Tuesday 10 November 2009

GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

shotaly yar GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

Waxa aan si weyn u taageersa-nahay arinka uu ka dhawaajiyey abdiweli ee ah garoonka diyaaradaha ee berbera ha lagu magacaabo geesiggii, halyeygii, xasuusta umada reer somaliland miranaaya wakhti kastya oo la joogo, kaas oo ah maxamed xaashi diiriye ( lixle), naxariistiisa al-le haka waraabiyo’e, waxa yaabaha qiimaha ugu badan lihi waa kuwa ku jira halgankii dheeraa ee lala galay maamulkii af-weyne ee somaaliya lagu sheegi jiray raggii uu lixle ka mid ahaa ee isugu celiyey albaabada, kuna kelifay in uu kaba la baxo oo isaga oo mid lulaya midna laalaadinaya uu ka maleegto, waxa xusid mudan oo kale raga ay ka mid yihiin KOOD-BUUR oo inta uu u badheedhay xeraddii( birjeex) ee ugu weynayd ciidankii 26aad kala soo baxay ina askar iyada oo aroortii la dili lahaa, hargagwaafi, oo isna la baxay axmaaraddii laga soo qabatay bali-dhiig, cawil cadami oo isna af-duubay diyaaraddii somali air line, waxa aan isna la ilaawi karin maxamed mooge liibaan, halkii uu kaga jiray halganka iyo doorkii uu ka qaatay xorayntii calanka aynu imika hoos joogno.

Inta kor ku qoran iyo inka sii badan sida sarkaalkii ugu horeeyey ee ku shahiiday halganka ee ina saleebaan weyne, maxamed cali, koosaar, aadan shiine, baybe laambad, madax diin, xuseen dheere, ina macalin haaruun, oo isna 27/05/88 habeenkii burco la galay ku shahiiday, waxa kale oon la ilaawi karin gudoomiyahii amaray in ay noqoto shul ama shul, in ay ilaah godka ha u nuuro’e cabdiraxmaan axmed cali ( tuur), ee yidhi mar hadii ay guud-keena ku heshiiyeen af-weyne iyo mingeste, oo la yidhi dalka haka baxeen wax inoo hadhay ma jiro geeri iyo nolol bay inoo joogtaa, kuna dhawaaqay dagaal kama dambayn ah, siddiina ay u dhacday, guula laga gaadhay, markii ay cagaha wax ka dayeen xanfasiddii faqashta ee reer koonfureed, kolkii ay xamili waayeen mujaahidiinta s.n.m dagaalkii xaqa ahaa ee ay kula jireen somali weyn sida ay u dhan tahay iyo weliba caalamkii daba ka waday ee taageeraayey, xasuuqii lagu hayey umada isaaqa ah ee dalkooda la yidhi halagu beero umada kale oo aan u dhalan, haddii aad markhaati cad rabto bal dib u xasuuso warqaddii uu qoray aska-rigii doqonka ahaa ee majeerteen laguna magacaabi jiray moorgan, kaas oo digtii hore-ba isaga oon lala gaadhin faro didibka jeexay oo cagaha wax ka deyey, looguna bixiyey cabdi-bile markii laga yaabay oradkii ka dhacay, hadaba sooma-jeesta-yaashii s.n.m-ta wax kasta oo loogu abaal gudi karo kolay ma dhamayn karno wxay inoo galeene waa ku istaahil in aan u sare kacno, iska daa’ magac loo bixiyo meele.

Waxan af-kiisa caano lagu qabaye si weyn aan u taageerayaa, sidiisa oo kalena aan uga codsanayaa madax weynaha, ku xigeenka iyo dhamaan golaha wasiirada, guurtida, iyo xildhi-baanada, shicibka somaliland, in ay taageero buuxada siiyaan, fekerkan caafimaadka qaba, inta kale-na iyana kolba sida ay u suurto gasho lagu tilmaamo meelo aad u muhiim ah, si aanay uga bixin maskax-deena oo aan u xasuusano, waxa kale oo aan jecelahay aad-na iigu culus, farxadna u noqon lahayd umada reer somaliland in marxuumku (lixle) maalintii uu dhintay laga dhigo maalin murugo leh, oo sanad walba ay ahaato ayaan la ooyo oo calanka hoos loo dhigo cishadaas iyada ah, maaha in la akhriyo oo la iska dhaafo haddii uu qof keeno fekred fiican, ee waa in xataa sanka laga geliyaa dawlada iyo madaxda markaas jirta ee aan la dhayalsan, haddii kale waxba ma dhaano duun-yada aan dhaqano ee dadka haystaa ay u taliyaan, waxan mar kale aan lee-yahay MR cabdiweli waa loo baahan yahay arinkan aad keentay iyo kuwo kale oo qiimo lehba, waana aad ku mahadsan tahay, waayo waxa la inoo abuuray in aan ka faa’iiday-sano caqliga iyo maskaxda uu eebbe inagu manaystay, oo aan sida wax ku oolka ah uga shaqaysiino, wax ku qabsano, kaga-na durugno waxa xun sida qabyaalada, eexda, iyo kala taga umada, kuna soo ururino wixii wax ina taraaya oo qudha, wixii kale-na aan iska dhaafno.

Wxan ugu dambayn ka codsanayaa umada reer somaliland, inta wax ku qorta mareegaha, wargeesyada, ka hadasha TV-ga, idaacadaha somaliland, in kii wax qoraana uu qoro taageerada mabda’an, ka waramaana ku warka ku daro, jaraar’idka dalkana lagu daabaco, wixii wax akhristaa si ay u helaan waraka oo ay u baahdo feredani, oo aan loo kala hadhin, inta aynu ka baxno xusbi iyo sheekaddii iyo waxan aan ku mashquulay.

* N.B xormo ninkii leh baa geya, xumaana xogtii mooge.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment