Saturday 7 November 2009

Burco: Kulan ay isugu yimaadeen Masuuliyinta Gobolka iyo Oday dhaqameedka Gobolka oo ka dhacay xafiiska maamulka Gobolka.

Burco: Kulan ay isugu yimaadeen Masuuliyinta Gobolka iyo Oday dhaqameedka Gobolka oo ka dhacay xafiiska maamulka Gobolka.

burcoBurco: Kulan ay isugu yimaadeen Masuuliyinta Gobolka iyo Oday dhaqameedka Gobolka oo ka dhacay xafiiska maamulka Gobolka.

Burco :Kulan ay isugu yimaadeen masulliyinta Gobolka heer degmo illaa heer Gobol, Cuqaasha iyo odayaasha Gobolka iyo qaar ka mid ah shacabka Burco ayaa ka dhacay Barxadda hore ee xafiiska maamulka Gobolka, Kulankan oo lagaga wada hadlayay amniga Guuud ee Gobolka iyo kan Degmada, Ugu horaynba waxa kulankan lagu furay aayado quraana intaas kadibna waxa kulankan ka hadlay Kusimaha Maayarka magaalada Burco Axmed Cabdi Falaay, waxa uu sheegay maayar kuxigeenku in amniga wax lala simaa aanay jirin, waxa uu ku booriyey odayaasha iyo dadka kulankan ka soo qaybgalay in bilayska lala shaqeeyo, isagoo sheegay in ka xabaddu ku dhacaysaa uu yahay askariga, ka dhaxantu ku dhacaysaa uu askariga yahay, waxaasoo silica waxay u marayaanna ay tahay in ay idinka sugaan amnigiina, gaadh na idinka hayaan, waxa uu aad ugu dheeraaday maayar ku xigeenku in shacabka iyo Bilaysku wada shaqeeyaan.

waxa isna kulanka ka hadlay Badhasab Xigeenka Gobolka Guled Dahir Samatar, waxa uu sheegay Guuleed in dadka ay ku dhex jirto shux shux hoose oo ah in ay kala safan yihiin maamulka Gobolku, wuxu yidhi badhasabku xigeenku isago arriahaas ka hadlaya “annagu ma kala safnin , sidaanu u kala sarrayno ayaanu isu maamulnaa isu qadarinaa isu ixtiraamnaa, ma nihin qof jeclaysi iyo qolo jeclaysi toona, haddii aad hore waxaas dadka ku dhex jira u maqasheen imminkaba maqla hadalkan aan idin leenahay haddii aydaan hore u maqalna sidaas ayaan idin leenahay” wuxuu sheegay Badhasab ku xigeenku in dawladdu dadkeeda jeceshahay.

Sidookale waxa isna kulanka ka hadlay Taliyaha Ciidanka Aagga BARI COL: C/raxman, wuxuu sheegay Kornaylku in aanu ciidanku shaqayn karin sababo jira awgood, isagoo arrimahas ka hadlayana wuxu yidhi “annagu cidna ma qaban karno, kii tuuga ahaa ma qaban karno oo waa reer hebel, kii khamriga cabbay ee dadka laynayay ma qaban karno oo wa rer hebel, dadkuba waa wada reer hebel, markaa reer Burcooy ma sidaasa doonaysaa in la idinkula shaqeeyo mise sharciga iyo dawladnimada ayaa qaadanaysaan?? imminka anigu Dhinacaana ma ihi , dhinacaa kalena ma ihi illeen waan ognoo Burco waa Bari iyo Galbeede, si dhex ahbaan ugu shaqaynaynaa, haddii aad daniitna garn waydaana, meel cidlo ah ayaad ku shici doontaan ee dantiina garta oo cidanka la shaqeeya oo nala shaqeeya si ammaanka la inagu ammaana u sii fido, annaga berri waa la na bedeli karaa ma nihin dad xil jeclaysi hayyo lakin haddaad cid walba sidan kula shaqaysaan la idinkula shaqayn karimaayo ee dawladnimada garta oo ka baxa qabyaladda”

Ugu danbayntii waxa madasha soo xidhay BADHASABKA Gobolka Jamac C/laahi Biin, waxa ugu horayn u sheegay in odayaasha ay ugu yeedheen arrimo ammaan, amniga wax loogala qabto oo dawladda, sidoo kale wuxu sheegay in dawladda iyo shacabka haddii xidhiidh wanagsani dhex maro ay wax walba hagaagyaan, wuxuu sheegay Badhasaabku in Bariga somaliland ay ka dhaceen falal argagaxiso oo lagu dilay laascaanod taliyihi guutada 12aad COL cisman, wuxuu shegay in Burco ay joogaan dad la tuhunsanyahay, isagoo odayaasha si gaar ah ugu sheegay in arriintaas ay wax ka qabtaan dawladdana u soo gacan geliyaan nimankaas oo ay ogyihiin dadkoodu isago arrinta ka hadlaya wuxu yidhi badhasabku “Dadka eedaysanayaasha ah oo weliba laba ah, waxa jooga adeeradood, walaaladood, aabayaashood iyo ilmaadeeradood oo imminkadaa qaar inala fadhiyaan, waxaan leeyahay dadkaas dawladda u soo gacan geliya, dawladdu bahal maaha oo dadkeeda ma cuntee, iyaga laftoodana(Eedaysanayasha) waxan leeyahay maalin walba waxa idinku dhinta ilmadeeradiin iyo adeeradiin, maxaa idiin diiday inta maalin walba itaasoo ku dhimanayso difaciina kuna dhaawacmayso inaad idinku dawladda hor timadan ileen waxan la idinku lahayn cidi idinku qaadi maysee, annaga ka dawlad ahaan dadkaas eedaysanayaasha ah waanu daba joognaa kamana hadhayno idinkana idin ogasiinay illaa berri ayaan idinka war sugaynaa ka oday ahaan, waxaananu jecelnahay in dadkaas wax ha la waydiiye aad dawladda hor keentan gacantana ka soo sartaan”
Khudbadda Badhasaabka oo kulayl iyo dheeraanba isku darsatay ayaa daaha ka rogtay in ay ka soo dhammaatay dulqaadkii dhinaca dawladda, ayna gacan bir ah ku qaban doonaan cidday ka shakiyaan.

Ugu danbayntii waxa lagu kala dareeray kulankii iyadoo aanay wax kelmad ah amaba talo ah ka soo jeedin odayaashii la isugu yeedhay, iyadoo odayaashana ay u yeedhay dawladdu, waxana markii u danbaysay maamulka Gobolku la soo hadheen Tiro yar uu cuqaal ah o iyagana ay fikrado is dhaafsdadeen xafiiska badhasabka dhexdiisa.

Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment