Friday 6 November 2009

OGAADEEN MAXAA SOMAALIDII KALE LA COLAYSIIIYEY….???

OGAADEEN MAXAA SOMAALIDII KALE LA COLAYSIIIYEY….???

Ogaadeenka Maxaa Somaalidii Kale La Colaysiiyey……

Siyaasadda Qabiilka Ogadeen Ee Waqtigan Lama Socon Karto Qarniga 21-aad (Faalo)
Godey, 05-Nov-2009 – Waxaanu wada ognahay inaynu ku jirno qarnigii 21-aad, Qabiilka Ogadeenka wuxuu u baahanyahay inuu casriyeeyo fikirkiisa strategy-ga ah, haddii kale, sida haddaba heysata, waxey taas dhali doontaa cawaaqib xumo.

Waxaad la socotaan dagaalka uu Ogadeen galay 15 sano ka hor (waa kan ugu danbeeyey ee billaawday 1994) in illaa hadda wax laga dheefay oonan qasaaro aheyn jirin. Aqoonyahanka reerkana wuu ku guul-dareysatay inuu arrintan cilmi baadhis ku sameeyo, si uu shacabka ugu ifiyo xaqiiqda iyo sida loo wajahi karo, si shacabka looga furfuro xarkaha. Iska-daa Itoobiya, ee Ogadeen waxaa la coloobay Soomaali oo dhan, dadkiisiina wuxuu noqday mid lagu raadsado inta badan dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Halkii ay siyaasiyiinta reerkan xaqiiqda u soo noqon lahaayeen, isla markaana ay la imaan lahaayeen fikir cusub iyo wado lagu gaaro yoolka ummadan, reerkii waxey ku hogaamiyeen fikirkii 1960-ki, micnihii waa qori afkii xalka ha lagu doono, taasoonan la jaanqaadi karin meesha uu aduunka marayo 2009. Xaqiiqdu waa inuunan reerkan Itoobiya, Jabuuti, Somaliland iyo Puntland hal mar la wada dagaalami karin. Tani waa sababta siyaasadda qabiilka Ogadeen ee waqtigan aynan ula socon karin qarnigan 21-aad. Waxa meesha lagu hayo waxey la mid tahay adigoo yiri qaanso iyo falaadh baan ku dagaallami waqtigan uu aduunka isticmaallayo boobayaasha culus iyo kuwa fudud.

Siyaasiyiinta Ogadeen lameynan qabsan xowliga iyo isbad-badalka aduunka ee maanta. Siyaasaddu meeshii ay taagneyd 15 sano ka hor ma joogto maanta, mana jirto wax hubaalti ah, taasna waxaaba sii dhiiqeeyey aduunka isku darsamay (globalization) ee xuduud iyo xad midna qiimeyneyn. Waxeyna ku guul-dareysteen inay fikirkooda casriyeeyaan, si ay ula jaanqaadaan aduunka cusub.

Siyaasiyiinta yar ee qunyar socodka ah (Ogaden Political Moderates) ee reerka waxaa daboolay, oo cubka galiyey kuwa fikirkooda fogaaday ee uunan la socon aduunka, kuwaasoo meel ku dhag ah (Ogaden Political Conservatives), waa kuwa marnaba aanan qiimeyn, amaba aanan dib u eegin, wixii ay ummadan soo martay 15-kii sano ee tagay. Waana qolyahan danbe kuwa uu fikirkoodi iyo caqligoodi uu maanta gaarsiiyey dadkooda heer aynan meella kaga badbaadin Geeska Afrika.

Dalka Japan ayaa dagaalkii labaad ee aduunka isagoo dagaal kula jiray dalka Mareynkanka ayaa waxaa docda ku dhuftay, oo dagaal aynan fileyn ku soo qaaday, dalka Ruushka, oo weeraray Manchuria, taasoo ka hor imaneysay hashiiskii labada dal u dhaxeeyey ee loogu magacdaray Soviet-Japanese Neutrality Pact, markaas ayaa waxaa haddane atomic uu Mareykanka ku duqeeyey Hiroshima iyo Nagasaki.

Boqorkii Japan oo la oran jiray Hirohito, ayaa markuu arkay dhibka dadkiisa soo food-saaray wuxuu ku dhawaaqay inuu Japan is-dhiibay. Ogow, Japan ciidankiisa 2 milyan ayey ku dhawaayeen xiligan. Hadalki boqorka waxaa kamid ahaa; “uma dulqaadan karo inaan arko dadkeyga oonan waxba galabsan inay intan wax ka badan silcaan.” Ujeeddada hadalkan waxaan ula jeedaa Itoobiya ayey sheekadu aheyd, lakiin Ogadeen waxaa maanta laga u gaarsanayaa meelkasta oo Geeska Afrika ah, silic iyo darxumo tii ugu darneyd ayaa heysata ummadan, waana mid u baahan in maskax iyo fikir cusub lagu wajaho.

Si dhibaatada heysa shacabkan wax looga qabto, siyaasiyiinta reerkan waxey u baahanyihiin inay qorshe kii hore ka gadisan la yimaadiin, kasoo la jaan-qaadi kara siyaasadda qarnigan 21-aad. Qorshaha noocan ah wuxuu u baahan doonaa hogaamin ka badalan kan maanta hor-boodaya siyaasadda reerkan, wuxuu u baahan doonaa dhalinyarta cusub ee qunyar socod ah ee aqoonta sare leh, kuwaasoo fahansan inuu aduunkan aheyn kii hore ee awoow-yadood iyo adeerada hadda hor ordaya siyaasaddan cusub ee aynan shaqaba ku laheyn.

Laba nin oo mufakaro ah (thinkers) oo u dhashay dalka Mareykanka, oo la kala yiraahdo George Kennan iyo Hans Morgenthau, ayaa hore u yiri; aduunki waa isbadalay, gooni isu-maqiiqna dib danbe u shaqeyn maayo. Haddaba reerkan intii hor boodeysay ay meelaha la taagan tahay; maalinna Hargeysa dadkeyga laga qabtey, maalinna Boosaaso laga qabtay oo inagaa la inoo dan-leeyahay, waa Geeski Afrika iyo inaga! Cajiib, Geeska Afrika oo dhan iyo inaga maxaa ka dhigay, maxaa gooni u faquuqay ummadan, sow siyaasad xumo maaha? Waa in runta la isu sheegaa, oo qayaali iyo sheeko la isu jiibiya la ilaawaa.

Xaqiiqda Jirta

Ogadeen waa inuu fahmaa inuunan qori caaradii Itoobiya waxba kaga heleynin isagoo kaligii ah. Waa inuu aaminaa in halgalkiisi iyo siyaasaddii hore ay fashilisay Soomaalida jaarka ah, isla markaana shacabkoodi qatar ugu jiro gumaad kaga yimaadda guud ahaan dalalka Geeska Afrika, oo ay ugu horeyaan dowladaha ay ka kooban tahay Jamhuuriyaddii Soomaaliya la oran jiray. Ogadeen waa inuu fahmaa inaynan suurogal aheyn, rasaas jawaan si tuugnimo ah looga keenay Eriteriya inaynan Itoobiya dhul kaga qabsan karin.

Itoobiya waxey maanta remote ku maamuleysaa guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya, taas waxey badashay geedi socodka siyaasadeed ee Geeska Afrika. Ra’isulwasaraha Itoobiya, Meles Zenawi, waxaa aduunka looga arkaa billawga hogaamiyayasha casriga ah ee qaaradda Afrika. Meles wuxuu hogaanka u qabtay dhamaan gudiyada Afrika, kasoo billaaw magacaabistiisi ee Commissioner for Africa, illaa tii dhawaan ee hogaanka African Climate Change. Meles intii uu Tony Blair-ki hore ee Ingriiska uu ugu yeeray “progressive leader,” aduunka iriduu garaacaba wey u furmeysay.

Maxaa Ogadeen La Gudboon?

Inuu xaqiiqda u soo noqdo. Wada hadal shuruud la’aan ah inay ONLF lagasho Itoobiya, iyadoo qiimeyneysa xaaladda reerka magaciisa ay wadato uu ku sugan yahay. Waxaa jirta dad ku duceysta “Allow Ogadeen nabad ha tusin,” kuwan waxey aaminsanyihiin haddii uu Ogadeen nabad helo inay wax badan ku weynayaan. Arrintan nabadda iyo raadisteeda waxey u baahaneysaa fikir cilmiyeysan iyo qorshe laga shaqeeyey, kaasoo Meles iyo reerkaba ku qancin kara waxyaabaha ka soo baxa hashiiska ugu danbeeya.

Siyaasadda, fikirka iyo doonitaanka reerka waa inuu la jaanqaadaa caqabadaha aduunka ee maanta iyo isbad-badalka dhaqsaha badan. Waa inay aaminaan inaynan jirin wax la isku haleyn karo, waana inay dhab u qaataan diplomacy-yada inay ka hormariyaan wax kasto, iyagoo fahansan qatarta aduunka ee maanta.

Waa inuu reerku fahmaa baahida in saaxiibo la sameysto, isla markaana Itoobiya gudaheeda lagu yeesho saxiibo ay ka wadatashadaan mustaqbalka iyo aayaha dadkooda. Reerkan danta fog ee uu leeyahay kaligii ma gaari karo, waa inuu sameystaa saaxiibo qeyb ka ah qowmiyadaha badan ee Itoobiya, sida Oromada iyo Canfarta, isla markaana xiriir dhaw la yeesha kolba cidda ay ka go’do talada Itoobiya. Siyaasiyiinta reerku waa inay qiimeeyaan awooda Itoobiya, tixgaliyaana saameynta ay ku leedahay guud ahaan Geeska Afrika, Itoobiyadaas oo ay saxiibo dhaw ku dhaxyeelato waxey u fududeyn doontaa reerka hanashada danteeda fog.

Waxa ugu muhiimsan waqtigan waa iney siyaasiyiinta reerka diiradda saaraan halista nabadgalyo ee shacabkooda kaga imaneysa gudaha iyo dibadda. Tani waxey u baahanneysaa in isbadal lagu sameeyo qaab dhismeedka siyaasadeed, lana kala diro odayaasha hor ordaya siyaasadda reerka, ee aanan la qabsan karin jawiga iyo xowliga ay ku socoto siyaasadda maanta ee aduunka. Waxaa laga ma’maarmaan ah inay siyaasadda reerkan la wareegaan dhalinyaro aqoonyahano ah, kuwaasoo aaminsan, isla markaana fahansan diplomacy-yada iyo waxa ay tahay.

Ugu danbeyntii, siyaasadda reerka waa inaynan meella ka soo galin qolyaha qandaraaska wato, ee diinta ku soo gabanaya, kuwaasoo ujeeddada kaliya ee ay leeyihiin (amaba laga leeyahay) tahay sidii marmarsiyo ay ugu noqon lahaayeen karbaash lala dhaco dadka aanan waxba ogeyn ee shacabka ah, laguna curyaamiyo danta fog ee ummadan. Guud ahaan waa in gobolka laga illaaliyaa wadaad doonaya inuu siyaasi noqdo, maadaama danta iyo mustaqbalka ummadan uu caqabad ku noqonayo.

Xasuusnoow: Danta shacabkan waxaa lagu gaari karaa, oo kaliya, diplomacy-yad adag, oo ay hogaaminayaan dhalinyaro aqoonyahano ah.

Source: Wabishabeele political advisory desk
Washington.

Posted by: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment