Monday 2 November 2009

XUBNO KA TIRSAN GUDIDA JOOGTA AH EE GOLAHA BAARLAMAANKA OO KA HADLAY XILDHIBAANADII TAGAY SHIRKA JABUUTI

XUBNO KA TIRSAN GUDIDA JOOGTA AH EE GOLAHA BAARLAMAANKA OO KA HADLAY XILDHIBAANADII TAGAY SHIRKA JABUUTI

Gudoomiye kuxigeenka golaha jogtada ah ee Somaliland Muj Axmed Diiriye Nanac ayaa si aad u cambaareeyey xildhibaano ka tirsan golaha guurtida iyolaba xildhbaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo shalay u amababaxay dalka Jabuuti oo ay kaga qayb galayaan si la sheegay in ay isugu imanayaan Xildhbaano ka kala socoda Dawlada Somalia , Puntland kaas oo ay hormood u ahayd qabanqaabadeedana ay lahayd hayada UNDP kaas lagaga hadlaayey na arimo kuseeya cudurka dilaaga ah ee HAV-Aid .

Mujaahid NacNacnac iyo xubno uu hor kacaayey waxay uu sidaasi ka sheegay shirjaraid oo uumaanta qabtay magaalda Hargaysa , waxanu ku eedeyey in ay xubnahaa ka tirsan labada gole ee ka qayb galay shirkaasi ay yihiin dambiile qaran, waxaanuu sheegay in 2003 ay baarlamanku ansixiyeen qodob odhanaaya waa mamnuuc in laga qayb galo shir Somalia ah ,sidoo kale waxay tacsi u direen dhamaan qaranka Somaliland iyo eheladii uu ka geeriyooyday sarkaalkii ka baxay ee shalay qaraxa ku geeriyooday Marxun Cismaan Yuusuf Nuur waxaanuu sheegay in dadkii ka dambeeyey si dhakhso ah maxakamad loo soo hor taago .

Isaga oo ka hadlaaya arimahaasna waxa uuu shegay in aanay nimankaa waxba kala socon aritooda una gudbinayaa shirgudoonka si ay u anshax mariyaan xubnahaa iska tagay ee aanaanu waxba kala socon waxaanuu yidhi

“Waxa jira niman xidhibaano ah oo tegay iyo kuwo ka hadhay oo Jabuuti kaga qaybgalaya shir ay ku kulm,ayaan baarlamaanka Somalia, Puntland iyo Somaliland iyadoo Somaliland-na laga dhigayo gobol ka mid ah Soomaaliya, waxa xildhibaanadaasi haysta qaraar sharci oo labada gole ee baarlamaanku anshixiyeen 2003-dii oo dhigayay in ay mamnuuc tahay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya,waxaanu idiin sheegaynaa haddii aanu nahay guddida joogtada ee wakiilada in aanaan waxba ka ogeyn, anigu waxba kama qaban karno ee shirgudoonka ayaanu anshaxmarinta xildhibaanadan u gudbinaynaa,” sidaa waxaa yidhi Muj Nac nac.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Md Maxamuud Axmed Obsiiye oo isna ka mid ahaa xubnihii shirka jaraaid ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka kana mid ah gudida joogta ah ee golaha wakiilada ayaa sheegay in shirkaasi ka qayb qaadashadiisu markii aanu miisaanay uu nusqaan ku yahay umada Somaliland xilna ka saran yahay dhamaan masuuliyinta qaranka taas oo uu sheegay in shirkani aanuu ahayn kuwii lagu iibgayn jiray Somaliland ee uu yahay mid la inagu soo casuumay taas oo la inoo soo casuumay sidii gobol ka mid ah gobolada Somalia taasina waxbay u dhamaysaa madaxbanaanideena .

Warqabadka togahere r

Hargaysa.

No comments:

Post a Comment