Sunday 8 November 2009

SARKAAL KA TIRSAN CIIDANKA PUNTLAND OO LAGU DILAY QARDHO

SARKAAL KA TIRSAN CIIDANKA PUNTLAND OO LAGU DILAY QARDHO

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Haykal Cali Hiirad oo ka mid ahaa ciidamada Daraawiishata Dowlada Puntland ayaa caawo lagu dilay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Karkaar Burhaan C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa waxaa uu sheegay in Kooxo afka uu u duubanyahay isla markaana hubeysnaa ay dil u geysteen Sarkaalkaasi,xilli u ku sugnaa mid ka mid ah Maqaayadaha ku yaala Magaaladaas.

Waxaan u intaasi ku daray Gudoomiye Ku Xigeenka in aysan jirin cid ay ku tuhunsanyihin in ay ka dambeeyaan dilka caawo ka dhacay magaalada Qardho.

“Taliska ciidanka oo aan xiriir la sameeyay waxaa uu ii sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo saacadaha soo socdaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan cidii ka dambaysay dilka Marxuumkaasi”,ayuu yiri.

Mar uu Gudoomiyuhu uu ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan dilka caawo ka dhacay magaalada Qardho ayaa waxaa u sheegay in uu aad uga xunyahay arimahaasi,isla markaasina falka caawo dhacay uu yahay mid ku cusub degmada Qardho.

Sarkaalka caawo lagu dilay magaalada Qardho ayaa waxaa u dhowaanahanba ku sugnaa magaaladaasi,waxaana uu ka mid aha ciidamada ka shaqaynaayay magaalada Qardho Gobolka Karkaar.

Si kastaba arimahan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli 48-saac ee ugu dambeeyay dil loogu geystay magaalada Bosaaso sarkaal ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan P.I.S-ta,waxaana falalkaasi ay qayb ka yihiin falalka amaanka lidka ku ah ee habeenadii ugu dambeeyay ka dhacaayay qaybo ka mid ah degaanada Puntland oo ay ugu badnayd Magaalada Bosaaso.

Baashe Maxamed

Bosaso

No comments:

Post a Comment