Friday 6 November 2009

DUFCADDII UGU HORAYSAY EE KA QALINJEBISAY COLLEGE KA T I T C OO DHOWAN LAGA FURAY BURCO OO MAANTA SHAHAADOOYIN LA GUDDOONSIIYEY. + SAWIRO

DUFCADDII UGU HORAYSAY EE KA QALINJEBISAY COLLEGE KA T I T C OO DHOWAN LAGA FURAY BURCO OO MAANTA SHAHAADOOYIN LA GUDDOONSIIYEY. + SAWIRO

Dufcaddii ugu Horaysay ee ka qalinjebisay College ka T I T C oo dhowan laga furay Burco oo maanta shahaadooyin la Guddoonsiiyey. + SAWIRO

Waxaa caawa fiidkii lagu qabtay Hotelka weyn ee EGAL HOTEL ee magaalada Burco xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu Guddonsiinayey arday Dhammaysatay I T ga iyo weliba Joournalism ka, Xafladdan oo uu ay ka soo qayb galeen madax ka kala socota wasaaradda Qoyska, Hay’ada CCBRS iyo weliba Urur Dhalinyared ka TOYDO, xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka cudurdaartay madax badana oo lagu marti qaaday iyagoo qaar kalena wakhtiga oo dheeraa aawadii ka tegay munaasibadda iyagoo aan wax hadal ah jeedin.

Xafladdan ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey isuduwaha wasaaradda Qoyska Marwo Casha Cali Qabille iyadoo aad ugu taageertay College ka hawlaha uu wado iyo ardayda uu soo saaray ee sida free ga ah loogu dhigay cilmiga qaaliga ah ee imminka lagu shaqaysto waa IT ga iyo Journalismka oo ay ku sheegtay in ay yihiin labada ugu qaalisan ee imminka aadka loo jecel yahay.

Sidoo kale waxa munasibadda ka hadlay maamulaha College T I T C Mustafe Osman oo faahfaahin ka bixiyey aasaaskii College iyo ujeedadii loo aasaasay, maamuluhu mar uu sharraxaadaas bixinayey waxa uu yidhi “College ka Togdheer Information Technology Center T I T C waxa la aasaasay May-2009, waxana aasaasay Dhalinyar aragtay baahida loo qabo maddooyinkaasi, annagoo weliba u furnay collegeka Voluntery ahaan, waxa ka hawlagala College ka Macalimiin gaadhaysa 7 macalin, iyagoo dhammaantod ku shaqeeya Voluntery, macalimiinta ayaa isugu jira kuwo ka qalin jebiyey Jamacadda Camuud, kuwo hadda dhigta Jamacadda Burco, iyo kuwo Form 4 ka sannadkan ah, waxa caawa aan shahaadooyin siin doonaa 54 arday oo dhammaystay Software Computer iyo Lix arday oo ku soo biiray masraxa saxaafadda isla markaasna Dhammaystay Course saxaafadda ah”

Maamuluhu isagoo faahfaahin ka bixinaya waxyaabihii ay la kulmeen markay College ka Fureen waxa uu yidhi “markaan is nidhaa dadka qora boqolaal qof ayaa noo yimaada waxanay na odhan jireen waar hay’addee baa idin maal gelisay waxbaan bilaash ku dhigaynaa idinka qori maynee, caawaba waxaan leeyahay waalidka Goob joog ayaad u tihiin ardayda aan wax bilaasha ugu dhignayna waa markhaati, haddii cidi naga danbayso ama na fun garaysona iyaguunbaa na ogaan lahaa, balse waxan kula dardaarmayaa madaxda hay’adaha nagala joogta iyo kuwa dawladda nagala joogaba inay farriintan caawa naga gudbiyaan, waa messege aan u dirayno dadka daneeya Horumarka iyo soo sarka dhalinyaro aqoon iyo xirfad labadaba xambaarsan”

Hadaba khudbadda Maamulaha oo ad u dheetrayd kadib waxa shahaadoyinkii al guddoonsiiyey 60kii arday ee shahaadooyinka qadanaysay iyadoo ugu danbaytiina shahaado sharaf lagu maamuusayey Collegeka la Guddoonsiiyey maamulaha College ka Mr.Mustafe Osman, shahaado sharaftan ayaa waxa Guddoonsiiyey Urur weynaha Dhalinyarada ee TOYDO.

Sidoo kale Munaasibadda waxa Riwaayad qosol leh ka dhigay qaar ka mid ah ardayda College ka, Riwayadda ayaa ka turjumaysay kaalinta waxbarashada ee maanta iyo marxaladaha Dhalinyarada ee wakhtigan.

Munaasibaddan oo ku dhammaatay Jawi farxadeed oo xamaasad badani ka muuqatay isla markaasna aad loogu maqsuuday aya waxa soo xidhay Maamulka iskuulka.
T I TMIXED


Jaamac Cabdi Siciid
Burco Somaliland

No comments:

Post a Comment