Sunday 1 November 2009

IS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

IS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

shotaly yarIS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

Laanka sare iyo laaca aragtaye laaga ma og-tahay baa la yidhiye, naaleeye habacsane weli ma wuxu ku jiraa is dhis iyo wasiiro habayn, iyo dhalanteed aan meela haysan, is qurxin uu kolba wejigii aan naqaanay uu inoo soo rinji-yeeyo siddii halahii koofeerka tegi jiray, ee kolba timaha nooc u soo feedhi jiray, miyaanu ogayn in la is bartay oo laga kaluumay-sanaayo calooshiisa dhexdeeda, oo aanay jirin maanta waxa looga fadhiyaa oo dambe, oo ay soo kordhiso dawlada uu madaxa ka yahay ee naafada ahi, cago ay ku socoto, dhego ay wax ku maqasho iyo indho wax lagu arko midna hore looga waayey, ma wuxu ina lee-yahay aniga oo sidaas ah i doorta, siddii riwaayaddii odaygii cunaaye ee la odhan jiray hadana waykan intu kolba keligii soo baxo, buu isna sheeko la nooc ah wadaa in uu inoogu soo noqnoqdo, wuxuun baan maqli jiray weji adakaa ma bacaa-daaye miyaanu libiqsa-naynba weli ma wuxu aslayaa udbihii hore-ba guri lagu dhiso loo waayey, ma banaanka buu ka taagi dooonaa taloow, muxuu ugu talo galay waa yaabe? waxa la yidhi doqon qososhay qaaraha ku dhaca way u qalantaaye,hadeer buu gafaafkii looga taag waayey waar daa sidaas maahee, iyo murankii u been sheegay ee laga qancin kari-waayey, kii ka qaban lahaana uu jar ka sii tuuray, oo uu lee-yahay al-loow yaa dib iigu celiya wakhtigii ay taladu noolayd iyo beri samaadkii la is dhegaysan jiray, waatan dhabaqday xaajo’e, sidee baad mar kale u soo laba kac laysaa, waase humaag hore-ba loo waayey, in nin mar ka dhacay kursiga siyaasada uu geer dambe u soo gelyo si uu u yimaado maw-qif kale oo uu ka soo karaar qaadan karo, waa habeenkii xalay tegay oo dib u soo noqdy iyo dameer san madoow, haw fadhiyin taas, waa halkii aw koombo’e nin daad qaaday waa ku daayey.

Waxa la yidhi wan weyni ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaane, wax uu durbaan been ah garaaco-ba, laba carab-leeyaba, kolba derbi isku qaado-ba, marmar-siiyo la yimaado’ba, xanjo iyo suuf aan is lahayn uu isku dhejiya-ba, fal maaran waa’ah uu fakalool ku dhigto-ba, maanta-na far baan maydhayaa hay fadhiyo geelu siddii araweelo laga akhristo-ba, xaajadu ku dhacdo safarul-danaakil kuli-yoom baakir-ba, waxa aan jirin la isku qafilo-ba, kolba arinta bog-cadka loo rogo-ba oo ay girgirka ku jiitanto-ba, laba bog layso oo jir-jirka cadka ku xamaaro-taba, guurayso oo gudcur magan gooyo ay dharaar moodo-ba, hadba qar iska xoorto oo labanleg-dooto-ba, burhaan aanay lahayn sheegato-ba imika bay u dhamaatay oo uu isi soo xidhay jid waliba, caleen-tiisii cadaatay, oo uu siddii xaabkii xooluhu cuni jireen uu dhulka daadsan yahay, iniba ay dabayshu dhan u qaaday, isha guluc kolba ka siinayaa inta uu wareejiyo wareega loo yaqaano 360′ digriis, afkii iyo gacantii uu isla waayey, oo uu cidla rafanayaa, xaalku ugu gabal dhacsaday meeshii lagu magacaabi jiray gasiiratul-waaqwaaq, oo wax kale iska daayoo ay ka hayaameen fiid-meertii iska qarin jirtay iftiinka, ee maalin oo dhan iska soo deldeli jirtay dhirta inta ay madaxa laalaadiso, dabeena ay maskaxdu dayaami jirtay, marka ay madoobaato-na iyada oo wareersan waxa kale aan qaban jirin ee dadka hortyiisa gebgeb-layn jirtay, ee kolba siddii wax waalan dhinac kuu jiidhi jirtayn saw sheekh beeshu ( waa naaleeye habacsane’e) imika ma laha sawirkaas fiid-meerta dayaansan, oo shaadh-kiisa lagama bixin ma meel uu cuskadaa baa u hadhay oo uu ka dhul sugaa, saw tii laga waayey kaliiloow-kaadso, miyuu haday hadal lays yidhaahaa! oo dambe saw maaha goor ay kala dhaceen xeedho iyo fandhaal, imisaa la lahaa waar jooji kibirka sidaas kuma taranto’e, waa goorma goorta uu bafbaf lee-yahay ee uu siddii bisada la eryanaayo uu hadaba derbi uu saloola-nayaa, qofka aan garan waxa joogaa,waxa soo socdana ma garto baa la yidhi, waana ta haysata naaleeye habeenkan caawa ah ee taagtay ciirsi-la’da aan gacal joogin bahalo u col ah mooyee, hore baa loo yidhi ninba wuxu qabo baa ku qarxa ee haku qoomamo la’aado.

*N.B. Meel bur sawsa leh, oo biyo u dhaw, baadi doonyoo, biciid-kuba waa’.
abdi-shotaly.
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment