Wednesday 4 November 2009

HUMAAGA CADAWGA S/L HABACSANAANTA SHABAKA HURUMAR LAANTA XUKUUMADA.

HUMAAGA CADAWGA S/L HABACSANAANTA SHABAKA HURUMAR LAANTA XUKUUMADA.

Humaaga Cadowga Somaliland Habacsanaanta shacka Hurumar La,aanta xukuumada Somaliland .

Waxa dhidaba lootagay mudo laga jooga 28 sanadood oo ku beeg nayd 06/04/1981 ururkii Somali National Movement ( Dhaq dhaqaaqa wadaniga soomaliyeed),marka lasoo gaabiyo looyaqaano (SNM) una xilsaarnaa xorayntii Jamuuuriya Dumacraadiga Somaliland farahana ay isula tageen xukuumadii dhiigyacabka hayd kaligii taliye Maxamed Siyaad Bare keentayna khasaare naf iyo maalbaleh hayaan kaa dheer kadib lahelay Jamuuriyadii Dumukraadiga Somaliland laguna dhawaaqay 18 /05/1991 inay tahay dalkamadax banan waxii la isku odhan jiray Somalia.

Waxa halkaa lagu dhisay dawladii ugu horaysay SNM hogaaminaysay madaxweyne ka ahaa ilahay janadii farduusa haka waraabiyee Abdiraxmaan Axmed Ali loona xilsaaray in ay dalka ka dhisaan dowlad hana qaada nasiib daro may dhicin wayna ka gaabiyeen taas.

05/05/1993 ayaa loodoortay hadana ilahay janadii farduusa haka waraabiyee Maxamed xaaji ibraahim Cigaal Jamuuriyada Dumukraadiga Somaliland waxa uu isku soo dubariday haykal dowladeed ku dhisan cudud malatiri iyo mid siyaasadeed iyo dhaqan galinta dastuuraka jamuuriyada Dumukraadiga Somaliland kana midhadhaliyey riyadii ay qabeen shacabka Somaliland in lagaadho (Dastuur ku dhaqan)

Xili ku beegnayd bishii Abril 25keedii , 2002dii maalin khamiis ah ayaa waxaa si kadis ah dalka Somaliland looga duuliyey Madaxweynihi xiligaa Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal, maalmo dabadeed –bishii May 3deedii 2002, dhiilo ayaa ka soo yeedhay wadanka Koonfurta Africa inoo sheegtay in tii Illaahay haleeshay madaxweynaha .Waxaa wax lagu faano ah in aanu qalalaase iyo isdhexyaac ka dhicin dalka ee markiiba ummada Somaliland u jeesatay ku dhaqanka iyo hirgelinta Dastuurka ay dhigteen oo u ogolaanayey in xilka lagu wareejiyo madaxweyne ku xigeenkii xiligaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin ,isagana loo igmadey inuu raaco dastuurka dalka oo marka mudada hadhsaneyd dhamaato uu si gacmo furan leh ku hawlgaliyo doorasho madaxweyne oo dalka ka dhacda

19 sanadood ayaa laga jooga Gooni isu taaga Jamuuiyda Dumukraadiga Somaliland waxa aad moodaa in ay iminka u socoto xaga meel madowku sugan yahay Dowlada madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin may soo bandhigin siyaasad cad oo ka turmumaysa waxa shacabka Jamuuriyada Dumukraadiga Somaliland ay rabaan tusaysana international community waxa aynu uga baaha nahay iyo waxa aynan uga baahnayn hadii aynu eegno dowlada aynu ku wada jiro wadamada aynu Diinta wadaagno eeCarabta ama kuwa aan qaarada wadaagno ee Afica ama Asain ama Europ ama Ameerika ama Austareeliya midna uma cada waxa aynu uga baahanahay marka laga reebo dalmadax banana

Taasi waxa ay keentay in soo maluugo wax loogu yeedhay dowlad ku meel gaadha oo ay leedahay waxii la isku Odhan jiratay Somaliya oo la inagu daray hadii laga tagiwaayo in la inoogu yeedho gobalada nabada ka jirto sida Somaliland iyo Putland Dowlada uu ka yahay madaxweynaha Daahir Reyaale kaahin way arkaysaa suurada maluuga wanjalaada jamuuriyada Somaliland umana ay qeexin caalamka waxa aynu kala nahay inaga iyo Somaliya hadii ay joojin wayaan waxa ay wadana may cadayn talabada ay qaadayaan

Waxa hada muuqada humaag lasoo abaabulayo ha ugu horeeyaan dad gashan shaadhka Somalia sida Idaacada BBC ama VOA kuna arkaysid ragii Somaliland danbiga ka galay oo lagu shiranayo walina hadal haya wax loogu yeedhay Somaliweyn baan raadinaynaa iyo kuwo ka soo jeeda Somaliland oo cadowga soo racay.

Muda laga joogo dhowr Bilood ayuu kahadlay Madaxweynaha tag daran ee Sheekh Shariif mar lagu waraysanayey TV laga leeyahay wadanka Emarites (E A U)waxanu sheegay in Somaliland ka midtahay wadanka Somalia isla weegan gudihiisa ayaa ninka Xanuunsanaya ee kah Raysalwasaraha Kooxda idaalka daran ee hogaamiyo Shiikh Shariif mar uu ka hadlayey Iadacada BBC in Somaliland ka mid tahay Somalia ,waxa isna ka hadlay cornaylka Hogaamiya ciidamada Amisom oo sheegay in ay tagayaan Somaliland madama ay ka mid tahay dhulka loo soo diray

Markii ciidamada Reer yurub Neto iyo Shiinaha iyo kuwa Maraynkanka loo soo dirayey Bada Somalia iyo Smaliland iyo kuwa Dhulka ee AMISOM Dowlada Somaliland ee u Hogaamiyo madaxweyne Riyaale marnaba kama ayna hadlin shacabka Somaliland uma soo ban dhigin haba yaratee.wax dareena ku waajahan howsha ay wadaan iyo waxa ay Somaliland ka damacsanyihiin siyaasada dhow iyo tafogba

Akhristow Xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa ilahay janadii farduusa haka waraabiyee Maxamed xaaji ibraahim Cigaal Somaliland 1994 waxa UN tu u soo dirtay dalka Somalia ciidamadii nabad ilaalinta ee la,odhan jiray UNICEF hogaaminayeyna wadanka Maraykankuhalkii uu iska tagay iyo qayla dhaantii uu ka dhigay waxa ay ruxday ilaa guriga loodhan yahay ee UN waxana u soo ban dhigay sicad oo aan humaag lahayn shacabka Somaliland iyo waxa laga yeelayo hasa yeshee ciidankaasi faraha ayey kaga gubteen Koonfurta Somalia wayna ka baxeen iyadoo ay meel taalo taladii xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed xaaji ibraahim Cigaal ilahay ha u naxariistee shacabkuna la ogaa

Hadaba waxa idwaydiin leh maxay ku kalaga duwan tahay Dowladan manta jirta tii uu Hogaanka u hayey Maxamed xaaji ibraahim Cigaal?? Jawaabta adaan ku dhafayaa Akhristaha ah

Hadaba waxa iswydiin leh meyey siyaasadii xukuumada uu madax waynaha ka yahay daahir Riyaale Kaahin shacabka Jamuuriyada Dumukraadiga Somaliland Doorteen??????

Miyey la og tahay waxan hareeraheena ka dhacaaya ee inagu xeeran mise wa ka siyaasad xumo mise waa u dhagoolee inta daadku qaadayo shacabka aan waxba ogayn aan ahayn dowlad baa inii maqan.ma hungowda daacadi ninkii geed ku maranow

Waxa aan u soo jeedinayaa dhamaan shacabka Somaliland meel kastoo ay joogaan inay xil iska saaraan sugida nabda iyo ta amaanka iyo tadhaqaale iyo ta ogaansha dadka wada amaan xumida dalkeena in meel looga soo wada jeesto waxii wada amaanxumo lala socodsiiyo haayadaha sirdoonka Jamuuriyada Somalinad

Dowlada waxa aan u sheegaynaa inaan ka rabno faahfaahin buuxda waxa ka socda geeska Africa in ay shacabka la socod siyaan hadii ay tahay Bada iyo Barigaba doorashadana xiligeedii qabtaan maalina ayna dhaafin.

Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye

Maansada dab baa laga helaa duraha jiilaale

Dareenkiyo waxaa lagu shidaa daacaddoo qudha e;

Niman baa dubaalado macmaca olol dugsoonayne

Mar haddaanay daynabo lahayn diirsimaad ma lehe.

Baqal waa dameer waana faras daawashada guude

Isagoo dirkaba shaabahuu dooca gaar yahaye;

Geenyada nin doonaaba koray looma awr-dayine

Hayaanku ma meel fog baa Hillaacu ma beegso baaHabeenkii socod miyaa Hadhkii ma ha seexan baa
Waqtigu ma haloosi baa Ninkii hakadaa boqoolka Habaaska miyuu dhaxlaa? Quruumaha hore u guuray
Barwaaqada haybsanaaya Intaad hiigsan layd gadaasha Hareerta ka raac miyaa? Hadduu maalku kaa harraado
Harooyinka gee miyaa? Hurdada ku dan seeg miyaa?

BY SULEIMAN SAEED KABADHE(DANJIRE)

No comments:

Post a Comment