Sunday 1 November 2009

WARARKII U DANBEEYEY EE QARAXII LAASCAANOOD OO LA XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYIHII QAYBTA 12 AAD AHN CISMAAN YUSUF NUUR

WARARKII U DANBEEYEY EE QARAXII LAASCAANOOD OO LA XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYIHII QAYBTA 12 AAD AHN CISMAAN YUSUF NUUR

breaknnews_2

Published on: Nov 1, 2009 9:27

Qaraxayadii Saaka ka dhacay magaalada Laascaanood dhinaceeda bari ayaa ilaa hadda waxa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Taliyaha Qaybta 12 aad ee Aaga Bari ee ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu magcaabi jiray Alle ha u naxriiste Cismaan Yuusuf Nuur waxaana ku dhaawcmay darawalkiisii iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah .

Dhinaca kale waxaa wali ku sugan halkii qaraxu ka dhacay ciidamo fara badan iyadoo baadhis lagu hayo cidii ka danbaysay qarax oo aan wali lahayn.

Geesta kale waxaa isbitaalka laascaanood la geeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay Qarxan.

Qaraxyadan ayaa ah mid loo adeegsaday nooca Remote control ka la yidhaa ee meelaha fog laga hago, cid sheegatayna wali lama hayo sidoo kale xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaan iyadu ka hadal qarxayadan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxan kala soco Togaherer.

No comments:

Post a Comment