gaboobo inagoo wax badan ku aragnay Qurbaha nidaamka Waxbarashada Dadka waawayn. Waxa jirta Hees aan ku dhiiri galinayo Cilmiga ama wax barashada taasi oo wiiga soo socda kasoo bixi doonta Cariga Ingriiska oo uu qaadi doono Fanaanka Fu’aad Cumar (Walaalaha Sweden).

Waxaan idinku adkaynayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh inaan hadii ilaahay yidhaa bishan Nov 9, 2009 inoo furidoono Dood kulul oo ku bilaabmaysa SU’AAL aan waydiinayo
MUCAARIDKA IYO TAAGEERAYAASHOODA. Waa inoo iyo bishan 9keeda hadii ilaahay yidhaa.

ILLAAHAY HAYNA GAADHSIIYO HIMILADEENA,NABADEENANA HAYNOO ADKEEYO.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment