Sunday 8 November 2009

WASIIRKA KHAARAJIGA S/L IYO WAFTI KA SOCDA DAWLADA PAKISTAN OO MAANTA KULAN KU YEESHA XAFIISKA WASIIRKA EE KU YAALA WASAARADA ARIMAHA DIBADA.

WASIIRKA KHAARAJIGA S/L IYO WAFTI KA SOCDA DAWLADA PAKISTAN OO MAANTA KULAN KU YEESHA XAFIISKA WASIIRKA EE KU YAALA WASAARADA ARIMAHA DIBADA.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in ay warftigii Pakistanska ahaa ee dalka ku sognaa maalmahan ay heshiiyo gaadheen kuna tali jiraan in ay dhawaan heshiisyadaas samayn doonaad hawl galintiisa.

Wasiirka oo maanta ku qaabibilay waftiga xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in waftigani uu ahaa xubno sar sare oo ka tirsan xisbiga talada dalka Pakistaan ee (PPP) isla markaana mid ahaan uu ahaa xoghayaha guud ee baarlamanka bakistaan ee Pakistan People Party ee marka la soo gaabiyo la yidhaa (PPP) magaciisuna ahaa Mudane Sheikh Mansor Axmed, sidoo kale waxaa la safkaa ku welinaayey laba xubnood oo ka tirsan barlamaanka dalkaasi oo mid ahaa uu baarlaamka Pakistaan uu u qabilsan yahay qaybta Safaaradaha.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa Wasiiru dawlaha arimaha dibada Siciid Maxamed Nuur iyo waliba Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Axmed Kayse, labadii dhinac ee ka hadlay goobtaas oo kala ahaa wasiirka arimaha dibada iyo xoghayaha guud ee waftiga watay ayaa si toos ah uga hadalin arinta dhabta ah ee ay waftigani u socdeen, iyo waliba goobaha ay booqanayeen taas oo labada dhinacba sheegeen in ay ku farax sanyihiin safarkan ay Somaliland ku yimaadeen madaxdan sarsare ee ka socda dalka Pakistaan taas oo ayna goobta labada dhinacna midna ka cadayn sababta safarka.

Waftigan oo ku sugnaa dalka mudo ku dhaw sadex casho ayaan la ogayn waxa ay soo kordhin doonaan iyo waxa dhabta ah ee ay ka wada haleen xukuuma taas oo uu sheegay oo kaliya Mudane Sheikh Mansor Axmed in ay fulin doonaan waxay ku wada haleen dawlada halkaana ka soo amaba qaadi doonaan , balse la eegaa waxa arintaa ka qabsooma.

Warqadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment