Monday 2 November 2009

MAANTA MAHADHOOYINKA AXMED SIILAANYO IYO WEEDHIHIISA SIYAASADEED EE TISQAADAY EE UU KA YIDHI MASRAXA SIYASADED

MAANTA MAHADHOOYINKA AXMED SIILAANYO IYO WEEDHIHIISA SIYAASADEED EE TISQAADAY EE UU KA YIDHI MASRAXA SIYASADED

SIILAANYOPublished on: Nov 2, 2009 12:39

Shalay Iyo Maanta: Mahadhooyinka Axmed Siillaanyo Iyo Weedhihiisa Siyaasadeed Ee Tisqaaday Ee Uu Kayidhi Masraxa Siyaasadeed

Qormadan todobaadlahaa ee shalay iyo maanta waxaanu kusooqaadanaynaa weedhihii

Mahadhooyinka siyaasadeed ee gudoomiyaha xisbiga siyaasigaa ee kulmiye axmed maxamed maxamuud siilaanyo kalmadahan tisqaaday ee uu kayidhi wakhtiyo kala duwan fagaarayaasha siyaasadeed ee lagu tilmaamo siyaasi aftahano iyo balaaqad

U leh xaga hadalka isla markaana markii labaad musharax madaxwayne ee xisbiga kulmiye una sharaxan doorashada madaxtooyada ee lafilayo in Somaliland ay ka qabsoonto .

Axmed Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii ugu midada dheeraa ee hogaaminayey ururkii snm ee dalkan xoreeyey oo mudu todobasanadooda gudoomiye kasoo ahaa oo laga hayo weedho mahadhooyina oo siwayn loogu xasuusto xilligii halgankii xoraynta dalka iyo dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida somaliland .

Hadaynu sooqaadano weedha kamid ahaa khudbadihiisa siyaasadeed ee tisqada:

1dayaalbaa ladhaqdhaqaajiyey abaabulo hoosana waa la sameeyey 2: warka kasoo yeedhay shirwaynaha beelaha Somaliland ee guurtidu hogaaminayso waa wanjal Mudugaysan . 3: anigaba 80 cod baa laygaga helay doorashadii madaxtooyada oohore ii soo martay , raga shirka golaha dhexe kacodhoodayna waxaa leeyahay waa wax iska caadiya marka bi ni aadamku waayo waxa uu daneeyaa inuu iska iloobo

4: rayaale waan kudhaqaajin doonaa hadii aad siifadhido kursiga marka wakhtigiisu dhamaado 5: cadceedu haday kululaato waxay udub xukuumadeedu yidhaahdeen kulmiyaa kadanbeeyey cadceeda kululaatay 6: markaynu eegno dareenka shacabka somaliland ee kukala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa anagaa kuguulay sa nayna Doorashada madaxtinimada 7: golaha guurtida afarta sanadood ee ay isku kordhiyeen ka waa xaaraan qayrul sharciya, marka mudadoodii hore dhamaatana gole sharcigu u aqoon san mayno 8: koradhsiimadaa guurtidu isku kordhiyey waxay adhaxda kajabisay distoorkii iyo shuruucda dalka uyaala 9: madaxwayne rayaale marka lagaadho 15ka may 2008 aqbali mayno mudo kordhin loosameeyo , wuxuu se noqon doonaa gudoomiyaha Udub 10: kulmiye waxaa kabaxay daad xoortii 11: waligay ma arag nin ka balan daran oo kamaamul jilicsan 12: madaxwayne riyaale balanta uu qaado iskulma wanaan sanin

13: waxaanu ogaanay in shacabkii oodhami ay kulmiye soo buuxdhaafiyeen. 14: doorashadan wixii ka danbeeya marlabaad isku sootaagi maayo musharaxnimo danbe .

La soco ………………………

No comments:

Post a Comment