Monday 9 November 2009

KOOXDII UGU WAYNAYD EE KA DAMABYSAY DILKII TALIYAHA Q12AAD OO MARKII UGU HARAYSAY KA HADASHAY

KOOXDII UGU WAYNAYD EE KA DAMABYSAY DILKII TALIYAHA Q12AAD OO MARKII UGU HARAYSAY KA HADASHAY

Kooxda Ugu Weyn Kooxaha Loo Aanaynayo Inay KaDambeeyeen Dilkii Taliyaha Q.12aad Oo Markii Ugu Horaysay Ka HadashayIyo Madaxweynaha Puntland Oo Nairobi Kula Kulmaya

Hogaanka Kooxda ugu weyn kooxahaloo aanaynayo inay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay MagaaladaLaascaanood ee uu ku dhintay Taliyihii Qaybta 12aad ee CiidankaQaranka marxuum Cismaan Maxamed Nuur, ayaa markii ugu horeysay kahadlay dhacdadii toddobaadkii hore ka dhacday Laascaanood, kaas oosheegay inaanay iyagu wax lug ah ku lahayn falkaas.Hogaamiyaha kooxda Somaliland diidka ee fadhigoodu yahay MagaaladaNairobi Saleebaan Ciise Axmed ( Xagla Toosiye ) ayaa warsaxaafadeed uusoo saaray ku sheegay inaanay kooxdiisu wax lug ah ku lahayn falkiiqaraxyada ahaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Laascaanood, islamarkaana ay ka soo horjeedaan Falalka argagixisada, balse hogaankakooxda Nairobi warkiisa kuma uu canbaareyn falkaas qaraxyada ah ee kudhintay Taliyihii Ciidanka qaybta 12aad marxuum Cismaan Maxamed Nuur.Kooxda Somaliland diidka ah ee uu hogaamiyo Saleebaan Xagla Toosiyeayaa badi dadka ku nool Magaalada Laascaanood ay rumaysan yihiin inayka dambaysay qaraxyadii ka dhacay Laascaanood, iyada oo uu Ninsheegtay inuu ka mid yahay kooxdaasi oo Magaciisa la yidhaaCabdirashiid Yusuf Buraale uu isagu qirtay inuu ka danbeeyey falkaasqaraxa ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad. Hogaanka KooxdaSomaliland diidka ah Saleebaan Xagla Toosiye ayaan warsaxaafadeedka uusoo saaray ka hadal Ninkaas sheegtay inuu kooxdiisa ka mid yahay eeisagu qirtay inuu maleegay falkaas foosha xun ee ka dhacay MagaaladaLaascaanood, waxaanay dad badani aaminsan yihiin inay kooxdaasi tahaykooxda ugu weyn ee sida aadka ah looga hadal hayo Gobolka Sool inayiyadu ka danbaysay falalkii qaraxyada ahaa ee lagu dilay Sarkaalkiimadaxda ka ahaa Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka. XukuumaddaSomaliland ayaan ilaa hadda sheegin cidda ka danbaysay falkaasi,waxaanay sheegeen saraakiisha amaanku in weli ay wadaan baadhitaan,kaas oo marka uu dhamaado si rasmi ah loo sheegi doono cidii soomaleegtay ee fulisay falkaas dhagareysan.Falkan ayaa kooxdan waxa qudha ee lagu soo labeeyaa tuhunka ah inay kadanbeeyeen qaraxyadaasi waa kooxda Al shabaab, kuwaas oo dhawaaniyagu ku hanjabay inay weerari doonaan dalalka Geeska Afrika oo ay kujirto Somaliland, iyada oo ay kooxdaasi sanad ka hor weeraro qaraxyoargagixiso oo ay dad badani ku dhinteen ka fulisay Caasimada Hargeysa.Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo kusugan Magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu halkaas kula kulmi doonoKooxdan uu Madaxda ka yahay Saleebaan Xagla Toosiye, kooxdaas oomarkii la sameeyey sheegtay inay ka soo horjeedo Maamulka Puntlandiyo Somaliland, waxaana toddobaadadii u danbeeyey isa soo tarayeyeweeraro iyo falal amaan daro oo hadheeyey Magaalooyinka Maamulkaasi kataliyo, waxaana socdaalka Cabdiraxmaan Faroole ee Nairobi ee uusheegay inuu kula kulmayo kooxdani loo malaynayaa inay daaran tahaytuhuno lagu xidhiidhinayo inay lug ku leeyihiin falalka dhinacaamaanka ee beryahan danbe gilgilay Maamulka Puntland.Dawladda Itoobiya ayaa iyaduna dhawaan war ay soo saartey kutilmaantay in kooxda Al Shabaab ay Masuul ka ahayd qaraxyadii kadhacay Laascaanood ee lagu diley Taliyihii Qaybta 12aas ee CiidankaQaranka.si kastaba ha ahaatee Kooxda Somaliland diidka ah ee fadhigeedu yahayMagaalada Nairobi ayaa iyadu ah kooxda keliya ee iyadu sheegatay inayka danbaysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Laascaanood toddobaadkiihore, waxaanay kooxdani hore ugu hanjabtay xukuumadda Somaliland inaysi dhakhso ah Ciidamadeeda ugala baxdo Gobolka Sool, haddii kale ay lakulmi doonaan weeraro xoog loogaga saari doono Gobolkaasi.

No comments:

Post a Comment