Monday 2 November 2009

QAYLO DHAAN WADADA CEERIGAABO ILAA MAYDH

QAYLO DHAAN WADADA CEERIGAABO ILAA MAYDH

wado burbursanMaydh Development Organization(MDO)

Hargeysa Office

Tar:2.11.09

Warsaxafadeed

Ururka horuu marinta Degmada Maydh(MDO) wuxuu halkan ku soo gudbinayaa codsi qaylo dhaan la xidhiidha wax ka qabasho deg-deg ah taas oo ku saabsan Wadada Buurta Tabca ee isku xidha Degmooyinka C/gaabo ilaa Maydh &Guud ahaan xeebaha Gobolka sanaag taas oo ay soo gaadhay dhibaato aad u weyn ka dib markii roobab aad u xoogani halkaa ka de’een isla markaana khasaare soo gaadhsiiyeen wadada.

Jidka tabca oo la dhisay xili haatan laga joogo qiyaastii lixdameeyo sano wuxuu halis ugu jiraa inuu guud ahaan meesha ka baxo hadii aan si dhaqso ah looga hawl gelin sidii wax looga qaban lahaa taas oo u baahan gurmad deg-deg ah.

Urururka horuu marinta Degmada Maydh wuxuu halkan codsi deg deg ah uga jeedinayaa Dawlada Somaliland,Hay’adaha Gar-gaarka iyo Guud ahaan cidii kale ee taakulo ka geysanaysa sidii wax looga qaban lahaa wadada tabca oo ah mid ay ku tiirsan tahay nolosha kumanaan qoys oo iyagu aan awoodi karin xiligan inay hawshaa wax ka qabtaan.
Ururku wuxuu halkan ku xusayaa dedaalka wanaagsan ee ay sameeyeen odayaasha degaanka kuwaas oo xiligan ku hawlan shaqo ay ku baajinayaan in jidka gebi ahaanba xidhmo.

Waxa kale oo Ururku xoojinayaa baaqii ka soo baxay 30.09.09 xafiiska gudoomiyaha degmada maydh Sh Siciid Sh Yuusuf kaas oo uu kaga dalbaday xukuumada hay’adaha iyo qurba jooga reer sanaag inay u soo gurmadaan wax ka qabashada arintan.

Alaa Mahad leh

Xuseen Ducaale Caraale

Agaasimaha Fulinta ee Ururka MDO

MDO Hargeisa Office :Tel:512260-4402954 Email:mdosomaliland@yahoo.com

No comments:

Post a Comment