Wednesday 4 November 2009

DHIBAATADA HAYSATA SOMALIDA KU NOOL DALKA GRERIIGA.

DHIBAATADA HAYSATA SOMALIDA KU NOOL DALKA GRERIIGA.

Dhibaatada Heysta Soomaalida kunool wadanka Gariiga oo rajo laga muujinayo in ay yaraato sanadaha soosocda.

Qofwalboow wadankaa wax kuudhaama maleh

Maanta oo tariiqdu tahay 04-11-2009 waxaa dalkaan kadhacay banana bax ay soomalidu isgu soobaxeen oo kusaabsanaa waxa dowlada wadankaani ugu talagashay soomalida qaxootiga ah iyo dadka kale ee ajbanabiga ah kasi oo jawi nabad ah kudhamaaday.

Waa side dhibaatda Soomalida ku heysata wadankaan gariiga?

Waa arin Cajiib ah nolosha heysata soomaalida kusugan wadanka giriiga waxaan se dareemey in aysan jirin cid qalin ama muuqal si dhaba uga hadasha cabashada soomaalidaas oo runtii durbadii aan halkaan soogarayba idanqisay iguna qasabtay anoon laygu baran inaan qalinka wax kufaafiyo ayey habeeno isoojeedisay sidii bal qeyb un aan ugu sheegi lahaa soomaalida kale ee aan warka kaheynin dhibaatada soomalida kuheysata wadankaan oo kamida qaarada yurub ee lagu soo qul qulo.

Xiliyada qaar waxaa dhacda in askartu xit xit to waliba six un ujeebayso dhalinyarada soomalida ah kadibna xabsi ay u taxaabaan iagoo raxan raxan ah.

Waxaan qormadeeydaan kusoo bandhigo doonaa sawiro qaarkood laqaaday intaanan wadankaan imaan kuwaasi oo qofkii arkaa uu dareemayo sidaan meel kasta ugudayacanahay .

Dalkaan gariiga waxaa jooga soomali badan oo isgu jira dad socoto ah oo safar uxir xiran iyo kuwo nagi ah oo meesha iska dagan kuwaasi oo dhibaatda wadanka soomalida ku haysata ay uwada siman yhiin.

Ciidamada booliiska ee wadanka giriiga ayaa qabqabta soomalida marka ay sameeyaan isku soobax ay dhibaatadooda kaga cabanayaan wayna qaar badan u taxaabaan xabsiyada.

Xiliyada qaar waxaa dhacda in askartu xit xit to waliba six un ujeebayso dhalinyarada soomalida ah kadibna xabsi ay u taxaabaan iagoo raxan raxan ah.

Dowlada Gariiga masuuliyiinteeda ayaa intabadan kahadla in si dhibaatada soomalida haysata ay u dhamaato ay tahay in soomalidu qaataan warqadaha aqoonsiga dalkujooga ama ay iskadiiwaan galiyaan xeryaha xaqootiga arintaasi oo soomalida intoodabadni aysan kuqanacsanayn sabatuna ay tahay soomalida waliba dhalinyarada oo raba in dalkaasi ay uga sii gudbaan wadamada dariska la ah si ataasi ugu fududaatana ay kacararaan in wadanka gariigu faraha kasumado taasoo bri keeni karta indalkaan lagusooceliyo,arinta kale oo ay kudiidayaan ayaa ah in soomalidu sidoodaba aysan jeclayn in ay xerooyimka iskadiiwaan galiyaan taasna ay kajecelyihiin in dalka ay iska joogaan askartan kadhuuntaan sida kadhacda wadamo badan oo soomaalidu qaxooti kutahay.

Banaan baxyada soomalidu wadankaan kadhigto ayaa ah kuwo intabadan dhaca in kastoo aysan waxba soo kordhin jirin balse dhawaan ayaa waxaa dowlada gariigu ay shaaca ka qaaday in ay wax badan doonto dhibaatada shacabka soomaaliyeed ku haysata dalka Giriiga ka dib codsiyo ay soomaalida jeediyeen.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Giriiga ayaa kulan la yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed Eek u nool wadankaasi ka dib markii todobaadkii la soo dhaafay xabsiyada la dhigays oomaalidii ugu badnayd.

Shalay ayeey ahayd markii Masuulka udhaq dhaqaaqa Jaaliyada somaliyeed ee dalka Greece Mudane Ilyas Ali booqasha kormeer ah kumarey qaar kamida xabsiyada megaalada Athens kuwaasoo kala ah Elidabon, Kiria,iyo xabsiga Airportka sida dad kudhaw dhaw ay iisheegeen tasi oo ah arin lagu farxikaro hadii lagu guuleysto in xabsiayda laga siidaayo boqolaalka dhalinyarada ah ee waalidiintoodu la’dahay ee xabsiyada kuraagay.

Shaqsiyaadka soomalida ah ee kusugan wadankaasi islamarkaana udhaqdhaqaaqa soomalida ayaa kahadla banana baxayada ay wada dhigan soomalida iyo dadka kale ee ajnabiga ah ee iyana lawadaga dhibaatooyinka.

Hadalka dhawaan kasoo yeeray masuuliyiinta wadanka gariiga ee ah in xal loohelo dhiabaatada soomalidu kacabanayso ayaa ififaale unoqonkara in soomalida wadankaasi ay helaan xuquuqdooda si looyareeyo dhiaabatdaasi oo ah mid joogto ah.

Somalida ayaa qaarkood iisheegay in arintaasi ay kufaraxsanyihiin halka qaarkalana ay ii sheegeen in aysan rabin wadankaan in daganaansho ay kuheelaan oo atas ay kajecelyihiin in wadankale ay uga sii gudbaan.

GREECE

W/Q Safiya Isaaq Canshuur

Saafi43@hotmail.com

Athens Greece

No comments:

Post a Comment