Saturday 7 November 2009

ADDUUNKA IYO KOWNKA QAYBTII 13AAD GAALADA IYO SIDA LOOLA DHAQMAAYO

ADUUNKAAsalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa qaaliga ah ee Islaamka u dirayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka iyo Kownka(Qaybtii 13aad)

Gaalada iyo sida loola dhaqmayo

Gaaladu waa dhamaan ciddii aan haysan Diinta Islaamka oo isugu jira dadka loo yaqaan Ehlu kitaabka oo ah Kiristaanka iyo Yuhuudda,waxa kale oo gaalada ka mid ah Mushrikiinta ee sanamada iyo naarta iyo wixii la mid ah caabuda iyo Cawaanka ama Mulxidiinta aan Alleba aaminsanayn,dadkaas oo ay ugu ood sokeeyaan kuwa Ehlu kitaabka ahi(Kiristanka & Yuhuudda), laakiin ilaa intay ka qaadanayaan Islaamka oo Alle iyo Nebiga rumaynayaan,waa gaalo oo dhamaan waa ehlu naar :

إنّ الذين كفروا من أهل الكتاب والمشرلين في نار جهنّم خالدين فيها أولئك هم شرّ البريّة(البيّنة)

Aayadda:kuwa gaaloobay ee isugu jira Ehlu kitaabka(Kiristanka & Yuhuudda) iyo Mushrikiintu waxay gelayaan Naarta Jahannama oo ay ku waarayan,waana kuwa ugu shar badan wax la abuuray oo dhan.

Alle Diinta Islaamka mooyaane diin kale kama raalli aha mana ogola:

…اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم ألإسلام ديناً(المائدة)

Aayadda:Maanta waa la idiin kamilay oo laydiin dhamaystiray Diintiinna, nimcadaydana waan idiin taam yeelay,oo waxan idiinka raalli noqday Islaamku inuu Diin idiin ahaado.

Diin aan Islaamka ahayn oo Alle ka raalli yahay ma jirto oo ciddii Diin kale qaadataa waxay helayaan abaal ah inay Naarta Jahannamo galaan:

(… ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه)

Aayadda:ciddii radsata ama qaadata Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo.

Dadka gaalada ah haddaba sidee ayay Muslimiintu ula dhaqmayaan?!,Islaamku wuu xaddiday oo wax kasta nidaam ayuu u dhigay,markaa dadkaa gaalada ah, waxa qofka Muslinka ula dhaqmayaa si waafaqsan manhajka iyo sharciga Diintu u dhigtay, waxana saaran xil ah inuu ku dadaalo inuu badbaadiyo intuu karo,ee Bini’aadam ah oo falowgeed gabto siduu Ehlu janno dadkani u noqon lahaa oo Naarta uga badbaadi lahaa,markaa waa in mar hadduu Islaam yahay isaga lagu deydaa,ee aanu isagu gaal lunsan ku dayan,waa in qofka Muslinka ah qowlkiisa iyo ficilkiisa uu dhaqan ahaan u samaynayoba laga helaa sifooyinka wanaagsan ee Muslinka,taas oo soo jiidanaysa qof kasta oo Bini’aadan ah,Diinteennu waxay ina faraysaa in aynu ciddii magan gelyo ina weydiisata ee gaalada ah aynu magangelino,si uu u maqlo diinteenna oo u arko dhaqnkeenna wanaagsan:

وإن أحد من المشركين استجارك فأجره حتّى يسمع كلام الله ثمّ أبلغه مأْمنه ذالك بأنّهم قوم لا يعلمون (التوبة)

Aayadda:haddii mid Mushrig ahi ku soo magangalo,sii magangelyo oo magangeli si uu u maqlo kalaamka Alle,ka dib gaadhsii ilaa iyo meesha aaminka u ah,waa Qowm aan waxba ogayne.

Waxa loo baahan yahay in Diinteenna oo ah diin raxmadeed caalamkoo dhanna Alle u soo rogey,waa in ay innaga muuqataa dhaqan iyo qowlba oo dadku innagaga daydaa, waana in aynu mar kasta ahaannaa kuwo ku nool kalsooni iyo talo saarasho Alle oo aynaan cid kale wax ka sugin Eebbeheen mooyee,isagaa ina abuuray irsaaqadeenna iyo waxaynu helaynoba qoray,oo ay gacantiisa ku jirtaa,markaa waa in aynu u noqonnaa Bini’aadamkoo dhan halbeeg ay ku deydaan,oo ku sifownaa diinteennu sifooyinkay ina amrayso ee ina farayso,qofka Muslinka ahi waa inaanu isagu ku deyan gaal lunsan,sidoo kale waa inaanu ka yeelan gacal uu ku tiirsado,oo yaanu jaal ka dhigan:

( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ) المائدة

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarida(Kiristaanka)Awliyo(kuwo aad ku tiirsataan oo jaal ka dhigataan),iyaga ayaa badhba badhka kale jaal u yahaye,qofka ka yeesha jaal uu ku tiirsado,waa ka mid iyaga,Alle ma hadeeyo Qowm daalimiin ah.

Gaalada Ehlu kitaabka ah Yuhuudda iyo Kiristanka waxa lagu kala sifeeyaa:kuwii loo cadhooday(qayru maqduubi calayhi)oo Yuhuudda ah,iyo kuwa lunsan(wala daaliin)oo ah Kiristanka,waayo Yuhuuddu iyagoo xaqii garanaya ayay caniidnimo darteed u diidayaan,halka Kiristanku ay ka lunsan yihiin xaqa oo aanay garanayn.

Gaalada sidaad ula dhaqmaysaa waa xaddidan tahay oo marna lama ogola inaad isu dhiibto oo iyaga talosaarato oo quud-darayso,waa inaad ogaato inaad xaq ku taagan tahay,oo ay waajib tahay inaanad seegin wanaagga diintaada,iskuna daydo in aad soo badbaadiso intaad karto ee insaan adduunka ku nool,qofka Muslinka ahi waa inuu Illaahay ku tiirsadaa,dadka Muslimiinta ahina uga dhowaadaan cid kasta,oo aanu ku doorsan gaalo marnaba:

( لا يَتَّخِذْ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ فَلَيْسَ مِنْ اللَّهِ فِي شَيْءٍ إ… ) آل عمران

Aayadda:Muuminiintu kama yeeshaan gaalada jaal ay ku tiirsadaan,halkii Muuminiinta ay ka yeelan lahaayeen,kii caynkaa sameeyaa,Alle wax uu ugu jilan yahay ma jirto oo Alle agtiisa waxba kama aha.

Qofka Muslinka ah waa ka aan soo dhoweysan gaalada,laakiin Muslimiinta soo dhoweysta,oo gaaladu xataa hadday ehelkooda iyo qaraabadooda yihiin oo gaalo yihiin aan rafiiq ka dhigan iyo jaal ay ku tiirsadaan:

( لا تَجِدُ قَوْماً يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُولَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الأِيمَانَ وَأَيَّدَهُمْ بِرُوحٍ مِنْهُ ) المجادلة

Aayadda:heli maysid Qowm Alle iyo Yowmul qiyaamaha rumeeyey,oo kalgacal iyo jeclaan siinaya mid Alle iyo Rasuulkiisa la colaatamaya,haba ahaadeen Aabayaashood,ama Carruurtooda,ama Walaalohood,ama Qaraabadooda,kuwa caynkaas sameeya,ee gaalada ka dheeraada,Alle ayaa qalbiyadooda iimaan dejiyey,oo ku ayiday oo ku taageeray ruuxdiisa.

Waalidka oo Alle ina faray inaan ixsaan u samayno oo u dhibirsanaanno,oo Alle ku lamaaniyey cibaadadiisa uu Addoomada farayo,oo in qofku waalidkiisa aanu wax dhibaya ku samayn oo maqashiin,oo aanu uf ku odhan,hadalkiisa iyo amarkiisana adeeco,mar keliya ayaa Alle banneeyey in aan la adeecin waalidka,waa hadday yihiin gaalo oo ay ku amraan wax diinta Islaamka khilaafsan,oo tusaale ahaan wax diintu xaaraan ka dhigtay,hadday xalaal ka dhigaan,ama wax xalaal ah xaaraantinimeeyaan, ama sharci kale oo Alle diinta innoogu sheegay ay khilaafaan,sida wax shirkinimo ah oo kale ku amraan waad diidaysaa oo ma adeecaysid:

ووصينا الإنسان بوالدين بوالديه حمّلته أُمّه وهناً على وهن وفصاله في عامين أن أشكر لى ولوالديك إليّ المصير

وإن جاهداك على أن تشرك بي ما ليس لك به علم فلا تطعهما وصاحبهما فى الدّنيا معروفاً…(لقمان)

Aayadda:waxannu Insaanka u dardaarannay waalidkooda Hooyadii qofka waxay ku qaaday(uurka)dhib aad u daran,waxanay naas nuujintu tahay laba sanno,waa in uu ii shukri naqaa aniga iyo waalidiintiisa xaggayga ayaa loo soo noqon doonaa’e,haddii ay isku deyaan inaad iigu shariig yeeshoo wax aanad cilmi u lahayn,ha adeecin,oo wanaag kula dhaqan waalidka Adduunka intaad wada joogtaan.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa inuu ilaashado iimaankiisa oo aanu u dayicin gaal uu is leeyahay wax buu kuu tarayaa,waa inuu Alle keliya wax ka sugaa,oo uu ka maarmo ciddii kale ee aan Alle ahayn,oo aanu adeecin gaalada oo raacin baadidooda:

ولا تطع الكافرين والمنافقين ودع أذاهم وتوكّل على الله وكفى بالله وكيلا(ألأحزاب)

Aayadda:ha adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta oo iska dhaaf dhibtooda waxad talosaarataa Alle,isaagaa talosaarasho kuugu filane.

Gaalada uma bannaana loomana ogola in ay gabadh Muslin ah guursadaan:

يا أيّها الّذين ءامنوا إذا جاءكم المؤمنات مهاجرات فامتحنوهنّ الله أعلم بإيمانهنّ فإن علمتموهنّ مؤمنات فلا ترجعوهنّ إلى الكفّار لا هنّ حلّ لهم ولا هم يحلّون لهنّ…(الممتحنة)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii ay idiin yimaadaan dumar Muuminiin ah oo soo hijrooday,imtixaana Alle ayaa og iimaankooda’e,haddaad hubisaan oo aad ogaataan in ay dumar muuminiin ah yihiin,ha ku celinina gaalada,uma aha xalaal in ay gaaladu guursato,iyagana gaaladu xalaal uma aha.

Mushrikiinta lama guursan karo iyaguna ma guursan karaan Muslimiinta:

ولا تنكحوا المشركات حتّى يؤمنّوا ولأمّة مؤمنة خير من مشركة ولو أعجبتكم ولا تنكحوا المشركين حتّى يؤمنوا ولعبد مؤمن خير من مشرك ولو أعجبكم أُولئك يدعون إلى النّار والله يدعوا إلى الجنّة والمغفرة بإذنه ويبين ءاياته للنّاس لعلهم يتذكّرون(البقرة)

Aayadda:ha gursannina dumarka Mushrikiinta ah,ilaa ay ka muslimayaan,waxa Mushrikadda ka khayr badan Addoomad Muslin ah,xataa hadday idin cajebiso, oo ha guursannina(dumarka muslinka ahow)ragga Mushrikiinta ah, ilaa ay ka muslimayaan, waxa ka khayr badan Addoon Muslin ah,xataa hadday idin cajebiyaan,kuwaasi waxay idiinku yeedhayaan Naarta,Allena wuxu idiinku yeedhayaa Jannada iyo Maqfirada ama denbi dhaafka, idamka Alle,waxana Alle u caddeeyey dadka Aayadihiisa waxa la arkaa inay ku waana qaataane.

Qofka Muslinka ahi waa inuu ku kalsoonaadaa waxa Alle nasiibka u siiyey,oo uu u dadaalaa inuu liibaanta Ifka iyo Aakhiro helo taas oo ah in Alle ka raalli noqdo,waa in uu ka maarmo cid kale oo aanu waxba ka sugin,waayo Alle ayaa qoray wuxuu la kulmayo oo helayo,intuu noolaanayo,meeshuu ku dhimanayo,iyo wax kasta,markaa waa in aanu qofna Gaalada dhaldhalaalkooda iyo waxa Adduunka Illaahay ku siiyey is raacin oo u hanqal taagin,waa wax Gaalada lagu luminayo oo ay isa siiyeene:

فلا تعجبك أموالهم ولا أولادهم إنّما يريد الله ليعذبهم بها في الحياة الدّنيا وتزهق أنفسهم وهم كافرون (التوبة)

Aayadda:ha la yaabin oo yaanay ku cajeb gelin Maalka iyo Carruurtoodu Alle wuxu doonayaa inuu ku cadaabo dunida oo ay naftoodu ku taraarto oo ku fogaato iyagoo gaalo ah.

Mushrikiintu waa kuwa Alle cid aan ahayn caabuda sida Sanamada,Dabka…..iwm

Waxa Diinta Islaamku u aragtaa inay yihiin nijaas,maadaama aanay garanayn wixii loo abuuray oo ah inay Illaahay keliya caabudaan,waa inaad u aragto sida Diintu u aragto:

يا أيها الذين ءامنوا إنّما المشركون نجس فلا يقربوا المسجد الحرام بعد عامهم هذا وإن خفتم عيلة فسوف يغنيكم الله من فضله إن شاء إنّ الله عليم حكيم(التوبة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebi rumeeyow Mushrikiintu waa nijaase yay u dhowaanin Masjidul xaraamka wixii sannadkan(Fatxul makka) ka dambeeya,oo haddaad gaajo ka cabsataan Alle ayaa idinkuAdduunka iyo Kownka(Qaybtii 13aad)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebi rumeeyow Mushrikiintu waa nijaase yay u dhowaanin Masjidul xaraamka wixii sannadkan(Fatxul makka) ka dambeeya,oo haddaad gaajo ka cabsataan Alle ayaa idinku irsaaqaya fadligiisa,insha Allah, Alle waa cilmi badane ah xakiim.

Qofka Muslinka ahi maadaama uu Alle ku tiirsan yahay oo talosaartay,waa inaanuu dan ka gelin cid kale oo ogaado inanay waxba ku samayn karin mar haddii Alle la jiro

يا أيّها الّذين ءامنوا عليكم أنفسكم لا يضرّكم من ضلّ إذ أهتديتم إلى الله مرجعكم جميعا فينبئكم بما كنتم تعملون(المائدة)

Aayadda: kuwa Alle iyo Nebi rumeeyow ka adkaada naftiinna,idinma dhibi karo oo wax idinma yeeli karo,mid baadiyoobey haddaad adinku hadawdaan oo hanuuntaan,

Waxa dhamaantiin u noqonaysaan xagga Alle oo idiinka warrami doona waxad ahaydeen kuwo samaynaya.

Alle subxaana watacaalaa wuxu Gaalada iyo Munaafiqiinta ugu ballan qaaday inuu gelin doono naarta Jahannama ee kulul:

وعد الله المنافقين والمنافقات والكفّار نار جهنّم(التوبة)

Aayadda:Alle wuxu ugu ballan qaaday Munaafiqiinta rag iyo dumarba iyo Gaalada naarta jahannama.

Gaalada waxa loo qaybiyaa Afar qaybood:

1-Kaafir dimmi ah:waa gaalka deggan dhul muslimiintu leedahay,oo bixiya Jisyo,waxana loola dhaqmayaa sida Muslimiinta loola dhaqmo oo kale oo dimmadaada ayuu saran yahay oo adigaa ka masuul ah..

2-Kaafir mucaahid ah(heshiis):waa marka heshiis dhex maro dawladda Islaamka ah iyo Dawladdaa gaalada ah oo metelan muddo go’an aan la dagaalamayn,ama heshiis nabad furan lagu jirayo,tusaale Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu mar la galay Qurayshta heshiis Toban sanno in aan dagaal dhicin wuuna fuley.

3-Kaafir musta’min ah(magangelyo ama Amaangelin):waa gaal ka mid ah gaalada muslimiinta dagaalka kula jirta laakiin magangelyo ku yimi ama qof ha magangeliyo ama Dawladdu ha magangelisee,sida Aayaddani ina farayso:

وإن أحد من المشركين استجارك فأجره حتّى يسمع كلام الله ثمّ أبلغه مأْمنه ذالك بأنّهم قوم لا يعلمون (التوبة)

Aayadda:haddii mid Mushrig ahi ku soo magangalo,sii magangelyo oo magangeli si uu u maqlo kalaamka Alle,ka dib gaadhsii ilaa iyo meesha aaminka u ah,waa Qowm aan waxba ogayne.

Saddexdaa qaybood lama layn karo,dhib kalena looma geysan karo inta ay xaaladdaa ku sugan yihiin:

قال صلى الله عليه وسلم: “من قتل معاهداً لم يرح رائحة الجنة وإن ريحها ليوجد من مسيرة أربعين عاماً” أخرجه البخاري

Xadiiska:Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam wuxu yidhi qofka dila gaal mucaahid ah,ma urinayo Jannada urteeda,iyadoo Jannada urteeda laga dareemayo meel afartan sanno loo socon karo.

Aayad iyana arrinkaa oo dilku u dhacay si kama’ ah sheegaysaa waxay odhanaysaa:

قال تعالى: ” وإن كان من قوم بينكم وبينهم ميثاق فدية مسلمة إلى أهله وتحرير رقبة مؤمنة”(النساء)

Aayadda:hadduu qofka la dilay ka mid yahay Qowm uu heshiis idinka dhexeeyo,waa inuu qofkii wax dilay siiyo Diyo ehelkii qofka,oo uu qof Addoon ah oo muslin ahna xoreeyo.

4-Kaafir xarbi:waa gaalka aan Saddexdii aynu soo sheegnay midna ahayn,noocan qofka muslinka ihi wuu dilayaa hadduu dhulka muslimiinta ka helo wax loo raacayaana ma jirto oo waa gaal Muslimiinta dagaal kula jira.

قاتل الّذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الآخر ولا يحرّمون ما حرّم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الّذين أُتوا الكتاب حتّى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون(التوبة)

Aayadda:la dagaallama kuwa aan Alle iyo Yowmul qiyaamaha rumayn,oo aan xaaraamayn waxa Alle iyo Rasuulkiisu xaaraan ka dhigeen,oo aan Diinta xaqa ah ka yeelan diin,ee ka mid ah Ehlulkitaabka ilaa ay Jisyada bixiyaan iyagoo xaqiran oo hooseeya.

Gaalka aan Muslimiinta la dagaalamin oo aan wax necayb ah u qabin,adoo aan marna ka baxayn xuduudda Islaamku kuu dhigay,waad u samayn kartaa ixsaan iyo wanaag:
لا ينهاكم الله عن الذين لا يقاتلوكم في الدّين ولم يخرجوكم من دياركم أن تبرّوهم وتقسطوا إليهم إنّ الله يحب المقسطين (الممتحنّة)

Aayadda:Alle idiinma diidayo in gaalada aan diinta idinkula dagaalamin,ee aan guryihiinna idinka saarin in aad u dhibirsanaataan oo caddaalad u samaysaan,Alle waa jecel yahay kuwa caddaaladda sameeya.

Qof kastoo Muslin ahi waa inuu ogaadaa inuu xaq ku taagan yahay oo lahaadaa oo ay ka muuqdaan sifaha wanaagsan ee Islaamku,oo Salaadda oo ah sheyga ugu horreeya ee ina kala sooca innaga iyo gaalada ku dadaalo,oo naxariista iyo dhaqanka wanagsan qabatimo,oo la jeclaado gaalada inay soo Islaamaan oo naarta iyo cadaabka ka badbaadaan,taas oo ay wanaagsan tahay inuu ugu soo bandhigo si fiican oo habaysan, oo uu ka sii fekero,dhaqankiisa wanaagsanina noqdo mid dadka jecleeya Islaamka oo ay doonaan inay iyaguna sidaa wanaagsan u dhaqmaan,ha lagugu daydo ee adigu wax ha ku dayanin.

Gaalo talo ha weydiin

Garaadkooda foorora

Garan waaye Allohood

Garabsade Ibliisoo

Gacansaar la yeeshoo

Geyaysii halaag iyo

Go’doon iyo wareeriyo

Gef aan laga dhamaanayn

Guunyadiyo xoolaha

Garmaamada ismoodka ah

Go’aan baa ka yaalloo

Guullihii abuuray

Gaalnimo ka doorteen

Guga soo socday garan

Geeri iskama baajaan

Godka waa la wada gelin

Garta iyo xisaabtuna

Goorteeda way iman

Gurigoodu waa naar

Gungumiyo abeesiyo

Guhaadooda cabashada

Gargaar li’da imanay

Gaax weeye dhigashoo

Geedkay iyagu beereen

Gurta midhaha lagu yidhi

Gala idinkaa doortee

Goor iyo Alleyl baa

Garo lagu lahaayoo

Gees aad ka dhaaftoo

Gowsaha dhigaysoo

Garta qaadan weydee

Gaashaankaagii meeyoo

Geesinimadii keenoo

Geerida bal celiyoo

Guji halkaad bidaysoba

Garaac albaabkaad doontana

Gargaar Ibliis ma helaysaa

Garba dheer ma fuulay

Gabbashada ma kaashanay

Godad maysku qarinay

Galgalo ama garmaamee

Gilgilo kaama goysee

Gantaashiyo fallaadhaha

Gubashada dab naareed

Gacmahaagaa keenee

Garaadkaagaa doortee

Guulle mayska celinay

Geeshkaa hallawsani

Guuxiisa beenta ah

Geddiskiyo dhaqaalaha

Guluubkooda xorriyadda

Gorfaynteeda ilbaxnimo

Gefku uu ka buuxana

Garo oo ha moogaan

Gudintu yay ku goynine

Guullaa ilaaliyo

Garabkaaga joogoo

Gacan kuu fidinayee

Gaalo talo ha weydiin

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w irsaaqaya fadligiisa,insha Allah, Alle waa cilmi badane ah xakiim.

As/w/w

No comments:

Post a Comment