Friday 6 November 2009

WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA SOMALILAND SHEEGAY IN SUCUUDIGU XAYIRADII KA QAADAY XOOLAHA SOMALIA Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Idiris

WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA SOMALILAND SHEEGAY IN SUCUUDIGU XAYIRADII KA QAADAY XOOLAHA SOMALIA

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahim Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolada Somaliland taas oo uu sheegay in ay tahay war ina farxad galinaaya.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka shegay mar uu caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiia waxaanu tilmaamay in Sucuudigu uu si rasmi ah saaka xayiraadii uga qaaday dhoofkii xoolaha,

“Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa war farxad leh oo la xidhiidha in dawlada Sucuudigu ay xayiraaddii ka qaaday dhoofka xoolaha Soomaaliyeed laga bilaabo caawa oo bisha November ay tahay 5, markabka ka baxa dekada Berbera wuxuu toos ugu xidhanayaa Jidda. Waa dedaalkii dawladeenu ay ku jirtay ee dagaalka badani ka qabsaday, ee codowgeenu isku dayay inaanu Maxjarkeena Berbera oo ah ka maanta furay xoolaha laga hortago.waxa mahad leh dadweynaha Somaliland ee gacanta ka geystay. Waxaan mahada ugu weyn u celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo go’aan adag ka gaadhay dhismaha maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Berbera.”

Wasiirku isaga oo war galinaaya dadwaynaha adkaynayana furigaanka xoolaha iyo in ay ka dhoofi doonaan si toos ah Berbera waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha u sheegayaa in Dawlada Sucuudigu ay faraha ka qaaday xoolahii Somaalia si ay toos ugu yimaadaan suuqyada Sucuudiga, dekada ugu weyn ee uguna muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera”

“Waxaan dadweynaha u sheegayaa in Dawlada Sucuudigu ay faraha ka qaaday xoolahii Soomaalida si ay toos ugu yimaadaan suuqyada Sucuudiga, dekada ugu weyn ee uguna muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera. Maantaba shirkadihii waaweynaa ee dhoofka xoolaha gaar ahaan shirkada AL-Jaabiri waxay amar ku bixisay in 100 neef ay ka qaadaan dekada Berbera waxaana markabkii u horreeyay uu dekada ka bixi doonaa muddo toban cisho ah gudahood”.

Wasiirka Xanaanada Xooluhu wuxuu Ganacsatada Somaliland ka dalbaday inay xoolaha ay dhoofinayaan mariyaan Maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Berbera, waxaanu tilmaamay in shan dal oo kale oo ku yaala Khaliijku ay ictiraafeen.
“Ganacsatada Somaliland waxaan ku boorinaynaa inay gacan ka geystaan caafimaadinta xoolaha oo ay max-jarka isticmaalaan si aanay mar dambe caqabad kale oo xoolaha ah aynaan ula kulmin,waxaan aad u adkayn doonaa habka caafimaadinta xoolaha”

“Waxaan Ganacsiga leeyahay lama kalo xigo xiligan dhoofka xoolaha kii Jaabiri iyo Ganacsigii hebel iyo waxaasi ma jiraan. cid allaale iyo cidii reer Somaliland ah ee xoolo u dhoofinaysa Sucuudiga waa u fasax,”Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudne Idiris.

Warkan bushaalada leh ee uu caawa ka dhawaajiyey wasiirku ayaa dadweyne iyo ganacsato badan ididiilo galiyey ku sheegay in arinta uu caawa inoo sheegay in aynu in badan quudaraynaynay.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa.

No comments:

Post a Comment