Friday 6 November 2009

MA GABAWDO GODOBTII NIN RAGI GAWSKA KU HAYAA

MA GABAWDO GODOBTII NIN RAGI GAWSKA KU HAYAA

afgaab1
Ma Gabawdo Godobtii Nin Ragi Gawska Ku Hayaa By: Afgaab

Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ciidanka qaranka Somaliland ee uu ka baxay taliyihii qaybta 12-aad ee ciidanka qaranka Somaliland Alle ha u naraxiistee Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur oo qarax fulaynimo ah lagula beegsaday bilowgii wiigan magaalada laascaanood ee xarunta gooblka Sool.

Marka xiga anigoo ka duulaya aragtida dadweynaha intooda badan waxaan aaminsanahay in qaraxii lagu dilay Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur uu ahaa mu’aamarad laga soo shaqeeyey oo uu ka danbeeyey Garaad Jaamac Garaad Cali iyo kooxda qaran-diidka ah ee uu gadhwadeenka ka yahay sidaa daraadeedna ay iyagu dumadeeda iyo damaanadeeda dusha ku qaadan doonaan.

Waxaan kaloo ayaan darro u arkaa masuul huwan saldanad taariikh dheer leh oo hadana durbaan colaadeed u tumaya umadiisii isagoo indhaha ka qarsanaya nabadglayada, xasiloonida, iyo nidaamka dawladeed ee ka hir galay labadii sano ee ciidanka somaliland joogay magaalada laascaanood.

Waxay dad badani qireen in Marxuun Cismaan Yuusuf wuu ahaa ninkii dhidibada u aasay xasiloonida, degenaanta iyo nabada ay maanta hadhsanayaan shacabka reer laascaanood, wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u korey sidii shacabka reer laascaanood looga ilaalin lahaa barakac ku yimaada, sidoo kale wuxuu suurto galiyay in aan magaalada Laascaanood wax hub ah noocuu doonaba ha ahaadee lagu wadan.

Magaalada laascaanood waxaa ka dhici jirey markay ciidan beeleedkii Puntland joogeen, dilal joogto ah, dhac, boob, iyo kufsi balse laga bilaabo 14 October 2007 markii ciidanka qaranka somaliland la wareegay gacanku haynta magaalada wax danbi ah kama dhicin marka laga reebo wiil aabihii mindi ku dilay oo isagana sida shareecada islaamka iyo sharciga somalilandba dhigayaan la qisaasay.

Waxaan Garaad Jaamac Garaad Cali xasuusinayaa in maamul qurbe-nacas lagu soo dhisaa aanu Laascaanood khayr ka maqan usoo wadin, maamul wadan kale lagu soo dhisaa wuxuu xal u keeni lahaa dalka soomaaliya oo 18 sano bilaa dawlad ahaaa oo waliba intaasba wadama deriska iyo beesha caalamkuba dhinac taagnaayeen.

Waxaa la yidhi MA GABOWDO GODOBTII NIN RAGI GAWSKA KU HAYAA,diiwaanka somalida kuma cusba nin la dilo Garaad Jaamacow waligeedba inta nin la dilo ayaa loo dili jirey mid kasii baroor badan,Waxaan kusoo gebogabaynaa qoraalkaygan kooban, Laascaanood waxa kaliya ee ka maqani waa masiibo, masiibana intay kaa maqan tahay meel kale ayay ku maqan tahay sidaa daraadeed umad nabad ku nool oo nidaam dawladeed leh looguma yeedho balaayo iyo barakac aan faa’iido usoo wadin.

Hussein Guled Jama
Columbus Ohio
Xuseenafgaab@hotmail.com

No comments:

Post a Comment