Tuesday 10 November 2009

MR GABOOSE OO TALOOYIN U SOO JEEDIYE XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB.

MR GABOOSE OO TALOOYIN U SOO JEEDIYE XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB.

Gudoomiyaha Ololaha Gobolada Bariga Ee Xisbiga Kulmiye Dr. Max’ed Cabdi Gaboose ayaa maanta shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargaysa ayuu dardaaran u jeediyay koomishanka cusub isagoo uga digay inaanay marin jidkii koomishankii hore ee iyagu ku

Shirkaa Jaraa;id oo dhamays tirnaa ayaa u dhignaa sidan:-

Tiirarka ay ku taagan tahay dimuqoraadiyada waxaa kamida inuu hogaanka dalku uu ku yimaado doorasho dadweynaha ah, xilkana uu hayo mudo ku cayiman dastuurka dalkaas, waqtigaas oo aan sinab loo dhaafi Karin duruufo aafooyin oo si baahsan u asiiba dalkaas mooyaane.

Inkasta oo aneyn xaalad adag oo garawsiyo mudan la soo darsin dalkeena, hadana doorashadii madaxtooyada dhowrjeer ayay dib u dhacday taas oo abuurtay xasarad siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo sababay inuu dhiig ku qubto wadooyinka caasimada Hargeysa.

Arintaas waxey ku keentay dib u dhac sumcadii wacneyd ee ay soomaaliland ku dhex laheyd bulshada caalamka, niyad jabna ku abuurtay saaxiibada u ololeya ictiraafka soomaaliland.

Hadaba wuxuu kumishinku u taagan yahay rajadii u danbeysay ee furdaaminta arimaha doorashada ee cakiran. Soomaliland waxey mareysaa mar xalad xasaasi ah; doorashadaan oo ku dhacda si xur iyo xalala ah iyo nabad gelyo, waxey u horseedi kartaa soomaliland iney qadarin kaga muteysato bulshada caalamka taas oo u soo jiidi karta ictiraafka ay aad ugu ooman taahay soomaliland.

Sidaa awgeed xubnaha komishinka waa iney maanka ku hayaan mu hiimada xilka culus ee ay dhabarka u riteen waxaana si xushmad ku dheehan tahay kula talinayaa :-

1) Iney si joogta ah u dhiira geliyaan isku kalsoonaanta xubnaha dhaxdooda ah, wada shaqeyn tooduna ay noqoto mid wada wadreed ( team work) oo ku dhisan is qancin iyo isku tanaasul ayagoo ku wajahan arimaha daacadnimada iyo dhex-dhexaadnimada ay ku wada dhaarteen.

2) Iney u wada arkaan hogaamada xisbiyada ee tar tamaya, iney yihiin sadex musharax oo kuleh agtooda ku leh xuquuq siman, garsoorka ugu sareya arimaha doorashada.

3) Iney had iyo jer, si daah furan ula shaqeeyaan xog is weedaarsi iyo wada tashi u dhaxeeya iyaga iyo madaxda sadexda xisbi qaran, kun abaraarujiyaan, iney wada xurmeeyaan heshiisyada dhex mara, sida xeerka anshaxa ( Code of conduct), diiwaangelinta IWM.

4) Iney ka fogaadaan dhaameelka iyo wax isdabamarinta xisaabaadka hantida doorashada, iyagoo yaqiinsan inuu musq-maasuqa yahay xanuuka ugu xun ee ku dhaca damiirka ruuxa, keenana qofku inuu noqdo mid liita oo bax dilan.

5) Iney la socodsiiyaan dadwynaha halka ay mareyso howshooda, waxa u qabsoomaya iyo wax u dhiman uguna gudbiyaan warbaahinta si joogta ah howlaha doorashad iyo qeybta ay bulshada ku leedahay habsami u socodka.

6) Iney tababar wacyi-gelineed u furaan dhamaan mus’uuliyiinta qaranka ee gobolada dalka sida gudoomiyaasha, gobolada madaxda deegaanada, ciidamada iwm si loogu iftiimiyo kaalintooda dhex-dhexaadnimo iyo tan nabad gelyaba.

7) Iney fahmaan hab dhaqankii iyo arqaladihii ka hor yimid komishinkii kooda ka horeeyay kana feejignaadaan wixii ay ku jabeen kuwii ka horeeyay.

8) Iney kulan wada tashi la yeeshaan xubnihii komishinkii ugu horeeyay e soomaalilamd ee ii hogaaminaye Mr. CADAMI, oo ay waayo aragnimo ka kororsadaan sidii ay u daadihiyeen doorashadii tan lamidka aheyd ee ay dalka ka soo gudbiyeen.

9) Iney xog ogaal u noqdaan habkii loo maamulay doorashadii madaxtooyada ee KENYA ee kal hore ee sababtay geeri badan ( 1300 qof) iyo barakac baaxad leh, khalkhalna gelisay qaranimadii dalkaas, taasoo tusaalo xun oo aan la mahadin inoogu filan.

10) Iney xiriir dhaw oo wada shaqeen ku dhisan iyo is xurmeen la yeeshaan qubarada iyo wakiilada dalalka deeqbixiyayaasha ee naga taaguleenaya habsami u socodka doorashada lagana feejignaado cawaaqib xumo ka dhalan karta inuu soo noqdo mar kale jewigii dhiilada lahaa ee dhex yaalay komishinkii hore iyo hay’ada interpeace.

Waxaa hubaal ah iney kumishinku horyaalaan duruufo qalafsan iyo jewi dulqaadkii iyo isku tanaasulkii sii gabaabsi yahay, waqtiguna yahay cadawgooda, damaaciguna indhaha tiri karo raga qaarkii.

Waa marxalad taariiq u ah naftooda (komishinka) dadkooda iyo dalkoodaba oo ay is garab yaalaan qodobo iyo eex guntoodu tahay gunnimo, am xaqsoor iyo geesinimo guntoodu tahay Guul iyo Gobonimo.

No comments:

Post a Comment