Saturday 7 November 2009

HIBO EEBBE KU SIIYEY HABEEN LAYS KAMA QAADO!!

HIBO EEBBE KU SIIYEY HABEEN LAYS KAMA QAADO!!

shotaly yar

HIBO EEBBE KU SIIYEY HABEEN LAYS KAMA QAADO!!
Ilayn gacan qaad-qaad baratay baan cagaha dhigin, ee kolba xuluul gelisa suxulada si ay wax u soo xarba-jayso, taasina waxay dhalisay in ay haddii aan qolo lagu soog-nayn ama dhiig faraha aan la darin in aan qun yar la fadhiyi karin, ilayn wax kugu soo geli-maayaan rebshed la’aane, hadaba qaab-kaas waxa ku shaqeeya ninka cumaada isu xidhay ee loo yaqaano boqor buur madoow, oo aan haba yaraatee wax uu ka xishoodaa jirin, farsama-diisuna tahay odayga habarta wax loo saar, maxaa daba dhigay reerka H.JECLO ee ay cuntay waa yaabe?, ma dhuuni ku dil baa? mise ujeedo kale buu ka lee-yahay?, markuu afka kala qaado-ba wuu butaaca-yaaye, miyaanu wax isku falayn? ma waxa loo xil saaaray ( boqray cayda reerka),? maxaa dhayda ka lisay ee ku diray reerka?, halkee buu kala qaaday ee ay ka bilaabantay cadaawadan u gaarka ahi? misana aan cidi la ogayni?, muxuu yeelay reerku waa yaabe?, waxan filayaa in mararka qaar-kood uu ladh ku kacdo oo uu lee-yahay surucyo uu mudo isla dhex qaado?, haddii aanay sidaas ahayn waaba boqore maxaa amuuraha siiyaasada ee uu dhex jibaaxayaa min daraf ilaa darafka kale kubash siiyey?, waxad argtaa in loo dhiibay sheeko ka weyn meel uu ka bilaaba-na uu garan la’yahay, dabeedna ay ka qabsatay reerkii, oo uu saliiddii iyo biyihii isku daray, aanu madax iyo mijo kala lahayn., wuxu yidhi cali banfas mar uu u jawaabaayey dhoodaan:-

golxob-kaad la boodiyo, nin-kaad guudka kala fuushay,
waxaba kuuma gaysane, nacaa kuula soo galaye,

Waxan ku lee-yahay, nin yahaw ka hadh reerka, waxad isku khaladay siyaasad iyo amuurihii reerka, waxa aad ku soo hagaysaa reerka dhibaato aanay shuqul ku lahayn, warna aanay ka hayn, maxaa keenay waxay u baahan tahay habar jeclo in gacan bir ah lagu qabto?, yey denbi ka galeen ee haysta? waa maxay waxa ay adiga laf-taada kugu sameeyeen ee aad ku dilaysaa?, xagee bay khasaare ka keeneen ee loogu qabanayaa gacantaa aad sheegtay? waxad tahay miciinkii la coloow aan dhiig iyo uus midna lagu ogayn, ma waxad noqotay sameecad lagu hadlo oo adeegsa-daan kuwa xukunka ku amar ku taagleeyaa? iyo salaankii lagu fuuli lahaa reerka marka la dilaayo, adna dawac hor boodaaya baad tahaay?, waxa la yidhi adigoo waafi ah wayd la iskama dhigo, adiga baa is qalin daaraaya ee ka deg reerka, cida aad ku diraysaa ee aad lee-dahay gacan ku qabta ma dawladaa?, maxaa dhex maray ee aad salidka ugu tahay, maxaase kuu geeyey, salaadiinta iyo cuqaasha, odayada beesha ee ay kaaga ledi la’ yihiin, waxa kuu wacan in aad is canaanato oo aad xaal u gayso reerkan aad kolba ayaamo ka dib aad guudka uga baxaysid, haddii aad wax rabtid sheego kaaga yarayn maayaan riyaale’e, waar ka xishood wax yaabaha aanay beeshu geyin.
Isaaq imika is baran maayo, caado cusbna la arkimaayo, waar way kaa khaladan-taye, aaga uu yaalo reerku u firso waa bogcada laga difaaco somaliland ee hor fadhida cadwga ugu balaadhan ee somaliya marka laga soo bilaabo coodinle ilaa sanaag halka ay iska galaan puntland, waa jiida ugu dheer, waa halka ay ka dhimato somaliland, kana noolaato, waa reerka loo soo dhaafi waayey si kasta oo weerar lagu soo qaado somaliland, waxa weliba intaas kuu dheer, haddii cadaw ku haysto oo aad tidhaaho tolaayeey, inta aanu aabahaa kuu iman waa reerka kuu kaca, kana siman difaaca somaliland, waxa ka kacay faarax oomaar, sheekh bashiir, yaa la taariikh ah,cid kasta oo ka soo hor jeeda, maqaalkan, ama diidan waxan aan ku qoray, haku soo qoro mareeegtan, aniga baa la doodaaya’e, waxan ka codsanayaa reerka H. jeclo in ay debeda ka joogaan, oo aniga ii daayaan, haddii ay cidi isku daydo in ay yidhaahaan waa been waxan qoray, bal u fiirso imka waa reerka an cidi kaga jirin maamulka somaliya, reerka caado uma aha in waxoogaa la hor qaado, ee xagee baad ka keentay hungu-rigan, waar miyaanu ka dhalan ninkii salaan carrabay ee lahaa ee safka hore kaga jiray difaaca isaaq :-

Nin isaaqa godobtii bartaan, gaadhka ka hayaaye,
gujiskii badaan uga dhig-nahay, gebiga daaroode,

Waxan ku soo gabaga-beeyey maqaalkan, ka daa reerka afka aad ku jaqayso oo wax iskula hadh sidani maaha dad-nimo, waxad ka baxday xuduudii, rag badan oo sidaada ahaa baa markii lagu shaqaystay debeda loo tuuray oo imika is leh yaa dib kuugu celiya reerkii iyo halkaad ka gashaa sida INA SLEEBAAN WEYNE, oo markii laga dhigay wasiirka wershadaha is yidhi waad ku waaraysaa, meeyey imika xagee buu ku danbeeyey, waakii laga kari waayey siilaanyo’e, miyaad hadal ka maqasheen dambe saw biishku muu cunin, ma meel uu ka soo noqdaa baa u banaan? adna waxa kuu dambaysa sidaas ee joog haka laline, xaal sii reerka oo ha u noqon waxa aad ka sheegayso ee ah fadeexada, xsarada, iyo ceebha aad ku xajiimaynayso ee aanay u qalmin, samayne ee aad ku cambaaraynayso, oday didibso haddii kale dabar iyo hogaan baa laguu tidci kugu tiiriya geed qudhaanjo leh.

*N.B Nin hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment