Friday 6 November 2009

NIN XIL QAADAY EED QAAD!!!

NIN XIL QAADAY EED QAAD!!!

SHOTALY WEYNNIN XIL QAADAY EED QAAD!!!

Mansuuli-yadu maaha wax dheel-dheel ah oo siddii la doono laga yeelo, ee waa amaano miisaan-keeda aan la qiyaasi karin,mase ah awood aad sidaad doonto ugu takri fali kartid oo uu lee-yahay qofka loo dhiibaa, sidduu doonana uu ugu socon karo ama uu u isticmaali karo waxa aan lagula xisaab tamayn, wixii ku soo dhaca maskax-diisaba in uu ku kaco maaha, ee way ka weyne tahay, kana culus tahay sida aynu u haysano, waa wax yaabaha la iska dhayalsado uguna xun ee keena waxa loo yaqaano xumaanta haddii aan siday tahay loo fulin amase loo qaban oo looga soo bixin, yaan hadal madhan kugu daaline waxan uga socdaa, komishanka cusub ee xilkii la wareegay in aan xusuuyiyo baan jecleystay, maaha shaqada ay la wareegeen mid ah is tus iyo dalacaad ay heleen, amase ay mutays-teen abaal gud hawl ay ka soo baxeen awgeed loogu deeqay, yaanay u qaadaan in la waayey cid ka fiican oo ay yihiin kuwii wadanka somaliland daba iyo dacal markii la soo xulay la isku af gartay in ay ugu wanaagsan yihiin, ee waa in ay ogaadaan in ay ku helaan xilkan, looguna dhiibay bakhtiyaa nasiib, laguna eegaayo kolba sida ay wax uga qabtaan, in kasta oo uu jiro tuhuno fara badan oo leh kuwani waa kuwo xag jiro ah, oo qaybaha soo doortay is yidhaaheen waa kuwii idiinku fardo cadaa ee si walba idiin difaaci lahaa, sidaas awgeed waxay umadu ka filayso in ay ka jibo keenaan, ka midho dhali-yaan, waa foosha doorashada ee umada haysa xanaf-teedu siddii ay baraf u saar la haa-yeen, si ay u qabooji-yaan xumada hoosta ka qiiqaysa iyo xamaasada dhan kasta loo eryaayo si wax loogu helo, looguna kala jiito umada, waa hawl aad u qoto dheer oo u baahan miyir, degenaansho, ka fiirsasho, daacad-nimo, hawl kar-nimo, sinaan, iyo ficil la’aan aanay la xafiil-tamin qaybaha iskaga soo hor jeeda doorashada ee ku loola-maaya, waa miisaan cadaalad ku shaqeeya oo ay is leeg-yihiin labada kefe-dood ee miisaanku lee-yahay, maaha mid khiyaamo, eex iyo nin jeclaysi ku dhasha, waa hawl dhawr jeer oo hore tiraba 2 goor ribatay oo muran is af garan waa, kutri-kuteen, godobo gasho, waa hawl sagaal (9) dabin gashay oon eebbahay diline, sidaas awgeed waxay u baahan-tahay in qofka guda geleyaa uu kun jeer digtoo-naado, si basar lehna u fara geliyo oo macquul ah, aan in yar oo ah gabaygii durdur ee hadraawi ku raaciyo’e iga qabo:-

XUSUUSO:- meel kasta oo erayga doorasho ku jiro waxay ahayd gabay ee la soco:-

Waa doorasho sagaal dabin gashoo, eebahay diline,
waa doorasho daraad iyo ogayd, dakhara-deeddiiye,
waa doorshao durbaankii la tumay, diif la soo kacdaye,
waa doorasho ku diirsata markii, loo diyaar yahaye,
waa ceel dad liqa, oon fudayd loogu daadegine,

Waxan aan filayaa amase ay umada reer somaliland aad ugu rajo weyn tahay oo fursad la idiin siiyey haddii aad tihiin komishanka cusub, in aad maanta wixii dhacayba aad ilowsii-saan umada, ka baydhaan wixii dhakhray labad kooxood ee sii kala horeeyey, in kasta oo aaynay eeda wada lahayn oo badi ka shaki lagu xukumay, meelo loo kala tirinaayey uun loo food saaray, cid cadaynay-saana aanay jirin laakiin tuhun iyo carqalado hor yimi oo dhibaata-dooda wata aay sii hurgufeen sida tii la odhan jiray interpeace oo waxba micnayn wayday, ahayd-na ta ugu daran, hadana waxa denbigii loo xambaariyey kuwii idinka horeeyey, oo waxa kula galga-latay interpeace oo rabatay iska hor keen xusbiyada ah haddii ilaah laga baqaayo oo aan dhan garabka la saarayn, oo aanu xaalku ahayn meel iskaga baydh iyo cid uun eedee, si kasta-ba ha ahaatee wixii tegay way ku daayeen, meel hoo rabta hadal waxa kama taro, ee boogtii weli way huursan tahay in kasta oo aad moodid in ay yara shiikhday, waxa dheecaanka ka siidaaya-na way u baahan tahay, waxase la isku haystaa siddii looga sii dayn lahaa hurgumada dhex jiifta ee murusan sida loo kala safayn lahaa ( wa serfka’e) ee loo kala saari lahaa qaybaha ay ka kooban tahay sida dhiig, dheecaan, malax, xinjiro kuwaas oo ka dhigan sida loo kala soocaayo dadka labada kaadh haysta, kuwa faraha laga hayo ee aan waxa kale laga hayn, kuwo magac qudha la qoray oo aanay jirin faro, sawir, iyuo kuwo sawir keliya ah, waxa jira dad aad u tiro badan oo ku jira kumbiyuutaraddii ( computers) goobaha la geeyey tiro koobka laakiin aan ku jirin serfka oo lagu muransan yahay sida laga yeelaayo, waxa hubaal ah in la rabo maskax AL-LE taqaan oo dhexdhe-xaad ah, keenta xalkii lagu kala reebi lahaa inta aan soo kor marnay ee dhibaato iyo malaayiin ka sii daran oo is kor fuushan, ahna in sida laga maarmi waayo ee daacad laga yahay, ugna fiican ee la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, laga wada tashaday, oo lagu qanacsan yahay, iyada oo aanay wax qarsoodi ahi jirin, ee uu xaalku yahay alaaloow eed la’aan.

Waxa la yidhi milil korkii lama dhayo hadaanad nabarka sarayn oo aanad dhaymaha uu u baahan yahay ku daway-nayn, taataa-basho iyo dul taagniyi waxba sooma kordhiso ee way uga sii dartaa, kana sii xumaadaa halkii markii hore laga baqaayey, oo waxay noqotaa kaaf iyo kala dheeri, iyo ka dar oo dibi dhal, sidaas awgeed waa in ay komishanku kun jeer ka fekeraa waxa uu gacanta saaraayo inta aanu faraha la gelin dhooqo isku qalashay iyo biyo ajo ah oo la isku qooyey, xil nin yaqaan baa ka naxa, derejo doon aan ka war qabin-na wuu ku farxaa oo wuxu is yidhaahaa magac iyo maksab baad heshay, oo siddii uu xoolo uga dhan lahaa buu markiiba ku dhaqaaqaa, isaga oo aan ogayn xajiinta hoos daadsan, gocon-dhada ku dhex qarsoon, caran-carka aanad dhaadayn ee doqoni ma garatada ah, waxan ku soo gabaga-beeyey maqaalkan oo aan ku lee-yahay komishanka waxan idinka rabanaa in aad badbaa-disaan dalka iyo dadka, oo aanay farsama-diinu kelifin gacan ka hadal, hoos u dhac, niyad jab, kala yaac, marna umada walalaha ah aydaan cuqdad kala qaad-siin, ilaalisaan xasiloonida iyo isku xidh-naanta umda somaliland meel ay joogto-ba, waa in aad si adag ula dagaalan-taan ku wiirsi nacab iyo cid idiin soo hoos gasha, yaan siddii kuwii hore aanay gacanta ku qabn hawsha la idiin diray ajaanib,waayo dan inaga-ma laha wanaag ah, ee siddii ay isugu keen diri lahaayeen ayey intaas hoosta ka falki-nayaan, waxay inoo sooha-yaan miciyo abeeso, wixiinu haku jireen gacantiina, wa-xaaga yaan laguugu talin, haddii ay waxa in barayaan adiga oo talada haysta oo aan ku sii dayn tababar ha inoo furo, mase aha in ay kaa fara marooji-yaan awooda isu talis-kaaga, oo surmo ku gashado,oo xuurto kugu bakhtiisto hadhoow-na uu kugu qoslo, maanta waxa gacanta idiinku jitra mustaqbalkii somaliland ee si laba jibaaran waa in aad uga fekertaan, iskuna duubnaataan, oo aan la idinkala xadin.

Dardaaran waa inta xayga la yahay baa la yidhi, umada reer somaliland, way in ay isla garab taataa kalsooni buuxda, oo ay jooji-yaan, kala jebinta la is liq-siinaayo komishanka ee ah hebel daacad maaha, way ka liitaan kuwii hore, waa xag jiro, wax garan maayaan, waxan aad ka buuxi-naysaan war baahinta, waxan aad go’a u sii riday-saan joojiya bilaa dhan-dhanka ah ee aad qubaysaan, waynu hor ordaynaa, inaka baa balaayo sii saadi-nayna, waxa wacan in aan la talino, u sheegno siyaabaha ugu toosan ee ay u fulin karaan hawsha hor taal ee leh baaxa-deeda, adag ee isku mulaaqan, maaha in aan jar ka sii tuurno, ma jaran kano waxa aynu rabno iyo waxa aynu diida-nahay, waxan ku soo af-jaray maqaalkan waar yaan la isku riix-riixin ee hala gacan qabto muran iyo canaani wax ay soo wadaaan ma jiraane, oo aynu dhex ka ahaano, haddii kale miyaa wallee inak

* N.B Ha dhayina milil korkii hadhoow dilaaci doona.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment