Monday 2 November 2009

DAGAAL DHEX MARAY CIIDAMADA SOMALILAND IYO KOOX DIFAACAYSAY NIN AY IS LAHAYEEN QABTA OO MAANTA KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE .

DAGAAL DHEX MARAY CIIDAMADA SOMALILAND IYO KOOX DIFAACAYSAY NIN AY IS LAHAYEEN QABTA OO MAANTA KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE .

Dagaal ayaa maanta ka dhacay degmada Buuhoodle kadib markii ciidamo Somaliland ahi ay isku dayeen in ay qabtaan nin ka hadlay Idaacado local ah oo sheegay in uu isagu ka dambeeyey qaraxii uu ku dhintay taliyihii qaybta 12aad ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

Ciidanka qaranku waxay weerar ay ku qaadeen hudheel uu deganaa oo ku yaala badhtamaha magaalada Buuhoodle taas oo ay iska caabin xoog leh kala kulmeen ilaaladii gaadhka ka ahayd ninkaasi , in yar kadibana waxaa madashiii hadheeyey mudaaharad lagaga soo horjeedo ciidama Somaliland taas oo ay soo qaadeen shacabkii ku dhaqnaa magaaladaasi Buuhoodle oo isugu jiray dhalinyaro iyo dumar iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ku lid ah Somaliland lehaana “Doonimayno Somaliland , doonimayno Somaliland “.

Ugu dambayntii waxaa lagu guul daraystay in la qabto ninkii sheegtay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood taas oo ay ciidamada ilaalahada ah ee ilaaninaysay ka sokod ay u mariwaayeen shacabkii degamadaasi aakhirkiina ay la baxsadeen ciidamadiisii ilaalada ahaa ilaa hadana aan la ogayn meesha iyo jihada ay ula kaceen ninkaas ciidamadii badbaadiyey .

Sidoo kale waxa uu bbc da u sheegay gudoomiyaha Degamada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed in ay u tudheen shacabkii mudaharaadayey taas oo ay uga tidheen in ay rasaaseeyaaan dadka meesha ku dhawacmayana ay yihiin laba ka mid ah dhalinyaradii ciyaala iskuulka ahayd iyo ruux kale oo shicib ah , sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamii Somalilandna ay ku noqdeen xeryahoodii iyaga oo bad qaba oo waxba ka dhawacmin.

Togaherer Buuhoodle

No comments:

Post a Comment