Sunday 8 November 2009

OGEYSIIS ALMIS EXPRESS

OGEYSIIS ALMIS EXPRESS

ogeysiis

Salaamu calaykum,
Walaalayaal waxaan idinka codsanaynaa inaad noo soo daabacdaan Ogeysiiskan,ilaahayna ha idinka abaal mariyo hawsha qiimaha leh ee aad dalka iyo dadkiinaba u haysaan.
Waad mahadsan tihiin
Maamulka Almis Express
=========================================================================================
Almis Express,waa xawaalad casri ah,oo ku dhisan
Aqoon iyo Technologiyad cusub

Waa shirkad ay ku bahoobeen maal qabeeno waaweyn iyo khubaro caalami ah oo ka soo jeeda dalka Somaliland,
waxaanay hormood ka tahay urur cusub oo lagu magacaabo Ururka Maalgashatada Somaliland (Somaliland Investors Group,SIG).

Almis Express , waxay dhawaan xarun weyn ka furi doontaa , magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa
,waxaanay laamo cusub ku yeelan doontaa dhammaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Almis Express ,waxay qayb weyn ka qaadan doonta horumarka dalka ,waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dadka degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, inay Saamiyo ku yeelan karaan shirkadda,wakiilana u noqon karaan halkii looga baahan yahay.
Haddaba,ka faaideyso fursaddan Qaaliga ah oo furnaan doonta waqti kooban,Dalkaaga Hooyana maal gasho,lama huraan waa caws jiilaale.

Warkoo faah faahsan , kala xidhiidh shirkadda cinwaankeeda hoosta ku qoran.

Almis Express
almisexpress@gmail.com

No comments:

Post a Comment