Friday 6 November 2009

KHILAAFKII DEKADA MUQDISHO OO LA SOO GABAGABEEYEY DIBNA U FURANTAY.

KHILAAFKII DEKADA MUQDISHO OO LA SOO GABAGABEEYEY DIBNA U FURANTAY.

DFKM ah ee Soomaaliya iyo ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah heshiis ka gaareen khilaafi u dhaxeeyey ee ku aadana arimaha weyn ee Magaalada Caasimada.

Kulan maanta ka dhacay dekada weyn ee Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyin ka tirsan DFKM ah ee Soomaaliya iyo weliba ganacsatada Gobolka Banaadir,waxaana kulankaas u ahaa mid si weyn looga hadlaayay khilaafadki soo kala dhexgalay labada dhinac oo sababay in howlihi dekada u hakad soo kala dhexgalo.

Ka dib markii u soo dhamaaday kulankaas labada dhinac ayaa waxaa gudaha dekada Shir Jira’id ku qabtay Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda C/raxmaan Xaaji Aadan “IBBI”,waxaana u shaaca ka qaaday in khilaafadkaas u soo dhamaaday heshiisna laga gaaray.

Waxaana u tibaaxay in kulanki dhexmaray DFKM ah iyo ganacsatada reer Muqdisho lagu heshiiyey in Dowlada ay baaritaan ku samayso baaritaan badeecooyinka laga shakiyo oo ay u aragto in ay khatar ku yihiin.

Inta u socday kulanka ayaa waxaa jiray in badeeco laga dejinaayay gaadiid badeedka ku sugnaa Dekada,waxaana ay arintaas u muuqanaysa in howlihi ay qaban jirtay dekada Muqdisho ay dib caadi ugu soo laabatay ka dib marki maalmo ay hakad soo galeen.

Gudoomiyaha ganacsatada Dekada Muqdisho Cabdiraxmaan gabeere ayaa isaguna halkaas ka hadlay,waxaana u tibaaxay in iyaga iyo DFKM ah ay ka wada hadleen arimihi khilaafaadka dhaliyey,ayna ugu dambaynti isku afgarteen qodobka ku sabsanaa in Dowlada ay baaritaan ku samayso badeecooyinka ay ka shakiso oo ay ganacsatada kala soo degaan dekada una iib geeya gudaha Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Shalay ayay ahayd marki ragi ka xoogsan jirtay Dekada Muqdisho ay banaanka dekada ka hor sameyeen mudaaharaad balaaran oo ay uga soo horjeedeen hakadka ku yimi howlihi dekada,iyadoo nolol maalmeedkooda ay ka heli jireen dekada oo ay u shaqo tegi jireen.

DEKADA MUQDISHO MIXED

No comments:

Post a Comment