Friday 6 November 2009

“Der unerwuenschte Somalier” Soomaaligii aan cidina rabin!

“Der unerwuenschte Somalier” Soomaaligii aan cidina rabin!

110142
Günter Wallraff

Sheekada Filmkan ku socota oo Nin Jarmal ahi isu ekaysiinayo Nin Somaliyeed oo muhaajir ku ah Dalka Jarmalka kuna kacay 5,000,000 oo Euro, kana tarjumaysa xaqaa’iq badan iyo dhacdooyin aan la mala awwaalin ee si “live” ah kamarado qarsoon loogu duubay:

Ninkan oo ah Journalist si weyn looga yaqaano Dalka Jarmalka magaciisana layidhaahdo Günter Wallraff ayaa mudo Sanad ah isagoo metelaya nin soomaaliyeed oo muhaajir ah una soo lebistey amaba isu soo ekaysiiyey midab ahaan Qof soomaaliyeed wuxuu dhex wareegayey Dalka Jarmalka isagoo ujeedadiisu ahayd bal inuu ogaado xaqiiqda dhabta ah ee bulsha weynta jarmalku ka qabaan guud ahaan dadka ajnebiga ah gaar ahaan kuwa madow oo ay weliba soomaalida usii dheer tahay inay yihiin dad muslin ah sidaa waxaa u xaqiijiyey Saxaafada Biografka ninkan oo magaciisa layidhaahdo Stig Hansén dhalasho ahaana kasoo jeeda Wadanka Sweden maruu kahadlayey Buuga shaaKadaas laga qoray oo khamiistii ina dhaaftay lagusoo bandhigay Carwada Buugaagta ee magaalda Göteborg,Bugaas oo uu ubixiyey (Schwarz auf Weiss) Madaw iyo Cadaan

Mudane Günter Wallraff oo mudaddaas Sanadka ah ee uu baadhitaanka kujirey Soomaaligana ahaa sitey magaca Kvami Ogonno wuxuu lasoo dersey dhibaatooin waaweyn oo xataa meelaha qaarkood ayba naftiisu halis gashay siiba gobolada jarmalkii hore ee bariga,kuwaasoo laga xusi karo waa siduu hadalka u dhigay afhayeenkiisa swdhishka ahiye inuu maalin maalmaha kamida kaqayb galay garoon ay kasocotey kubadi magaalada Dresden oo ay isku arkeen taagerayaal xagjirka fogaadey ahi,halkaasoo uu dirqi kaga baxay kadib markii ay isku gadaameen kana gelbiyeen Cutubyo Ciidamo Booliis ahi;halkaasoo sida uu kasoo xigtey afhayeenku saaxiibkii hadii aanay Booliskaasi goob joog ahaan lahayn aan la arkeen meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

SocdaalKa ninkan oo aad udheeraa aad moodona inuu badiyaa diirada saaray meelaha ama Gobolada loo tiriyo cunsuriyada xoogan sida kuwa bariga iyo koonfurta laguma soo koobi karo sheeko gaaban,in kasta oo dhacdooyinkaas badidooda uu kuduubay kamarad qarsoon oo maqal iyo muuqaal ah ayuu aakhirkii wuxuu isku cel-celiskoodii kasoo saaray Film uu ugu magac daray “Der unerwünschte Somalier” ama “Soomaaligii aan cidina rabin” kaasoo ku kacay kharash dhan 5,000,000 (Shan Malyuun oo Euro) loona qaybiyey laba qaybood oo qaybta hore loo daawan doono sidii film laga bilaabo 13 Dezember,iyo qaybta dambe oo laga sii deyn doono Televionada.

Maaha markii u horaysey ee Mr. Günter Wallraff uu soo shaac saaro dhacdadan oo kale waxase kahoraysey oo uu markii u horeysey caan ku noqday qiso uu matalayey Nin Turki ah oo usoo xoogsi tegey Jarmalka horaantii todobaatanaadkii iyo mahadhooyinkii uu Cali (Magacii uu waagaas sitey) kala kulmay.

Ugu dambayntii isaga oo Mr. Günter Wallraff la hadlaya Dadweynaha Jarmalka kuna boorinaya inaan laga tegin dad la dhaqanka wanaagsan wuxuu fariin ahaan ugu gudbiyey sidatan,”Man sollte sich Schwarzen gegenüber freundlich verhalten – es könnte ja ich sein.” ( Dadka madow waa in si saaxiibtinimo leh loola dhaqmaa waxaaba dici karta inuu aniga idinku noqdee ) !”

Hersi Osman

Frankfurt am main/Germany

osam71@hotmail.com

No comments:

Post a Comment