Wednesday 4 November 2009

XAFLADII XIL WAREEJINTA KOMISHANKA OO LAGU QABTAY HUTEEL MAANSUUR EE MAGALADA HARGAYSA

XAFLADII XIL WAREEJINTA KOMISHANKA OO LAGU QABTAY HUTEEL MAANSUUR EE MAGALADA HARGAYSA

Waxaa maanta huteel Maansoor ee magaalada Hargaysa ka dhacay xaflad aad u baladhan oo lagula kala wareegayey xilkii gudidada doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay kula kala wareegayeen gudii hore isku casishay iyo gudidan cusub ee la soo magacabay .

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka kala socoda xisbida qaranka ee Udub ,Ucid iyo Kulmye waxaa ka hadlay madax ka kala socda xisbiyadaasi iyo waliba madaxdii xilka la kala wareegaysay.

Waxaa goobta ka hadlay gudoomahii iyo gudoomiye kuxigeenkii hore ee komishanka waxaanay si xeel dheer uga hadleen waxay soo qabteen iyo waxa fashilyey in arintani doorshada madaxtooyadu soo jiitanto taas oo ay u ku telmaameen in ay kow ka tahay arinta natiijada diiwaan galinta oo in badan foolanaysay lagana dhur sugaayey dhili waydayna ,ugu horayn waxa aarintasi ku horeeyey oo ka hadlay Cali Maxamed Cabdalle (Cali Biikallo)waxaanu yidhi

“Waxaan doonayaa inaan tilmaamo, waxyaabihii sababay in doorashadu qabsoomi waydo,si aanay mar dambe inoogu dhicin waxaan in badan maqlaa komishankii hore in dadka dhexdiisa ay ka muteen ammaan badan oo la yidhaahdo sadex doorasho ayay qabteen aniguna waan la qabaayoo laakiin komishankayagan xilka laga wareejinayo waxa la yidhi nin baa habari lagadayoo markaasay dadkii ku dhowaa aad iyo aad u la yaabeen oo ku yidhaahdeen adigoo nin weyna oo xoogaas leh siddee ayay habari kuu lagaday. Wuxuu yidhi nimanyahow sadex baa isku kay galay meesha aan joogay oo kala dheerayd, iyo meesha oo sii siibanaysay, islaantuna sin-saarada ayay taqaanayoo way i lagadey, sidoo kale waxan idiin sheegayaa in arinta ay hawshani ka jitamaysaa ay tahay diiwaan galinta oo mudo dheer ayn naawilaynay,”

Sidoo kale waxa uu kula taliyey Cali biikalo komishankan cusub in ay ku kalsoonaadaan cida ay doortaan sidoo kale ay u fikiraan sicii cid dalka leh taas oo uu sheegay in iyaga oo is casilay iyo kuwan hadeer la keenay labaduba ay yidhii muwaadiniin dalka u dhashay.

Gudoomiyihii komishankii hore oo maanta xilka wareejiyay Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Swden) ayaa sheegay inay maanta ku faraxsan yihiin xilkan ay wareejinayaan ee aadka u culus, isagoo xusay in mudadii ay xilka hayeen ay la soo kulmeen carqalado badan, waxaanu Illaahay uga baryay in uu xilka ay qaadeen uu ku asturo Komishanka cusub. Waxaanu ku wareejiyay wixii qalab iyo hanti ahaa ee ay hayeen.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo isna munaasibadaasi xil-wareejinta ka hadlay waxaanu yidhi “ Wax kasta ha dhaceen, wakhti badan baa inaga lumay khasaare iyo khilaaf badan baa ina soo kala dhexmaray, cabashooyin ayaa ina soo maray, gaar ahaana xisbiyada mucaaridka yeelkeed, waxaas oo dhan waynu ka soo gudubnay sidii uu sheekhu yidhi dhibaato ayaad fududayseen hawshii markii aad aragteen halka qaranku taaganyahay iyo hawluhu halka ay marayaan iyo in ay hawlihii hore u socon waayeen oo aad u fududayseen qaranka iyo ummada reer Somaliland, oo aad iscasilaadiina dhiibteen, aad ayaanu idiinku mahad-naqaynaa wax kasta ha jiraane intii aad joogteen wax badan baad isku daydeen in aad qabataan, si kastana ha loo kala cawdee waad ku mahad santihiin”.

Gudoomiye Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Komishanka cusubna aad iyo aad ayaan ugu ducaynaynaa waanan soo dhawaynayaa aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga, taageerayaasha xisbiga iyo magacaygaba, Illaahayna waxaan ka baryayaa in uu xilka u fududeeyo hawsha la idiin xilsaarayna waa mid aad iyo aad u adag shaqo badan u baahan, Caddaalad badan u baahan, wixii ina soo maray way cad yihiin waxaa la shaqayn doona ajnabi, waxa kale oo la shaqayn doona dad gudaha ah Barnaamijka u yaalaa ma aha mid fudud umadii iyo dunida oo dhan baa sugaysa, cida maanta la eegayaa waa idinka, waxaan qabaa anaguna in aanu ku kalsoonahay anagoo kalsooni buuxda idin siinayna, kolay iyo kolayba hawshaa waanu idinku gacan siin doonaa wixii aanu idinla qaban karno”

Cabdillaahi Siciid Dheere oo ka tirsan madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ay xisbi ahaan si aad ah u soo dhawaynayaan Komishanka cusub ee maanta xilka la wareegaya, isaga oo dhinaca kale komishankii hore ku amaanay mudadii ay xilak hayeen isla markaana ay talaabo geesinimo ah qaateen markii ay iska casileen xilkii ay hayeen, fursadna siiyeen umada reer Somaliland waxaana hadaladisii ka mid ahaa

“Marka hore xafladan ay xilka kula wareegaan Komishankii hore iyo Komishanka cusubi way mahadsan yihiin labadooduba. Qolodii hore waxba ka odham maayo’oo dee meesha waabay isaga tegeen oo xilkii way wareejiyeen. Qoloda cudubna duco badan iyo waano badan ayaa la yidhi, laakiin anigu waxaan qabaa inay yihiin niman reerka kambalkiisa loogu xidhay in uu habar-dugaag ku cuno, oo habar-dugaagaasi ama wuu cuni ama-ba way iska celin. Waxana xilka la yidhaahdaana wuu tuujiyaa qofka, oo qofku marka uu xil qaado ayuumbay soo baxaysaa waxa uu yahay”.

Xog hayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo ka hadlay ayaa yidhi “ komishankii hore hawl wayn bay qabteen haba la eedeeyo wakhtiyada qaare, waxaanay qaateen talaabo geesinimo leh, wadaninimo leh, ka dib markii ay wareejiyeen hawshii ay hayeen Allena ha ka jasaa’i siiyo hawshii ay umada u soo qabteen”.

Mar uu la hadlaayey Komishanka cusubna waxa uu yidhi “waxaan leeyahay masuuliyad aad u culusbaa idin fuushay waanay idinku cusub tahay oo idinkuma jiro nin gudiyadii hore ka soo qayb galay, markaa hawl cusub oo xanafteeda leh ayaa idin hortaal midna ku talagala haddii aad tihiin komishanka cusub dimuqraadiyada iyo qaranimada Somaliland doorashada soo socotaa qiime gaar ah ayay u leedahay, ilaa kuwa soo socda inta aad xilka haysaan waxay idiinka fadhiyaan si xil kasnimo ah oo daacadnimo in aad hawshaasi u fulisaan, ummada Somaliland-na kolba sida aad hawshaa u fulisaan ayuun bay idinku qiimayn doontaa, ”

Waxaa ugu dambayntii ka hadlay goobtaasi Gudoomiyaha cusub ee xilka la wareegayey mudane Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) waxaanu Ciise ka hadlay xaaladii uu soo maray komishankii ka horeeyey , sidoo kale waxa uu sheegay in ay manta si rasmi ah ula wareegeen agabkii iyo wixii lagu wareejinaayey ,sido kale wuu u mahad naqay waxaanu yidhi

“Maanta waxa ay u fadhinaa xafladii xil-wareejinta, waxaa nalagu soo wareejinayaa oo aanu soo tirsannay agabkii xafiiska, doorashooyinka, Gaadiidkii, diwaan-gelintii iyo natiijadii doorashooyinkii hore.”

Sidoo kale gudoomiye Xamari waxa uu sheegay in komishankii ka horeeyey ay wax badan u soo qabteen taas oo ay ka mid ahayn hirgalintii diiwaangalinta codbixiyayaasha waanay ku mahadsan yihii ayuu yidhi sidoo kale waxa uu sheegay in dhamaystirka arintaasna iyaga looga baahan yahay.

Sidoo kale dadkii goobtaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheek Aadan Siiro oo hambalyo u diray komishanka cusub sidoo kale u duceeyey in ilaahay xilka u fududeeyo sidoo kale mahad celin u soo jeediyey komishakii hore ee maanta xilka wareejinaayeey.

Warqabadka togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment