Sunday 1 November 2009

QARAX GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GOBOLKA BARI.

QARAX GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GOBOLKA BARI.

Waxaa goor dhowayd ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Qarax nooca bamka ah kaas oo laga dareemay qaar ka mid ah xaafadaha u ka dhacay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan meel isgoys ah oo xilliyadi habeenki ay isbaaro dhigtaan Ciidamada amaanka ee Bosaaso kuwaas oo baara gaadiidka ku goosheeya magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray laba qofood oo maraayay isla markaana ka aag dhowa goobta u qaraxu ka dhacay,iyadoo dadkaas dhaawaca ahaa loola cararay xarumaha Caafimaadka oo ay ku jirto Cisbitaalka weyn oo iminka lagula tacaalaayo dhaawacooda.

Ciidanka ku sugnayd isgoyska ayaa rasaas furey ka dib marki ay maqleen dhawaaqa qaraxa,waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne boqolaal ah kuwaas oo doonaayay in ay ogaadaan sidii ay wax u dhaceen.

Xilliyada habeenki Ciidamada amaanka ee Magaalada Bosaaso ayaa sameeya howlgalo ay ku sugaayan amaanka,iyadoo ay baaritaano ay ku sameeyaan gaadiidka ku goosheeya wadooyinka waa weyn ee magaalada.

Hore magaalada Bosaaso waxaa ka dhacay qaraxyo aad u xoogan oo ay ku waxyeeloobeen dad aad u tira badan oo shacab ah,waxaana ila iyo iminka aan jirin wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka Gobolka iyo degmada Bosaaso oo ku aadan qaraxa caawa dhacay.

Wixii ka soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.

Baashe maxamed

Boosaaso

No comments:

Post a Comment