Wednesday 4 November 2009

Hambalyo ku socota komishanka cusub.

Hambalyo ku socota komishanka cusub.

Gudoomiyaha Komishanka cusub Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise Xamari)

Hambalyo ku socota komishanka cusub.

Waxa dhawaan la doortay komish cusub oo bedeli doona komishenkii hore oo in muda ahba uu ka taagnaa muran siyasadeed oo ku wajahan komishankii hore.

Hadaba dhamaan umada reer Somaliland ee ku nool cariga Engiriiska waxa ay hadal hayaan komishankan cusub iyo hawsha hortaala oo aan ahayn shaqo yar tasoo hadii komishinka cusub lala shaqeeyo gudo iyo dibadba horseedi doonta doorasho xalaala oo ka dhacda Somaliland taas macnaheeduna yahay in hadii doorashadu si wanagsan u haqsoonto ay horseedi doonto ictiraaf Somaliland ah hadaladaa iyo qaar la mid ahba dadweynaha kunool dalkan ingiriiska ayaa is weydiinaya.

Hadaba mar aan la kulmay shalayto rag aqoon weyn ay isu leeyihiin gudoomiyaha cusub ee komishanka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) waxa ay dhamaantood ka dhawaajiyeen in gudoomiyaha komishankan cusubi uu keeni doono in komishanku shaqadiisa si wanagsan u qabsado isaga oo weliba aqoona u leh waxan loo igmaday iyo waa gudoomiyaha komishanka cusube uu halkan London shaqo wanaagsanku haystay kana doorbidey inuu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, waa nin daacad ah oo hadii lala shaqeeyo u horseedi doona shacabka reer Somaliland doorasho xalaala. Tasana keentay in komishankan cusubi ay u doortan gudoomiyaha.

Sikastaba ha ahaatee waxa ay dhamaan dadkani hawada u marinayaan komishankan cusub in ILAHAYhawshaa culus la qabto iyo in laga daayo fara galinta lanala shaqeeyo gudo iyo dibadba.

HAMSE AXMED SALAAN

UK

astaqfurulaah asmaaul xusnaa

No comments:

Post a Comment