Monday 2 November 2009

JAWAAB NINMAAN KUU TUDHIN ADNA HA U TUDHIN

JAWAAB NINMAAN KUU TUDHIN ADNA HA U TUDHIN

QALINKIImarka hore waxaan salaamayaa dhammaan war baahinta madaxa bannaan
waxaan kale oo aan halkan ka salaamayaa dhammaan shacabka reer somaliland ee aan cuqdadaysnayn

waxan rabaa in aan halkan jawaab yar oo kooban ugu soo gudbiyo ninka la yidhaa sanwaa oo mareegaha
wax ku qora SANWAA qoraalku wuxuu leeyahay NIDAAM iyo shuruudo iyo waliba ADAB garr ah
oo ka duwan yooyootanka & muranka makhaayadaha & kaftanka dhallinyada jaahiliinta ah

qofkuu ceeb maha inuu r’yigiisa cabbiraa laakiin taadu maaha sidaase waa way tollaay meesha lagugu
dili jirayna ma garanayo sababtoo ah waxa hadalladaada had iyo jeer ka muuqda cuqdad reer gaar ah
iyo madaxda kasoo jeedda beelahaa gaar ahaan beesha bariga burco oo ah beesha qudha ee beelaha
kale kaaga dhaw ee aad jarka tihiin ee aad xididka iyo =gacalka =xigaalka =qaraabada =walaalaha =danwadaagta
aad tihiin maxaa kugu diray ee had iyo jeer wa uga sheegtaa maxaase kuu diiday inaad siyaasadda barato

SANWAA ayaan dhawayto waxaan akhriyay maqaal aad qortay oo ahaa NIMAAN KUU TUDHIN ADNA HA UTUDHIN
waxaan uqaatay inaad soo waddo dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii inna soo maray iyo xasuuqii loo gaystay
shacabka reer somaliland ee ay ugesteen cidamadii NSSta =hangashta=guulwadayaashii SIYAAD BARRE

markaan akhriyay waxa igaga soo baxay waxaan loo fadhiyin oo ay ka muuqato CUNSURIYAD qaawan oo ay
kamuuqato shakhsi nacayb iyo karaahiyad shakhsiyaad gaar ah oo xaqiiqda & dadnimada ka fog oo aan run ahayn
maxaa yeelay taariikhdu markay ahayd 28 kii oktobar waxa xafladdi dhaarinta komishanka cusub lagu qabtay
qasriga madaxtooyada waxaan joob joog ka ahaa saddexda murashax ee madaxweynaha

waxaana lagu heshiiyay in barrito oo ay bishu tahay 29 ka la isugu yimaaddo madaxtooyada si loo xuso
dadkii ku dhintay qaraxyaddii 29 kii oktobar 2008 kii oo baroordiiq loo sameeyo sannad kasta
waxaana fikraddaa lahaa xisbiyada mucaaridka waxaana afkiisa ka sheegay xafladda gudaheeda faysal cali waraabe

madaxweynuhuna wuu kuraacay cassuumadiina wuu u fudiyay dhammaan cidda ay arrimahaasi khusaynayeen
haddaba maxaa dhacay ? waxa dhacay in maalintii loo ballamay xuskaa oo ay dhammaan dadkii la casumay
ay meeshii ka soo xaarireen in lawaayay mujaahidkii weynaa ahmad mahamad mahamuud /silaanyo

waxa dhacday inuu faysal cali la hadlay mujaahidka oo uu ku yidhi mujahid ku aaway wuxuu ku yidhi
faysalow albaabkaa la iga celiyay BILLAAHI CALEEK taasi may qabataa mujaahidkii dalkan usoo halgamay
in waxaasoo kale loo gaystaa KALLAA SUMMA KALLAA lanase yaabi maayoo waxa meesha joogaa
waa ardaydii afweyne oo wax kalaba may baran waxa kale oo mujahidka waraystay BBCda malaha adigu
ma haleeshide oo wakhtiyada wararku socdaan waxaad ku mashqoolsanta yooyootanka maqaaxiyaha

waxaanu BBCda u sheegay in ilaalada ammaanku dib u celiyeen oo aanu garanayn sababta dib loogu celiyay
haddaba AKHRISTOW askartu haddi amar cid ka saraysa aanay amar ka haysan may celin karaan
cid warqaddii martiqaadka sidata ? aduunyada meella kama dhacdo ardayda AFWEYNE mooyaane
intaa kadib waxa la waraysta taliyaha cidanka ilaalada nabad galyada waxaana la waydiiyay dib ucelita majaahidka

waxa uu ku jaawaabay muj ILKACASE arrinkaa dib u celintu wuu jiraa khalad baanu u dhacay waanu ka raalli galinnaynaa
dhammaan shacabka reer somaliland iyo mujaahika weyn alla haka raalli noqdee mar LAWEYDIIYAY cidda kadanbaysay?
waxa uu yidhi waxa ka danbeeyay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada nabdgalyada
waxa kale oo la waydiiyay sharciga uu askarigu sidaas u yeelay ? waxa uu kujawaabay sab iyo sabab la’aan
midna xaq umuulahayn askarigu inuu celiyo mujahidka sabtoo ah marka waa mas’uull qaran oo mas’uuliinta qaranka
lama baadho talabaad waa mujaahikii dalkan xoreeyay oo cid aan garanaynin majirto

haddaba adigu sanwayow xaggeed ka keentay waxan aad mareegaha kusoo candadawshay ee aan sal iyo raad
toona lahayn miyaanay taasi caddaynay wax yaabihii aan kor kusoo xusay miyaanay marag maddoon ahayn

maqaalkan kaa kadanbeyay ee isaguna ahaa waxba yaan dorashada lagu dagdagin taasi waa shaqadii
madaxada siyaasadda ku fashilmay oo og inaanay shacabka dhexdiisa qiimo ku lahayn oo aan la dooran doonin
sidaa darteed ay dalkan la doonayaan inay fowda ka abuuraan iyo nabadgalyo darro
adiguna kuwaasaad la mid tahay oo waxaad doonaysaa inay somaliland burburto oo waxa wali kaa guuxaya

xurfuftii 1996 ee bari hore laga heshiiyay sida SACII SULUB =CAWI =WARANCADDE =JUGSOODHACAY =
SULDAAN GALAAL =HAJI CABDI WARAABE =SULDAAN CABDULQAADIR iyo qaar kaloo badan oo wali xanuun sanaya
waxaan kugula talinayaa oo waano AH adeer wiil dhalinyaro ah baad tahay maaha inaad odayadan gaboobay
ee wakhtigoodii soo laastay aanad taladooda qaadan ee waxaad qaadataa talada ilaahay taasbaa ku anfacaysa

guntii iyo gabagabadii

waa inaad fikirkan aan waxba kuu qabanayn ee magaca kaa dilaya ee bari hore laga soo gudbay ee ah
TOLLAY YAA REER HEBELAAY ee fadhiidka ee aan waxba lagu noqon karin inaad iska illowdid oo aad dadkaaga
dhinac ka raacdid oo aad ummadda ka mid noqoto UDUB NA waxba haku khaatuma seegin waxba kama jiraan weeyi

xusuusin
anigu ma ihi nin ka mid ah beesha rabbi kugu dhalaaliyay ee aakhirka lagaa shidi doono
balse waxaan ahay nin kasoo jeeda galbeedka hargeysa oo idiin simman
SANWAAYOW gari allay taqaannaa

udub way tagaysaa sii tukhaan tukhiyaay

sidaa iyo nabad galyo

somalilaland ha jirto oo waarto
cadawgeeduna ha dhaco

sufyan omar sufyan
omarjaray@hotmail.com
abu dhabi
UAE

No comments:

Post a Comment