Monday 2 November 2009

MUDANE MADAXWEYNE MAXAAD UMADDA U SHEEGI WAQTIGA OLOLAHA

MUDANE MADAXWEYNE MAXAAD UMADDA U SHEEGI WAQTIGA OLOLAHA

riyaale1Marka hore waxaan salaamaya dhamaan akhristayasha sharafta leh ee meel kasto ay jooganba, salaan kadib waxaa dhowaan dalka jamuuriyada Somaliland ka bilaabmaaya ololaha doorashada m/weynaha oo dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid dadkuna ay aad u sugayaan.

Hadaba waxaan iswaydiiyay marka ololuhu bilaabmo maxay madaxweyne Riyaale iyo xisbaga udub dadka u sheegi doonan waayo waxay xilka hayeen 7 sanadood, shan la doortay iyo laba loo kordhiyay oo aan sharciga waafaqsanayn wax muuqda oo ay qabteena majiraan ila hada, marka waxay dadbadani iswaydiinyan muxu ina Riyaale umada reer somaliland ee silca iyo darxumada badweynta ugu dhamaatay la hor iman doona.
frompresident riyaale s ... Image :
.
 ... UDUB KA DHIGTO DEG/ C/GAABOururka snm ee magaalada ...  ... for the udub party diaspora

Ma wuxuu odhan doona qodobadan faraha badan ee soo socda.

  1. Waxaan dhagax dhigay wershada sibidhka ee berbera.
  2. Waxaan idinka xidhay xoolihi dhoofi jiray oo aan nin carbeed u xidhay.
  3. Waxaan 3 jeer misaanyad ku daray lacagta lagaga bedelaayo giibaarta Burco.
  4. waxaan wado u sameeyay reer Oodweyne oo abaal igu laha.
  5. Waxaan sameeyay 4 gobol oo midba reer leeyahay iyada oo aan afarti horeba biyo lahayn, oo dhakhtar lahayn, oo wado lahayn, oo aan Iskuulo lahayn.
  6. Waxaan xidhxidhay rag waaweyn oo dalka sharaf kuleh.
  7. Waxaan laayay arday mudaharaadaysay oo madaxtooyada ku soo dhowaaday.
  8. Waxaan sameeyay 52 wasiir oo aan qaar xafiis lahayn
  9. Waxaan guryo waaweyn ka dhistay Jibouti, Dubai, iyo Masar.
  10. Waxaan cidanka qaranka ka ilaashay iny darajo yeeshan.

Sida iyo ololihii oobilaabmay.

Ciise Mohamed {Caliciise}

Cardiff uk.

caliciise98@hotmail.co.uk

No comments:

Post a Comment