Sunday 1 November 2009

WARSAMOOW KARTIDA WAA LOO DHASHAA JAALIYADUNA KA WAYN WAX AAD ISKA TIDHAA

WARSAMOOW KARTIDA WAA LOO DHASHAA JAALIYADUNA KA WAYN WAX AAD ISKA TIDHAA

SANWAA
WARSAME MARKII AANU U DIIDNAY INUU NOQDO

KHASNAJI GUDIDA AH AYUU KU HADLAY AFKII

JAALIYADA OONU KALSOONI KA HAYSAN

Waxaan salaan sharafle ku salaamay dhamaan shacbiga Somaliland iyo jaaliyada Gadarba

Intaasi ka dib waxaan tacsiyaynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Taliye Cismaan (NJAHW). Anigoo ku hadlaya magaca Xoghayaha Gudi Siyaasadedka UDUB ee gadar waxaan dadwaynaa reer Somaliland la socodsiinayaa in ninka la yidhaa Warsame oo ay weheliyaan niman aad uga hinaasisan hindisaha wax qabadka Gudidan Sanwaa Gudoomiyaha ka yahay Qarbooshe ( XILDHIBAAN NAC NAC WALALKIIS) oo ah masuul aad u miisaaman oo ahna Gudoomiye ku xigeenka Gudidan UDUB ee Gadar. Way jirtaa in ninku damac yeesho laakiin waa goorma? Markay haboontahay oo la joogo wakhigeeda. Warsame waxaan leeyay Asxaabul Kaaf ayaad gasheen adiyo saaxiibadaa markaa iminka aragteen in Gudidii ay shaqaynayso ayaad baryahanba wadeen in laydiin dhiibo xil meeshana xilkeedu wuu halw badan yahay waanuu adagyahay sida wax looga qabtaa. Hadaba waxaan ku leeyay bal mayswaydiisay xiligii (the Date) uu ku dhawaaqay Sanwaa Gudidan isagoo la tashaday nimanka aad taqaan ee sheekhal somalka SHeekh Mooge, Axmed Bare, iyo Qarbooshe iyo anigaygan oo ah Xoghayaa Gudida adiguna Warsamoow maanta oo ah Nov 1, 2009 ayaad jaaliyada ku hadlaysaa afkeeda inta laguu Garaaco Computer. Waxa halkaas ka cad inaad Asxaabul Kaaf ahayd mudo 3 sano ah. Hadii Gudoomiye Sanwaa kuu diiday inaad noqoto Khasnaji dee maaha inaad masayrto sidii dumarka taas laga wanaagsan waxa taas kuu dheer Qabyaalad adiga iyo kuwaad wadatoba ee hanoogu gaban Qaraxa ka dhacay Laascaanood. Dadkaa inoo markhaatiya libinta ninka fikirka keenay inuu ina baro caalamkii hadaynu nahay reer Gadar hadiidin yaanay ku qaban murtidii ahayd “XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB”. Waxaanaan kuu balan qaadayaa inaanay kuu jawaabayn gudidu waraaqdan ka dib taasi waa mid aanu go’aansanay. Waxkasta way filing system ayay noogu jiraan ee akhrista dadwaynoow waatan markii taariikhdii uu Sanwaa ku dhawaaqay Gudidan maqaalkii uu Qarannews u diray iyo sawirkiisii xiligaa uu dirayba oon soo raaciyay maqaalkaygan:

Gudi Siyaasadeed laga dhisay dalka Dooxa Gadar‏.

From: muwadin01@hotmail.com
To: news@qarannews.com
Subject: Gudi Siyaasadeed laga dhisay dalka Dooxa Gadar
Date: Thu, 28 Jun 2007 01:20:25 +0300

Aniga oo ku hadlaaya magaca Gudoomiyenimo ee Gudida Siyaasada Jaaliyada Reer Somaliland ee kunool dalka Qatar Dooxa waxaanu lasocodsiinaynaa dhamaan shacabka kasoo jeeda ama ku abtirsada Jamhuhuriyada Somaaliland meelkasta oo ay joogaan inaanu samaynay Gudi,taasoo noqon doonta Gudi Siyaasadeed si hagar la’aana uga qayb qaadan doonta halganka qaranimo ee ictiraaf raadiska iyo dadaalka sii xoojinta nabada qaranka.
Gudidani waa gudi ka kooban 15 xubnood kuwaas oo leh mutacalin,waxgarad,aqoonyahan iyo rag siyaasada dalka gudihiisa waxbadan ka soo shaqeeyay kuwaasi oo ka kooban dhamaan beelaha kasoo jeeda somaliland. hadii aan ugonda dego baahida iyo duruufta keentay inaanu dhisno gudidan waa sababahan hoos ku xusan:

1. Inaanu doorkayga ka ciyaarno ictiraaf raadiska dawladeena Republic of Somaliland.
2. Inaanu itaalkayaga kubiirino ama ku xoojino ka wada shaqaynta danta qaranimo.
3. Inaanu fikirkayaga ku toosino cidii ka hortimaada jiritaanka dawladnimo iyo xasiloonida dalka. iyo
4. Inaanu xoojino xeerka distoorka ee dhigaya jiritaanka sadex xisbi qaran.

Afartan qodob ee kor ku xusani waa kuwa nagu dhaliyay inaanaan gacmaha ka laaban danta iyo maslaxada siyaasadeed taasoo saamayn wayn ku leh qofkasta oo ah muwaadin reer Somaliland ah meelkasta oo uu joogo. wabilaahi tawfiiq.

by: M.C.C (SANWAA CUMAR YARE)
Gudoomiyaha Gudida Siyaasada ee
Jaaliyada Dooxa Qatar.

XOGHAYAA DUDIDA SIYAASADA

A.C.QALSO

No comments:

Post a Comment