Friday 6 November 2009

“REER HARGAYSA IMINKA WAXAY LA SOO BAXEEN FUDAYD OO XISBIYADA MUCARADKA AYAA KOLBA MUDAAHARAAD KU GALINAAYA HEESO YAR YAR” BUURMADAW

“REER HARGAYSA IMINKA WAXAY LA SOO BAXEEN FUDAYD OO XISBIYADA MUCARADKA AYAA KOLBA MUDAAHARAAD KU GALINAAYA HEESO YAR YAR” BUURMADAW

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, ayaa sheegay in magaalada Burco ay tallada dalka ka bixi doonto haddii aanay xukuumadu ka qaadan tallaabo deg deg ah arrimaha ka socda magaaladaasi.

Boqor Cismaan Aw- Maxamuud oo ka tirsan salaadiinta Somaliland wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu shirkaasi kaga hadlay hadal ka soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali, oo dhawaan shir ay koox uu hoggaaminayay ku yeesheen Nairobi ku iclaamiyay inay Somaliland dagaal la gali doonaan haddii aanay ka bixin gobolka Sool.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxaan Jecelahay oo beryahanba aad maqlayseen shir Niarobi ka dhacay oo uu Hoggaaminayay Aniga nin abtigay ah oo aan ku faano oo aan ku ixtiraamo saldanadda uu huwan yahay halka ay ka soo jeedo. Aad iyo aad waxaan uga xumahay hadalo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac aan ka maqlay dadka kale ee hadlay wax qiimo ah oo aan u yeelay ma jiro, inaan u jawaabana igama mudna.Anigoo haddana aan jeclayn inaan u jawaabo Abtigay haddana waxa ii muuqatay hadalka Garaadka magaca uu leeyahay iyo dhibta uu geystay ama geysan doono waxaan doonayaa inaan u caqli celiyo oo aan idhaahdo abti ka joog dagaal. Waxaan aad iyo aad uga tacsiyadeynayaa abtigay inuu isagu sheegto daraawiish. daraawiishi waxay ahayd saldanaddaasi qiimaha leh ee uu isagu ku fadhiyo Garaad Cali wuxuu ahaa garaadkii ay daraawiish iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan sida foosha xun u dileen una googooyeen waxaan xasuus nahay gabay uu adeerkay Cali Jaamac Haabiil ka tiriyay oo aanan jeclayn inaan soo qaado. Waxaan qabaa saldanadii sanadaha badan soo jirtay ee faca weyn cidii dishay inay ahayd daraawiishtii.Garaad Cali wuxuu ahaa ninkii u horreeyay ee ka soo hor-jeedsaday afkaartii daraawiishta”

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud, wuxuu farriin gaar ah u diray Garaad Cali Garaad Jaamac, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Garaadka xilka culus ee uu qaaday hidihiisa inuu dib u raaco,waxaan qabaa Garaad Cabd-qani iyo Garaad Cali labaduba inay dadkan Somaliland oo dhan Garaad u wada ahaayeen.Garaad Cali wuxuu ahaa ninkii ka soo hor-jeedsaday markii Somaliland iyo Somalia ay midoobayeen ee la yidhi laa yaa garaad.hadalka Garaadka ka soo yeedhay mid laga filayay saldanada ma aha. Maalintii Garaadali-gan hadlayay Laas-caanood lagu caleemo saarayay Somaliland cid u kala hadhay ka qeyb galkiisii iyo dhismihiisii may jirin.waxaan ummadda reer Soamliland uga tacsiyadeynayaa hadalkaa ka soo yeedhay Garaadka.waxaan qabaa dilalka iyo ifafaalaha ka dhacay ee ka bilaabmay Laas-caanood inaanay Abti taariikhdaasi kugu qormin oo aanad noqon nin dhib ka shaqeeya. Anigoo ku hadlaya magaca Isimadda Somaliland wax colaad ah oo ka dhacda mandaqada kama qeyb qaadan doono.Abtigay haddii uu qoriga qaato waxaan leeyahay Abti wali dhiiqadda faraha maad gelin ee ka joog.Somaliland-na waxaan leeyahay arrintaasi waxba ku burburi mayso.”

Boqor Buur-madow wuxuu sheegay in haddii aanu Garaad Cali Garaad Jaamac ka noqon arrinta uu wado inay dhici karaan tuur-tuurmo yar iyo jab-hadayn waxaanu xusay inaanay Somaliland arrintaasi waxba yeeli karin. Boqorku wuxuu Somaliland iyo Puntland mid walba ugu baaqay inay dhinaceeda nabad-gelyadeeda ka ilaashato oo ay ka feejignaadaan wax uu ku tilmaamay aafooyinka ku soo kordhay manqada.

Boqor Buur-madow, wuxuu ka hadlay nin la sheegay in lagu tuhmay Burco oo beeshiisii ay Booliska ka hor-istaagtay in gacanta lagu dhigo,waxaanu tilmaamay inay taasi saamayn xun ku yeelanayso nabadgelyada dalka, waxaanu yidhi “Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay leeyahay madax banaanida Somaliland malaayiin qof ayaa u dhintay dad lagu cabsi gelinayo qaraxyo dhacay iyo dad dhintay ma aha intii doontaa ha dhimato,waxaan leeyahay cid kasta oo tuhun galo oo lagu tuhmo oo lala xidhiidhinayo inay ka dambayso qaraxyada iyo dhibaatooyinka dalka ka dhacaya inay shacbiga Somaliland si isku duubnaan ah sharciga loo hor keeno cid kasta oo lagu tuhmo maalmahan waxa Burco iiga muuqanaysa oo aan leeyahay maanta Burco haddii aanay xukuumadu tallaabo deg deg ah ka qaadin in Burco ay faraha ka baxayso. Waxa muuqata in cid sharciga looga yeelay si beelaysan oo xataa xukuumada ra ka joogaa ay ka qeyb qaadanayaan. Waxaan leeyahay qofka dambiile lama odhan karo illaa sharciga la hor-keeno. waxa ceeb ah maamulkii dawladdu beryahan Wasiiraddii qabyaaladi inay ka dhex muuqato. Oo rag badani ay u olaleynayaan haddii uu arko qof ay isku beel yihiin xaq iyo xaq-darraba.

Waxaan leeyahay xukuumada Somaliland haddii ay Burco faraha ka baxdo inaanay jiri doonin iyana. Anaga beel ahaan rag faro badan ayaa sidaasi oo kale u xidhan waxay u muuqanaysaa haddii rag difaaco inamadooda inay noqon doono nacasyo raggii ka shaqeeyay in inamadooda la soo xidhaa. Haddii beelaha qaar isku gudbaan inamaddooda waxaan leeyahay ha la sii daayo kuwa kale ee tuhunkaasi oo kale lagu soo xidhay.”

“Waxaan leeyahay haddii aanay xukuumada Somaliland arrintan tallaabo adag ka qaadan oo Madaxweynaha Somaliland beryahan hurdo dheer ayuu galay, waxay noqonaysaa in beelaha kalena jawaabo iyo dareeno ka bixiyaan.xisbiyada waxaan moodaa haddii ay xukuumadu dhanka janada u kacdo inay qaar dhanka cadaabta u kacayaan.waxaan arkayaa in dadkii xornimada dalkan ka soo qeyb qaatay ay aad isku ciil kaambiyaan halgankii ay gacanta ku hayeen gacantoodii ayuu ka baxay wax uun bay hagaajin lahaayeen.SNM waxay ku calaacalaysaa talladii ayaa gacantayada si yar uga baxday. Xukuumadani si yar oo fudud ayay tallada ku heshay. Haddii iyana xukunku si fudud gacanteeda uga baxo inay calaacal kaas la mid ah la kulmi doonto,”ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-madow.

Boqorku wuxuu shacbiga reer Hargeysa ku canaantay inay fudayd la soo baxeen oo kolba xisbiyadu ay heeso yar yar mudaharaad ku geliyaan oo ay carruurtoodu ku dhintaan.

Boqorku wuxuu xisbiyada ku eedeeyay inay talladii dalka gacanta u geliyeen shisheeye, waxaanu ku dooday in dadka Hoggaamiya xisbiyada qaranka, Wasiiradda intooda badani ay sitaan baasabooro shisheeye.

Cismaan Aw- Maxamuud, wuxuu ku baaqay in xisbi afraad loo furo beelaha Hartiga ee reer Somaliland, si ay u helaan xisbi ay ka soo galaan tartanka doorashooyinka, waxaanu xisbiyada mucaaridka ah ku dhaliilay inay labadii murashax ee Madaxweyne Ku Xigeenka ka qaateen Gobolka Awdal.

Intaas ka dib waxa Boqor Buur-madow la weydiiyay su’aalo kala duwan oo u dhacay sidan:-

S: Inta aad leedahay reer Burco beel heblaayo ayaa diiday in la soo xidho inamadoodii, miyaanay haboonayn madax dhaqameed ayaad tahaye’e inaad deegaankaasi tagtaan oo aad bulshadii wacyi gelisaan?

J: Waxaan qabaa shacbiga Gobolka Tog-dheer wuu fiican yahay’e,laakiin waxaan ka warqabaa maamulkii ay dawladu ka sameysay, ayay laba beelood u kala qeybisay oo ay Laba Taliye qeybeed oo boolis ah u samaysay waa dhaliil.dadkan la leeyahay waa la soo qaban waayay Anigu waxaan leeyahay qofka illaa sharcigu ku helo ma aha dambiile, marka aan leeyahay ninkii la tuhmo ha la soo qabto ma aha cuqdad beeleed.

Waxa kale oo jira waxa loo baahan yahay in ninkii dambi lagu eedeeyo la soo qabto.

S: Boqor dadka ku dhaliilaa waxay kugu eedeeyaan inaad xiliyadan dambe xukuumada iyo sadexda xisbi qaranba aad dhaliishid adigoo aan xal kalena aan haynin.arrintaasi siday macquul u noqonaysaa? Ta kale maxaad uga jeedaa xukuumadani si fudud ayay ku heshay tallada dalka?

J: Waxaan si fudud uga jeedaa SNM-ba doorasho ayay ku yimaadeen tallada dalka, waxaanay u soo mareen dagaal iyo halgan. Laakiin xukuumadani waxay ku timid dadka oo maalin gelinkeed u coddeeyay. Xisbiyada iyo xukuumadana waan u sheegayaa dhaliishooda

astaqfurulaahasmaaul xusnaa salaada

No comments:

Post a Comment