Monday 2 November 2009

KHADYAAN BILLAAHI AYAAN KA TAAGANAY SANWAA

KHADYAAN BILLAAHI AYAAN KA TAAGANAY SANWAA

QALINKIISalaan marka hore dhamaan akhristayaasha. Waxa aan khadyaan billaahi ka istaagay muuqa iyo hadalka iska soo daba dhacaya ee Sanwaa. Had iyo jeer waxa caadi ii ah in marka aan websiteyada wararka soo laliya aan furo in aan horta isha mariyo waxa xiisaha leh.

Laakiin indhawaydba marka aan furo any website waxaan wejiga isdarnaa uun Sanwaa oo in yar xalay majiirtay oo soo dhex yuurura. Dabadeed degdeg ayaan u xidhaa websitekiiba. Sanwaa sidiisa u ma necbi,

laakiin waxa caadiyan jirta in aad karaahiyaysato qof marwalba ku hortaagan, sida madaxyawaynta, aliflayaasha malcaamadaha iyo boskaaga. Hadaba saaxiib Sanwaa waxaan kaa codsanayaa in aad laba todobaad waxba soo qorin ood iska yara nasato aniguna aan yara akhrito warlaliyayaasha’e. Illeyn annagaa masiibo aragnay, dee hadii kale durbaan isu sii tun oo nagu qay waxaad awalba la soo kambadhuudh xumayd.

Waxa la yidhi nin aan yara caadi ahayn ayaa beri lumay markaasaa la soo helay. waxa la yidhi markaas ayay dumarkii reerku mashxaradeen iyagoo ku waraxsan in la soo helay hacoogii, markaasuu intuu gihi yidhi ayuu yidhi maxaydun igaga farxi beriba waan lumiye.

Xuseen3000@hotmail.com

Xuseen xirsi

No comments:

Post a Comment