Wednesday 4 November 2009

DAWLADA ETHIOPIA OO XIDHXIDHAY XUBNO KA TIRSAN MUCAARADAKA DALKAASI

DAWLADA ETHIOPIA OO XIDHXIDHAY XUBNO KA TIRSAN MUCAARADAKA DALKAASI

Mucaaradka wadanka Ethiopia ayaa sheegay in ku dhowaad 450 xubnood oo ka tirsan iyaga lagu xixdhidhay dalkaasi Ethiopia ka dib marki ay sheegeen in ay u tartamayaan musharaxnimo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi la filaayo in ay ka dhacdo bisha May sanadka soo socdo.

Waraaqo cadeymo ah oo ay heshay wakaalada wararka ee Reuters oo ay ka soo xigatay afar xisbi oo kamid ah mucaaradka dalkaasi ayaa waxa ay muujinaayaan waqtiga la xidhxidhay dadkaasi.

Hal xisbi oo kamid ah xisbiyada dadka laga xidhxidhay oo loo yaqaano (AEUO),ayaa diwaangeliyay 7-dhacdo oo dilal loo geystay xubnahooda 12-kii bilood ee la soo dhaafay .

“qabqabashadan waa in xubnaheena laga horjoogsadaa in ay ka qeybgalaan doorashooyinka s”sidaasi waxaa yidhi Gizachew Shiferaw oo ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga midawga dimoqraadiyada iyo cadaalada (UDJ).

Waxaana u intaasi ku daray “tani waxa ay u noqotay qaab ay ku dhaqmaan xisbiga talada haya,waxaana ay Ethiopia ka dhigeen wadan hal Xisbi leh.

Falanqeyn iyo saadaalin horey loo sameeyay ayaa lagu odorasay in xisbiga talada dalkaasi Ethiopia hayaa ee (EPRDF) u si fudud ugu guuleysan doono doorashooyinka la qaban doono sanadka 2010,laakiin mucaaradka wadanka Ethiopia ayaa ku doodaaya in tani ay tahay cabudhinta iyo dhibaataynta ay dawladu ku hayso xubnahooda.

Masuuliyiinta xukuumada Ethiopia ayaa si kulul u beeniyay sheegashadaasi ka timid mucaaradka dalkaasi,waxana ay sheegtay Ethiopia in aysan jirin cid ay xidhxidhatay.

Bereket Simon oo ah Wasiirka warfaafinta ee dalka Ethiopia ayaa yidhi “Ma jirto qof loo xidhay howl dhinaca siyaasada ah inta aan la socdo.waxaana u intaas ku daray in xukuumadiisu ay samayn doonto baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo magacyada ku qoran ducment iga .

Warqabadka Togaherer

Addisababa

No comments:

Post a Comment