Monday 9 November 2009

TALIYE SARE OO KA TIRSANAA SHABAABKA OO KA GOOSTAY SAWIRO

TALIYE SARE OO KA TIRSANAA SHABAABKA OO KA GOOSTAY

Sarkaal ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa isku dhiibay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo sarkaalka ay ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Sheekh C/llaahi oo lagu naaneyso Faaruuq Pakistan ayaa ahaa Taliye sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Munaasabad loogu soo bandhigay Saxaafada ayaa waxaa ka hadlay Sheekh C/raxiin Ciise Caddow oo ahaa Afhayeenkii Maxkamadaha Islaamka, isago sheegay in ay soo dhoweynayaan Sarkaalka ka soo goostya.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay in ay aad uga faraxsan yihiin Sarkaalka ku soo biiray, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada kale in ay ku daydaan.

Sheekh Maxamed Pakistan oo ugu dambeyn la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu goostay inuu ku biiro Dowladda KMG oo uu ku sheegay in ay tahay Dowlad Xaq ah, waxaana uu cadeeyay inuu ka mid ahaanayo.

Waxaa uu ku eedeeyay Shabaab in ay ficilo xun xun u adeegsanayaan Diinta, waxaana uu sheegay ku dhaqanka Shareecada Islaamka in ay ka been sheegayaan.

Sarkaalkan ayaa dhowaan loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Shabaabka ee ku sugan Maxaas, isagoo ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Hoose
sarkaalka soo goostay
SARKAALKA SOO GOOSTAY
Sarkaal ka soo goostay alshabaab mixed

No comments:

Post a Comment