Saturday 7 November 2009

GABAY : DERIS BARI (REER SOOL)

GABAY : DERIS BARI (REER SOOL)

ibrahim gaagaleGabay: Deris Bari (Reer Sool)

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa Deris Bari, waxa uu ka koobanyahay 84 beyd oo u dhisan 14 cutub oo min lixley ah waxaana sannadkii 1998 curiyay Ibrahim Hassan Gagale oo u dhashay Beesha Habar-Jeclo, Yeesif, sannadkaas oo qaybweyn oo ka tirsan Beesha Sool ka qaybgashay aasaaaskii Maamulka Puntland si ay u mijaxaabiso qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland uguna wacad-furto qaybtii ay ka qaadatay aasaaska iyo gobonimo la soo noqoshada ummadda Somaliland sannadkii 1991.

Gabaygu waa gar Beesha Sool ku eedaynaysa cadaawad, wacad-fur, daawo-fur, qabyaalad iyo dibindaabyo muddo dheer soo taxnaa oo ay ku hayso kuna xumaynayso Beelaha Dhexe ee Somaliland iyada oo og in marnaba nolosha adduunka aan la kala maarmikarin lana kala go`ikarin oo la wadaago: Taariikh, Dal, xuduud, dhaqan iyo dawladnimo sidaas awgeedna dantu ku jirto in si wadajir ah loogu midoobo dawladnimada, danta guud iyo wax-wada-qabsiga si horumar loo gaadho. Gabayga oo ah taariikh iyo waano waxa uu ugu dambaynta uga digayaa Beesha Sool nabsi-xumo aan la mahadin oo uga timaada dhibka iyo wacad-furka ay ku hayso dalkeeda iyo dadkeeda. Gabaygu waxa uu toos u khuseeyaa inta lidka ku ah nabadgelyada iyo dawladnimada Somaliland lana safan Puntland iyo Somalia .

Gabayga: Deris Bari

Beelo derisa dad sokeeye oo, dano wadaagaaya

Oo tuhun ku kala deyranyo, dibin salaan dhiiba

Dar Ilaahay baa rag u galaa, xaajadood darane

Markii guurti loo dumay xujada, damal hadhweyn geedka

Oo Muducigu doodiisa furay, deelka ka higaadshay

Dadow maqal dulmiga Deriska Bari, daya laxaadkiisa

*********

Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi

Sooliyo Sanaag wada degtaan, duurka iyo hawdka

Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada goosta

Xididnimo nin dadab loo xidhxidho, dhaqanku waa doore

Abtinimo ninkaa loo dugsane, diidi xumihiisa

Ee haddana dareen qaba muxuu, dooni damiciisa?

*********

Wadaadki ninki daba dikriyay, daacad u adeegay

Beelaha Mullaha dool ku yimid, dhaaxo ugu duulay

Ee durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu haystay

Damaacigu ninku aakhirkii, darab u leynaayay

Hambadiisa aan daafacee, duunyana u loogay

Xusuustiisu daranaa muxuu, dooni damiciisa?

*********

Samanki Siyaad laga didee, ee dadba hub qaatay

Dulmigu ku maamulay Isaaq, dabargo` uu doonay

Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin

Ee ciidan igu soo dumee, daw kasta igaaday

Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna ii geystay

Laga doortay nabadweyn muxuu, dooni damiciisa?

*********

Duhur Xamar markii laysku galay, magan la dooxaayay

Ninki Hodan Hawiye uu dawaray, haybta lagu doonay

Oo magaca deriskii ku baxay, ee dalka u dhoofay

Ee haddana dadkaa doortayee, daba gableynaaya

Xin Dhulbahante ila doonayaa, diirsataa Xamare

Anigaa dantiise muxuu, dooni damiciisa?

*********

Taliskii markii uu dumee, ee dad kala guuray

Ee Kismayo Daarood u qaxay, Doonta kala boobay

Kiiniya xeryaha loo dadbee, duumo ku haleeshay

Adigoo darxumadii qaboo, dakharku uu muuqdo

Ogaadeenka Gaarisa degaa, kuuma diir-nixine

Damqashada anaa roon muxuu, dooni damiciisa?

*********

Ina Yuusufkaa Mudug degee, duufshay gobolkiisa

Dawladnimada sheegtee dadkuba, yaabay damiciisa

Ee dalku degaankiisu yahay, diidan taladiisa

Qaarba difaacoo u raran, doonyana u meera

Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene

Doolaalo waa damac muxuu, dooni damiciisa?

*********

Hadaad tebeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni

Warsangeliba waynala degaa, waana deriskaaye

Kala sooca daa oo midnimo, geli damiirkaaga

Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu taalle

Magane dib yaan loogu noqon, dumiso weyaane

Danta guud haddaan rabo muxuu, dooni damiciisa?

*********

Dalka gobolka lagu dhaato`e, Shiikha lagu duugay

Sanaag Bari nin dacalkeeda dega, dooda wada sheegta

Daandaansi door moodayo, damacu uu qaaday

Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa

Oo Isaaq dhibkiisuun dawara, doona xumihiisa

Ee degmada dagaal hurin muxuu, dooni damiciisa?

*********

Israacii ninkaa ila degee, daadku ila qaaday

Gobonimo la duudsiyay ninkaan, wada dabayl raacnay

Oo midnimada duminteed ogaa, duulki kala gooyay

Ee haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo

Oo daawadii igu furee, weli dantii moogan

Dawlad gaara ila lihi muxuu, dooni damiciisa?

*********

Dal barwaaqo khayraad badeed, dalagyo beereedka

Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo laga dhoofsho

Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada jooga

Wanaagaa ninkaa laga dedee, ee dal kale dooni

Quudhsiga dalkuu qabo qalbigu, waa damqanayaaye

Qawad daran hadduu qabo muxuu, dooni damiciisa?

*********

Dunidan la soo koobayee, Maars lagu duulay

Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya

Ee wadajir lagu doogsadee, lagu dakaynaayo

Daa`iro ninkaa nala rabee, dabinka uun qoola

Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegta

Midnimaa na doojine muxuu, dooni damiciisa?

*********

Samihiis nimaan doonayaa, tayda duminaaya

Nabsi daahay duul waa helaa, oo duleed imane

Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe Ilaahe

Dabaqabadku waa dane haddii, looga digo beesha

Derisnimo wanaagiyo hadday, dawladnimo dhawrto

Danta guud in lagu doogsanoo, diirsan la hubaaye

*********

Beeshaa dalbaa noo dhexiyo, dawladnimadiiye

Danbaa naga dhaxaysiyo degaan, daaqsin iyo ceele

Sidaa labada daarood ta hore, Daa`inkaa qoraye

Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir ugu sheegay

Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada dareensiiyay

Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow deriskaa leh

*********

Dhammaad

Fadlan akhri maqaalada kala ah:-

Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka

All African Borders Rose from Colonial Borders.

Curiye: Ibrahim Hassan Gagale

Email:ibrahimh_@yahool.com

No comments:

Post a Comment