Monday 9 November 2009

jacaylka naag somaliyeed ninoow na yuu waqti kaaga lumin markaad u baahatona iska soo iibso waa, iib ,e qaybtii 2aad

jacaylka naag somaliyeed ninoow na yuu waqti kaaga lumin markaad u baahatona iska soo iibso waa, iib ,e qaybtii 2aad

Qallinmarkii aan ka faraxashay dhibkii in mudo ah aan la, tiicayey ee uu i taartay jacaylkii hore ee rajo la, aanta ku dhamaaaday waxaan bilaabay damac jacayl ilaa ina arag damac iyo dacar midna kama soo dhamaado,e waxaan jeclaaday gabadh cusub oo aad u qurux badan waxaan doonay cidii na xidhiidhin lahayd ilaa jacaylku markiiba isku soo bood maaha ee waa qof meel aad ku aragtay oo ku qaciyey adiga naftaadu raali ka noqotaye waxaan helay gabadh ay isku xaafad yihiin oo is yaqanaan gabadhii aan jeclaaday waxaan qoray waraaqo ka had,la,ya jacaylkayga iyo inaan rabo inaanu kulamo samayno waxaan waraaqahaas ugu dhiibay gabadhii ay isku xaafada ahaayeen markii aan tiroba afar jeer waraaqo u diray ee aan wax jawaab laygu soo celin waan yaabay waxaan u kuuray toloow waraaqahaagu ma gaadheen gabadhii aad jeclayd waxaan sameeyey baadhitaan faro badan oo igu qaatay hal week waxaan soo ogaaday in,aan gabadhii wax waraaq ahi gaadhin oo meesha gabadhii aan miciinka mooday ay xaasid xaasid ila ciyraatay waxaan go,aansaday inaan anigu afkay kala bogto gooray noqotoba nasiib wanaag goor galab ah ayaan meel wado kaga soo hor baxay gabadhii jacaylkeedu sida buna ii hayey waa tuma waa layla markii aan indhaha qac kusiiyey waxaad moodo roob baa iga qaaday waxaan ugu horeysiiyey salaanta muslimka ogoow akhriste hore wax aqoon ah isuma aanu lahayn layla iyo anigu markii aan salaamay kadib waxaan ku idhi walaal iska waran iyo waa nabad ayey iigu jawaabtay walaal wax maku su,aali karaa adiga oo raaliya haa ayey iigu jawaabtay way istaagtay markaas oo xoogaa socodkii way gaabisay waxaan ku idhi walaal waxaan ahay nin magiciisa layidhaado farxaan oo adiga ku jecel markaa sidaan kuu heli karaa inaan kulano hadii aynu kulmi karo in,aan wado sheekaysano ayaan u baahnaaye waxay iigu jawabtay walaal jacaylku waa wax soo jireen qofkuna hadii ku yidhaado waan ku jeclahay ku jantay ayaa loogu jawaabaa eryaadkaas qaaliga ah ee geesinimada leh ee layla iiga soo baxay waxay geliyeen dhiirani xoog leh waxaan ku idhi iniga oo faraxsan walaal sidee u kulmi karaa waxay iigu jawabay waxay ku kulmi karaa guriga heblaayo oo xaasiibadeed ah oo ay ii tilmaantay waxaan ku idhi waayahay macaan naftayda maalintaas waxay u hayd maalin farxadi hadhaysay oo taariikhda faraxadahayga ku suntan waan macasalaameeyey layla si ay hawsheed usii wadato anigu damaashaas jacalka aan gacanta ku dhigay awgiis ayaan suuqa la galay waxaan fadhiistay goob macamacaan le ah oo dhalinyaradu isugu timaado waxaan ii yimi koox dhalinyaro ah waxaan u yeedhay mid ka midh ah shaqaalihii meherada waxaan ku noo keen sharaab cuntooyinka fudud ee la cuno waqtiyada qaar aniga iyo dhalinyaradan ba kaleba waa goor casar liiq ah maan ogayn goor waxaa naloo keenay sharaabkii iyo cunooyinkii yar yaraa laakiin anigu goor aan cabay maan ogayn sharaabkii runtii waxaan ku war helay xitaa dhalinyadii oo qaar meeshii ka keceen anigu waxaan ii sawiran hadalkii layla oo keliya waxaan bixiyey lacagtii meherada goorta aanu kulanay layla waa maalin arbaca ah waxay balanka ii qabatay maalinta jimace gelinkeea danbe maalinmadii khamiista waxaan iyana ku dhamaystay faraxad aan sugu kari laa inta jimaca la gaadhayo oo igu dhaaratay waar ma sanad maalintas khamiistu badanaa waxaala soo gaadhay maalintii jimace waxaan u lebisanahay lama arag iyo lama maqal shimabiraha ayaa idaba guuraya waxaa soo raacay wiil aanu saaxiib nahay maxamed deeq la yidhaado oo gaadhi wata ayaa igu walaahi farxaanoow galabta saaxiib lugu kuu quudhi maayo meeshaad u socoto anigaa ku geynayaa ee ina keen waanu ii soo qaaday waxaa in dhigay iridka gurigii aan rabay waxaana igu yidhi markaad hawshaad dhamaysato ila soo hadal anu is raacnee oo suuqa wada aad ee

LA SOCO QAYBTA DANBE IYO KULANKII LAYLA IYO ANIGA EE GALABTAAS NA DHEX MARAY

FARXAAN JAAMAC XASAN
HELISINK
FINLAND
weli_2010@hotmail.com

No comments:

Post a Comment