Monday 2 November 2009

DIYAARAD DAALLO AIRLINE OO KA BADBAADAY FAL AFDUUB AH XILLI AY KA DUUSHAY GAROONKA BOOSAASO

DIYAARAD DAALLO AIRLINE OO KA BADBAADAY FAL AFDUUB AH XILLI AY KA DUUSHAY GAROONKA BOOSAASO

Published on: Nov 2, 2009 15:49

Kooxo dabley ayaa goor dhoweyd isku dayey inay afduubaan diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airlines oo ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa TogaHerer u sheegay in diyaaradan oo ka duushay garoonka Boosaaso ay isku dayeen inay qafaashaan rag hubeysan oo diyaarada la socday kuwaasi oo hub sitay.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay ka badbaaday afduubka oo ay hadda dib ugu soo laabatey garoonka Boosaaso.

Weli lama oga sida falkan u dhacay iyo sida ay diyaaradu u badbaaday waxaase socda baaritaan arintan ku saabsan.

Xafiiska Daallo Airlines ee Boosaaso ayaa sidoo kale xaqiijiyey falkan.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay arintan ka hadlaan oo ay faahfaahin ka bixiyaan.

Diyaarad taagan garoonka Boosaaso, Bender-Qaasim Airport
Baashe Maxamed
Garoowe

No comments:

Post a Comment