Sunday 1 November 2009

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

Ciidmada Police Somaliland ee magaalada Burco ayaa tacshiirad rasaas ah ku dhawaacay laba nin oo watay gaadhi si kadis ah u soo galay goob ay ka wadeen baadhitaano oo farmasii ahayd .

Labadan nin ee dhaawac ahaa oo mid dhaawaciisu cuslaa ayaa loola cararay dhinaca cusbitaalka wayn ee Burco , sida u noo soo tabinayaa wariyahayaga togaherer Burco ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hada la garanayn sababta ka damabaysay arinta, taas oo uu raacinayo in aanay haba yaraatee aanay ka hadal ciidamada amaanka magaaladaasi Burco mar aanu isnidhi wax ka waydiiyaa aritaa saraakiil Police ahna noomay suurta galin .

Sidoo kale waxaa la sheegay isla goobtaa ay in ay ka soo qabteen nin wadaad ah iyo afar ruux oo ay sheegeen in ahaayeen eheladiisa taas oo wararka qaar sheegayaan in shantan ruux laga qabtay isla farmasiigaa gudihiisa taas oo ay ciidamada policeku ku gadaanaayeen hareerihiisa.

Ciidamada Police ka magalada Burco ayaa magaalada gudaheeda ka waday hawgalo baadhin oo ay sheegeen in ay ku sugayaan amaanka magaaladaasi taas oo ay sheegeen in ay ku daba jiraan dad ay sheegeen in maleegayeen falal amaan daro.

Warqabadka togaherer

Burco

No comments:

Post a Comment