Monday 9 November 2009

Ganacsatada Magaalada Laascaanood oo gaadhi gudoonsiisay Dawlada Hoose Ee Degmada Laascaanood Iyo Warar Kale Ganacsatada Magaalada Laascaanood oo gaad

Ganacsatada Magaalada Laascaanood oo gaadhi gudoonsiisay Dawlada Hoose Ee Degmada Laascaanood Iyo Warar Kale

laascaanoodGanacsatada Magaalada Laascaanood oo gaadhi gudoonsiisay Dawlada Hoose Ee Degmada Laascaanood.

Ganacsatada Magaalada Laascaanood oo gudoonsiisay Dawlada Hoose ee Degmada Laascaanood Gaadhi Nooca iskarogada ah oo ay ugu talagalen in lagu qaado qashin faraha batay ee magaalada dhex daadasan, Ganastadan oo ku wareejiyay Baabuurkan Dawlada hoose ayaa hadalo ka soo jeediyay goobtii ay ku wareejinayeen gaadhiga oo ahayd xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Laascaanood.

Waxaa ugu horayntiina halkaas ka hadlay Mayerka Degmada Mr. Canbaashe Aw daahir oo uga mahadceliyay ganacsatada dawrkooda ku saabsan waxqabaka dadweynaha, oo ah markii ugu horaysay ee ganacsatadu ku talaabsato arimo noocan oo kale ah.

waxaa sidoo kale ka hadlay madashii wareejinta baabuurkan madax kala duwan oo maamulka gobolka ah.

si kastaba waxaa maalmihii ugu danbaysay Dawlada Hoose degmada Laascaanood waday olole ku saabsan Cashuur aruurrin iyadoo dadweynaha magaaladuna ku eedeeyeen waxqabad la,aan iyo lacag doonis wakhti kasta ah, oo mararka qaarn a ayba la baxaan albaabada hadii ay lacag waayaan.

Ciimdamada Amaanka Magalada Laascaanood Oo Si Weyn U Sugaya Nabad-Galyada Magalada.

Dhinaca kale wixii ka dambeeyey qarixii ka dhacay magalada laascaanod ee xarunta gobolka sool taariikhdu markay ahayd 01-11-09 ayaa waxaa si wayn loo adkeeyey amaanka magalada laascaanood iyadoo ay ciidamada amaanku gaafwareegaan daafaha magalada waqtiyada habeenkii ah.

Gudaha magalada ayaa waxaa si wayn u dhexqaada habeenkii ciidamo gawaadhi ku gaashaaman gawaadhida tiknikada ah kuwaasi oo sameeyo roondo islamarkaana si wayn u sugaya amaanka magalada.

Arintana ayaa waxaa ay ka dambaysay markii uu qarax ka dhacay magalada laascaanood kaasi oo lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidmada soomaaliland ee ku sugan laascaanood ee gobolka sool.

Togaherer Office
lasanod,sool

No comments:

Post a Comment