Friday 6 November 2009

BURCAD BADEED QAFAALATAY MARAAKIIB HOR LEH MAANTA

BURCAD BADEED QAFAALATAY MARAAKIIB HOR LEH MAANTA

Burcad badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay markab kale oo laga leeyahay dalka Greek, sida ay sheegeen ciidamada caalamiga ee jooga xeebaha Soomaaliya.

Markabkan oo ay la socdaan 21 ruux oo shaqaale ah ayaa ku sii jeeday Zansibar. Waxaana burcad badeedu ay ka soo qafaasheen meel qiyaastii 300 Mile xagga koonfurbari ka xigta dekeda Kenya ee Mombassa.

Shaqaalaha saaran markabka oo ah 21 ayaa isugu jira Ukraine iy iyo Filibiin.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Delvina ayaa waxaa iska leh shirkad Greek ah hase ahaatee waxaa uu ku gooshaa calanka jaziirada Marshaasdl Islands.

Waxaa uu noqonayaa weerarkii ugu dammbeeyey ee ay burcad badeeda ku qaadaan markab maraya xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Baashe Maxamed

Bosaso

No comments:

Post a Comment