Sunday 1 November 2009

WASIIRKA GAASHANIDHGA SOMALILAND OO XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYAHA CIIDANKA QAYBTA 12 AAD

WASIIRKA GAASHANIDHGA SOMALILAND OO XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYAHA CIIDANKA QAYBTA 12 AAD

newssWasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Md Saleebaan Warsame Guuleed ayaa cadeeyay inuu maanta qarax bambo oo lala beegsaday gaadhigiisa uu ku dhintay Taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad ee gobolka Sool Cismaan Yuusuf Nuur

Shir jaraa’id oo mar dhaweyd uu wasiirka gaashaandhigu qabtay ayuu ku faahfaahiyay sida ay qaraxyada uu taliyuhu ku dhintay loola beegsaday waxaanu yidhi “waxa ay cadawga Somaliland maanta la beegasdeen laba qarax oo Banbaano ah gaadhigii taliyaha qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Laascaanood, waxaana ku dhintay taliyihii, waxa kale oo dhaawacyo soo gaadheen labadii askari ee boodhi gaadhka u ahaa” sidaa waxa yidhi wasiirka gaashaan-dhiga waxaanu intaa ku daray “ laba qarax bay ahaayeen oo mid gaadhiga xagiisa danbe ayuu ku qarxay, markii uu is yidhi eeg kaas, ayuu ka kale isaga ku qarxay lamana odhan karo ilaa hada waxay ahaayeen ku remote kantarool ah bay ahaayeen iyo kuwo dhulka ku aasan bay ahaayeen.”

Wasiirka oo la weydiiyay cida fulisay falkaasi ayaa ku gaabsaday inay ka danbeeyeen cadawga Somaliland, wax tafaasiil ah oo intaa dheerna kamuu bixinin

No comments:

Post a Comment