Tuesday 3 November 2009

MARKII IS WADA DOOXATAA DAAD U SOO GALAYE!!!

MARKII IS WADA DOOXATAA DAAD U SOO GALAYE!!!

Egal,Issa& Siyad Barre1MARKII IS WADA DOOXATAA DAAD U SOO GALAYE!!!

Marka waxan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, caruurtii, iyo xasskii, ehelkii uu ka shahiiday kornayl CISMAAN oo shalay lagu dilay laas-caanood isaga oo gudanaaya xil-kiisii wadaniga ahaa, waxan lee-yahay ILAAh haka siiyo samir iyo iimaan, isna haka waraabiyo janada wuxu ahaa geesi u halgamaya umadiisa iyo dad-kiisa in uu ka ilaaliyo cadawga ku xeeran, intii la dhaawa-cayna RABBI haw sahlo oo hawga dhigo nabar gardaro, oo si dhakhso ah caafimaad ha u siiyo.

Waxa intaa raaca maaha marxaladani wax aan la filayn, ee qof kasta oo garad lihi waa arkaayey in uu mar kolay ugu yaraan uu qiiq inaga kari doono, taas oo ka timi markii aynu inaku kala dhamaan waynay, oo ficiltan iyo isu fiirsi aan ka bixi waynay, ee aan isku maeeraysanay, waxan ahay xusbi hebel iyo xusbi hebel, xaqii la aasay ee nina sheegi waayey, la iska qaban waayey xumaantii iyo wixii aan eedanay, kursi ay sedex nin isku haystaan aynu u kala xaglinay ee aan inaku gadhka isu sii gelinay, bal ha joogto in aynu kala qabano’e, ama runta u kala sheegno’e, waar ishan aad isku eegaysaan waxa idiinka baahan cadawga idinku xeeran ee raba in uu ASKA-XIINA qaado, dibnaha u cunaaya sidaad mar uun gacanta ugu geli lahaydeen ee la idiin burburin lahaa, halkii aad meel ka soo wada jeesan lahaydeen, markii aad kala qaybsan-teen, kolba qabiil geeska lagu feedhay aan waxba gaysan, denbi gelin ee aad is feenateen, waa idinkaas maanta helay cawaaqib-keeddii aad saadsa-nayseen ee gaarka loo helay geesiyaddnii idinka hor joogay nacab ee is lahaa maruun bay ka soo rayn, waxa garan, oo arki doonaan halka ay joogaan, iyo aduunka ku meersan ee aan ina rabin, wayse dhici wayday, oo waa kaas aan cadaw iyo nacaba u jabay, meel kalena la iigama iman ee aniga baa is dhigay shilalka la igu qalay, ee yaan laga xumaan, ilayn adiga baa isu salaxay kii midda kula rabaye, haw daymo la’aan dhaxalkii waa kaas ku shahiiday KORNAYL CIMAAN, waana is daba socota taas oo abid ahi haddii aad ka waantoobi waydo in aad maalinba reer la baxdaan oo adhaxda wiiqdaan, waxab iskuma haystaan ee cuqdadan idin dhex taala iska saara oo is daayaddii saw may noqon biyo col dhaanshay oo dheg looma dhigi waayin, aan in yar oo uu AL-LE ha u naxariisto’e X.AF-QALOOC maanso uu tiriyey aan ka soo qaatay tuduc ka mid ah tixdaas:-

Haawaydu waxay haaribtaa, duulka aan hadine,
iyakoo halii-laaya, bay kugu hamuumaane,
kolba heelka aad taalo, baa loo hal tiriyaaye,
idinkaa is hoosaasiya’e, maydin hudan-teene,
haadaa lafaha feenta’iyo, habar dugaagaase,
hadaydaan is hagar-daaminayn, laguma hiifeene,
nina ma hunguree-yeen, haybta aan nahaye,
hurin-tiina lama heeji-yeen, haybada isaaqe,
harti iima baaneen, intuu heelo ii tumo’e,
hanad kama dambayn salaan( carabay), hoheey isaaqoowe,
haamadaa is wada goynay-saan, iyo hal-bawlaaye,
waar idinkaa is heeraaya, ee dhiiga hibiq-leeya.

Xaaji af-qalooc marka aad si rasmi ah u eegto inta yar ee aan ka soo cantuugay xikmada ku dheehan, waxad moodaa in wakh-tigaas oo ahaa casrigii mustacmarka ingiriiska 1930s-40s ee aynu gacanta ugu jirnay iyo maanta halka ay marayso in aanay wax u dhaxaynin, kana soo raynaynin ee weli la isugu maran yahay siddii iyo si ka siidan, waa-ka isna tima-cade AL-LE janada haka waraabiyo’e,

Waa kii aan ka adkaa, ooda reer hagar saar,
anaa kaa afar rooniyo, somaliyeey idil-kiin,
intee baad ku jirteen, oo wax aad uga ayday,
ma ogaan kari wayday, ilamaa abdi-kiin.

sida taagan hadeer markii cadceeddii walba la isku yaacay, ee dib u jaleeci waydeen wixii idinku soo dhacay, la idin martkiyey markii aad wixii aad u soo halgan-teen iyada oo duuduuban afka u geliseen koonfur, ee hadh cad la idinka dhaqaajiyey, adigoo xaqiran oo sida dameeraha laguu rarto, aad hor ilaahay u badbaaday, iyo rag naf-tooda kuu huray, ayuun baad indho aan hore idiinku oolin jeebka kala soo baxdeen, oo aad is moodeen wax aydin ahayn, oo isu faan biloodeen, halkii aad ku xamdiyi la haydeen guusha aad dib u soo dhacsateen, kuna faro adaygi lahaydeen, ayuun baydin mar qudha reefas dib ugu baxdeen maalintii la ina abuuray halkii aan joonay, wax baa idinka haysta in aad ku dayataan qayr-kiin, garab gashaan, hor u socotaan, oo mar uun cudud tustaan nacabka idinka doonaaya daleel qaawan oo uu ka soo dhaco, ee siddii bahal xoolo gaadaaya gabashada idiinku jira, rabana in uu dhacanta ka soo boodo siddii dawri aar oo sebeno badan waayey seed uu ku adkeeyo iliga, inuu siigo idin kaga daadsho. waxan halkan idiinku soo gudbinayaa kuna soo gabaga-baynayaa sawir aan ka soo qaatay buug yaala library-ga dhexe ee manchester U.K ( british colonial reference books of east africa), waa sawir taariikhi ah oo la qaaday 29/06/1960 oo aynu haysanay xornimo 3 cisho oo keli ah, waa maalintii loo qaaday gobanimaddii aynu helay xamar markay saacadu hargaysa 1:00 duhur-nimo, iyaka oo ay garoonka ka soo degeen CABDILAAHI CIISE OO SUBAXAAS KA SOO DUULAY XAMAR OO AF-WEYNE OO 3 XIDIGOOD LIHI U YHAY ILAALIYE( BODY GAURD), UU AL-LE HA U NAXARIIETO’E KULA KLUMAY MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL garoonka hargaysa, KUNA KALA SXEEXDEEN IN AY U SOO DUULAAN XAMAR OO JOOGAAN ISKU DARKA, siddiina ay yeeleen, 33 dibi-taati ( m.p) ee waqooyi laga soo doortay, balse u fiirso weedhan, inaka inooma ay iman 26/o6/1960 habeenkii calan saarkii, waa maalmaha aynu galay khaldkii ugu weynaa, ee inoo geystay waxa ina gaadhay, iyo hawsha ina hor-taagan, waxa nasiib daro ah, weli rag baa rabaa koonfur iyo riyaddii la odhan jiray somali weyn, ee maxaan ka hadlay-naaba waa yaabe.

* N.B Doqon diir-keed dishaa, dalqo libaax bay dambaysaa.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment