Wednesday 4 November 2009

KULAN MARKAB DUSHII AH OO DHEX MARAY MADAXDA GOBOLKA SAAXIL IYO CIIDAMADA NATO.

KULAN MARKAB DUSHII AH OO DHEX MARAY MADAXDA GOBOLKA SAAXIL IYO CIIDAMADA NATO.

Markab ay leeyihiin ciidama Naato ee yeesha dhigtay xeebaha Somalia ee ku teedsan badwaynta Hinya ayaa gaalbta ku soo xidhay marsada wayn ee magaalada Bebera kuwaas oo gadhwadeen u ahaa galbinyeyna markab u rarnaa hayada WFP ee Wold Food Program.

Markabkan dagaal oo laga leeyahay dalka Norway, kana mid ah maraakiibta midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeeda Soomaalida ee ka qadhaabsata xeebaha Soomaliya iyokuwa wadamada ay xadka la eeyihiin ayaa gelbinayey markab siday shixnadan raashinka ah oo gaadhaysa (9000) Mitric ton, una raran Hay’adda WFP.

Masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa kullan kula qaatay muddo laba saacadooda markabka guudkiisa taas oo ay la kulmee Kabtanka iyo taliayayaasha kala duwan ee markabka saarnaa, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga Somaliland iyo in si wada jira looga shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa la dagaallanka kooxaha budhcad-badeeda ah.

markab naato wayn1

Ugu horayn Kabtanka markabkaas oo kullankaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka xeebta Somaliland oo ku sifeeyey meel ay ka jirto xasillooni iyo nabadgelyo buuxda oo ay kaga duwantahay Xeebta Soomaaliya, islamarkaana uu rajaynayo in NATO iyo Somaliland ay intaas iskaga sii dhawaan doonaan.

markab naato wayn2

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo isaguna kullanka ka dhacay markabkagudihiisa oo la hadlaayey warbaahinta uga waramay kullankaas ayaa sheegay inay labada dhinac is-fahan ka gaadheen iskaashiga la dagaallanka budhac badeeda waxaana ka mid ahaa hadallada Guddoomiyaha “Si fiican baanu isku fahanay, hawsha budhcad badeedana waanu isla garanay in ammaanka xeebaha la adkeeyo, si wanaagsana loo wada shaqeeyo oo xataa wixi kotarabaana layska kaashado.”

Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, ayaa ka codsaday katanka iyo saraakiisha Markabka dagaal ee NATO inay dhulka u soo dhaadhacaan, islamrkaana ay soo indho indheeyaan dekedda. Haseyeeshee kabtanka markabka, ayaa ka cudurdaartay arrintaas, kuna sababeeyey inaanay fasax ka heysan Midowga Yurub oo iyagu hoggaamiya hawlgalka maraakiibtooda, balse ballanqaaday marka labaad ee ay soo noqdaan inay fasax u soo qaadan doonaan.

markab naato wayn3

Kullankan dhexmaray masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha NATO oo noqonaya kullankii ugu horeeyey ee nociis ah ayaa waxa kale oo ka qaybgalay Ku-simaha Maayarka Berbera, ahna Maayar-ku-xigeenka Cabdi Jaamac Faduul iyo Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar.

Ugu dambayntiina waxa ay amaan balaadhan u soo jeediyeen maamulka gobolka Saaxil iyo waliba madaxda kala duwan ee ay la kulmeen kuwaas oo ay sheegeen gabi ahaanba saraakiishii NATO in Somaliland ay tahay meel xasiloona .

Togaherer Berberera

No comments:

Post a Comment